Farriin ku Socota Muwaadin Kasta: Sidee ayaynu uga Badbaadi karnaa Qaraxyada Muqdisho ka socda?

Muwaadiniinta Qaaliga Ahow
Maanta ma joogno meel aynu indhaha ka lalino ama aynu is diidsiino khataraha balaadhan ee argagixisadu ay ka wado geeska Afrika, ma joogno xillli aynu is dhigano ama aynu u malayno in qaraxyada halista ah ee Muqdisho ka socdaa  aanay ka dhici karin magaalooyinkeena  Hargeysa, Burco, Borama, Berbera iyo magaalo kasta oo ku taalla gudaha Somaliland.

Xaaladan halista ah ee ina soo waajihi kartaa ma aha mid aynu Xukuumada oo kaliya ku hallayn karno, waa mid ay waajib ku  tahay in Muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay, yar iyo weyn, rag iyo dumar, culimo iyo caamo, shicib iyo dawlad mid kastaba looga baahan yahay in uu kaalintiisa ka qaato sidii dalkeena iyo dadkeenu ay uga badbaadi lahaayeen inay ka dhacaan Qaraxyo la mid ah kuwa Muqdisho ka socdaa, qaraxyadaas oo ay ugu danbeeyeen  dhacdadii argagaxa lahayd ee dhawaan ka dhacday Tiyaatarka Magaalada Muqdisho.

Hore ayay dalkeena argagixisadu weerarro fulaynimo ah ugu soo qaadeen, waxaanay ahayd 29kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2008 markii weerarro is miidaamin ah lagu  weeraray goobo ay ka mid ahaayeen xarunta Madaxtooyada Somaliland, xafiiska Safaarada dalka Itoobiya ee Hargeysa iyo Xafiiskii hay’ada UNDP, halkaas oo ay ku naf waayeen dad tiro badan, kuna dhaawacmeen dad kale, kuwaas oo aan wax dambi ah cidna ka galin ee hawl maalmeedkooda watay.

Khatarta Argagixiso ee dalkeena soo waajahi kartaa waa mid u baahan in qof kastaa u diyaar garoobo una hawl galo sidii aynu u ilaalin lahayn amaanka qarankeena, iyada oo aan kalsooni buuxda ku qabo laamaha amaanka ee qarankeena iyo ciidamadeena geesiyaasha ah ee Boliska, Milatariga iyo Laamaha sirdoonka qarankeena oo iyagu  habeen iyo maalinba heeggan buuxa ugu jira ilaalinta amaanka dalkeena, una soo jeeda ka hortaga khatar kasta oo dalkeena la soo dersi karta,  hadana waxaa waajib ku ah muwaadin kastaa in uu iskii isu xilqaamo kaalintiisana ka qaato sugida amnigeena iyo ka hortagida dhagaraha ay argagixisadu u maleegayso dalkeena qaaliga ah. Hadaba waa maxay  kaalinta la gudboon qaybaha bulshada ee kala duwan si aynu ugu faro adaygno amaanka dalkeena ka jira?

1. Mulkiilayaasha Hoteelada iyo Goobaha Xafladaha lagu Qabto
Dadka leh Huteelada waaweyn iyo goobaha xafladaha kala duwan ee lagu qabto waxaa ku waajib ah inay  aad u adkeeyaan amaanka xarumahooda iyaga oo laga rabo talaabooyinkan

A. In ay aad u adkeeyaan xayndaabka dhismayaashooda,
B. Inay qortaan shaqaale tababaran oo suga amaanka xarumahooda
C. In ay baadhis adag ku sameeyaan qof kasta iyo baabuur kasta oo galaya xarumahooda iyo huteeladooda iyaga oo istcimaalaya Metal Detectors

D. In ay si joogta ah ula tashadaan laamaha amaanka ee dawlada sidii ay usii xoojin lahaayeen amaanka xarumahooda ganacsi

2. Ardayda Dugsiyada iyo Jaamacada Dalka, iyo Maamulka Waxbarashada
Ardaydu waa laf dhabarta koowaad ee dalkeena, waana xoog aad u balaadhan oo hormuud ka noqon kara adkaynta amaanka dalkeena, waxaa looga baahan yahay;

A. In Arday kastaa uu  indhaha ku hayo waxa ka socda agagaarkiisa, degdegna ula socodsiiyo macalamiintiisa iyo maamulihiisa  wixii shaki leh ee amaanka wax yeelli kara

