Farriimihii Hillary Clinton Ka Dirtay Email-keeda Gaarka Ah Xilligii Ay Xilka Haysay Oo La Shaaciyay

Washington, (SLpost)- Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa bilawday in ay shaaciso qaybtii ugu horeysay, fariimihii ay Hilary Clinton ka dirtay emaikeeda gaarka ah sannadkii 2012-kii, ka dib markii uu dhacay weerarkii Bengazi ee Libya, weerarkaas oo lagu dilay safiirkii Maraykanka iyo saddex sarkaal oo kale.Hilarry

Hilary Clinton ayaa waqtigaasi waxay ahayd xoghayaha arrimaha dibadda maraykanka, baadhitaan weerarkaasi lagu sameeyey ayaa waxa lagu ogaaday in Clinton ay isticmaalaysay email-keeda gaarka ah oo aanay isticmaalin keedii shaqada ee ay ahayd inay ka dirto fariimahaasi.

Waxa la qorsheynayaa in la shaaciyo in ka badan 50 kun oo fariimo oo ay Clinton dirtay intii u dhaxeysay 2009-kii iyo 2013-kii..

Clinton waxa lagu dhaliilay qaabkii ay u waajahday xaaladda markii uu dhacay weerarkaasi.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegaya in loo baahanyahay in la shaaciyo dhamaan fariimaha ay dirtay Hilary Clinton si loo cadeeyo sidii ay wax u dhaceen.

Hilary Clinton ayaa shaacisay inay doonayso inay isu soo sharaxdo jagada madaxweynanimo ee dalka Maraykaka, doorashada la qaban doono sannadka soo socda ee 2016-ka.

Waxay doonaysaa inay hoggaanka u qabato xisbiga Demoqaraadiga, balse weli ma cadda saamaynta ay arrintani ku yeelan karto.

Somalilandpost.net