B. In uu ka taxadiro cid kasta oo isku dayda inay falsafad khaldan oo argagixiso ku dhex faafinayso  xarumaha waxbarashada, degdegna ula socodsiiyo maamulka iyo Booliska

C. In wixii ku saabsan Arrimaha Diinta uu ula noqdo Culimada sare ee aqoonta u leh Diinteena Islaamka ee Sharafta badan, kana taxadiro looxyarayaasha dadka lumiya

D. In Maamulka wasaarada waxbarashada iyo maamulayaasha waxbarashadu ay khudbado joogto ah oo Dhibaatada Argagixisada ku saabsan ay u jeediyaan Ardayda

3. Culimada Diinta Islaamka
Culimadeena sharafta badan ee aqoonta u leh Diinta Islaamka waxaa ku waajib ah in ay bulshada ka wacyi galiyaan falalka Diinta ka baxsan ee ay argagixisadu ku kacdo iyo in Diinteena Islaamka ee qaaliga ah aanay raali ka ahayn in la xasuuqo dad aan waxba galabsan, culimadu waa inay si joogto ah qudbadaha Jimcaha bulshada ugu tilmaamaan qiimaha uu leeyahay ilaalinta amaanku, amaanka la’aantiina aanay nololi suurto gali karin., waxaa kale oo lagama maarmaan ah in Culimadu ay dedaal dheeraad ah u galaan sidii loo wacyi galin lahaa dhalinyarada lagu tuhmo inay khalad ka fahmeen diinteena.

4. Kaalinta Xukuumada ee sugida Amniga Dalka
Iyada oo shaqada koowaad ama muhiimada koowaad ee xukuumad kastaa ay tahay ilaalinta iyo sugida amaanka muwaadiniinteeda, isla markaasna ay xukuumada Somaliland muhiimada koowaad siiso sugida amaanka dalkeena, ayaa hadana waxaa xukuumada la gudboon inay sii laban-laabto dedaalka ka hortaga falalka argagixiso ee ku fidaya geeska Afrika.

Xukuumada waxaa looga baahan yahay inay
A. In ay kor usii qaado tayada iyo tirada laamaha amaanka qarankeena
B. In  Bulshada ay si balaadhan ugu wacyi galiso ilaalinta amaanka iyo khatarta Argagixisada iyaga oo adeegsanaya laamaha warbaahinta ee kala duwan

C. In kulamo joogto ah ay la yeeshaan ganacsatada iyo mulkiilayaasaha goobaha lagu kulmo si joogta ahna loola socodsiiyo ka hortaga khataraha jira

D. In la diyaariyo kooxo caafimaad iyo ciidamo joogto ah oo tababar joogto ah hela si dhakhso ahna  loo hawl galin karo haddii ay dhibaato degdeg ahi dhacdo.

E. In Dhoollo tusyo iyo bandhigyo joogto ah ay sameeyaan ciidamadaas degdega ah iyo kooxaha caafimaadku si loo hubiyo inay diyaar u noqdaan xaalad kasta oo dhacda

Ugu danbayn xukuumada Somaliland waxaa la gudboon inay joogteeyso afarta “P” ee badi dawladaha horumaray ay isticmaalaan si ay uga hor tagaan dhibaatada argaxisada.

Pursue: Si aad u joojisto ugana hortagto in weerarro  Argagixso ay dhacaan
Prevent: Si aad u joojiso in dadku ay argagixiso  noqdaan ama ay argagixisada u taageeraan
Protect: Si aad u xoojisid iska ilaalinta weerrarrda argagixso oo dhaca, goobaha muhiimka ahna amaankooda loo sugi lahaa
Prepare: In aad isu diyaariso hadii weerar argagixiso dhaco sidii aad khaasaraha u yarayn lahayd, diyaarna ay u ahaan lahaayeen dhamaan laahama gurmadka ee kala duwan

Muwaadiniinta qaaliga ahoow waa waajib ku saaran adiga iyo xukuumadaba sidii aynu u ilaalshan lahayn amaanka Dalkeena qaaliga ah , ugana hor tagi lahayn wax kasta oo wax u dhimaya degenaanshaha, horumarka, iyo xorriyada aynu maanta haysano oo aynu usoo marnay waddo dheer oo dhiig leh.

Somaliland Ha waarto
Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK
kaysar@europe.com