Farqiga u dhexeeya Lacagta Ku Baxday Dhismaha Madaarka Berbera iyo Qiimaha Wasaaradda Duulistu ku bixisay Qandaraaska + Tuhunno Soo If-baxay

Addis Ababa (SLpost)- Shirkadda Tekleberhan Ambaye Construction (TACON) oo ah shirkad laga leeyahay dalka Itoobiya, ayaa shaaca ka qaadday xaddiga lacageed ee ay ku fulisay Qandaraaska dhismaha Terminal-ka Madaarka Berbera iyo deyrka taarka ah oo ay ku wareejisay, kaas oo madaxweynaha Somaliland dhowaan Xadhigga ka jaray.

Sida uu baahiyey Wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa dalka Itoobiya oo xogwaraysi la yeeshay Guddoomiyaha Shirkadda TACON, waxa uu sheegtay in dhismaha ay fulisay uu ka kooban yahay, Teerminaal iyo taar lagu soo wareejiyey masaafad dhan 12 Kilomitir oo madaarka ah, waxa aanay shirkaddu xustay in lacagta qandaraaskan ay ku qaadatay ay dhan tahay 83 Milyan oo ah lacagta Birr ee dalka Itoobiya, taas oo faa’idada ay shirkaddu ka heshayna ay ahayd Saddexda Milyan ee dheer 80 ka Milyan ee Birr.

IMG_0602Warku waxa uu intaas ku daray in dhismahan oo bilowday hal sano ka hor, uu ahaa mashruuc wada jir ay u fulinayeen shirkaddan dhismaha ee Itoobiyaanka ah TACON iyo shirkad dhismaha iyo maalgashiga ee Afro-sino (Afro-sino Constructing & Investment Company) oo laga leeyahay Somaliland.

Ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee shirkadda TACON Md. Eng. Habtamu Mengiste oo waraysi talefanka ah siiyey wargeyska Addis Fortune ayaa mar uu ka jawaabayey sababta halkii sano uu ugu dhammaatay 2015ka, waxa uu ku cowday in dhismhuhu uu qaatay hal sano, laakiin sababta keentay in dhamaystirku dib u dhacaa ay tahay qalabka dhismaha looga baahnaa oo heliddiisu deegaankaas ku yarayd, iyo shaqaale tababar oo aan laga helayn. Eng. Habtamu oo arrintan ka sii hadlaya ayaa waraysigan ku yidhi, “Caqaadaha ugu waaweyn ee dhismahani waxa ay ahaayeen cimilada kulul ee deegaanka, oo weliba si aad ah u sii kululaata inta u dhaxaysa bilaha Juun illaa Sabtembar iyo shaqaale tababaran oo aan dalka laga helayn, oo ay qasab nagu noqonaysay in aanu dad shaqaale ah ka soo qaadanno Itoobiya” waxa aanu ku soo gabagabeeyey, “Waxa aanu sidoo kale shaqaynaynay habeenkii, cimilada kulul awgeed”

Shirkadda TACON oo sii sharraxaysa waxyaabaha ay qandaraaskan ku dhistay ayaa sheegtay in Teerminaalka dhismihiisa ay ku hoos jireen adeegyo kale oo ay ka mid tahay, bar-kaantarool oo shandadaha iyo xamaamta dadka la mariyo, baro lagu sugo ammaanka, qalabka lagu raadiyo laguna wargeliyo dadka, qalabka isgaadhsiinta, qalabka shandadaha qaada , miisaanno qaadi kara culays dhan illaa 200 kilogaraam, taangi biyood, iyo jid laammi ah oo dhabbaha diyaaradaha taga.

Shirkadda TACON waxa ay sheegtay in barxadda teerminaalka ay dhistay ay ku fadhido dhul ballaciisu dhan 3’200 oo Mitir Laba jibbaaran ah. halka dhererka deyrka taarka ah ee shirkaddu ku wareejisay madaarka Berbera dhamaa 12 Kilomitir. Warkan uu Geeska Afrika soo turjumay, waxa uu wargeyska Addis Fortune oo ka faallooda arrimaha ganacsiga iyo dhaqaaluhu ku soo koobay, wasiirka duulista iyo hawada ee Somaliland ayaa qandaraaskan bixiyey.

Qaddarka lacagta ay shirkadda TACON sheegtay in ay ku qaadatay qandaraaskan ayaa marka faa’idadeeda lagu daro sarrifka doolarka ku noqonaya qaddar dhan $ 4,073,120.42 (Afar Milyan, Toddobaatan iyo Saddex Kun iyo Boqol iyo Labaatan iyo Afartan iyo Laba Senti oo doolar), taas oo ay labada shirkadoodba ku fuliyeen qandaraaska.

Bishii Labaad ee sannadkii 2012kii ayaa ay ahayd markii guddida qandaraasyada qaranka ee Somaliland ay ku dhawaaqday in qandaraaska dhismah teerminaalkan iyo deyrka taarka ah ay ku guulaysateen shirkadaha TACON iyo Afro-sino. Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka oo maalintaas warbaahinta la hadlayna waxa uu sheegay in labadan shirkadood ay madaarka ku dhisi doonaan lacag dhan, $ 4,396,485.45 (Afar Milyan, Saddex boqol sagaashan iyo Lix kun, Afar Boqol iyo siddeedtan iyo Shan iyo afartan iyo shan shanti oo Dollar).

Lacagta Shirkaddu sheegtay iyo lacagta Guddiga Qandaraasyadu shaaciyeen, waxa u dhexeeya Qaddar lacageed oo dhan $323,365.03 (Saddex Boqol labaatan iyo Saddex Kun, saddex boqol lixdan iyo Shan iyo saddex Santi), lacagtaas oo muujisay tuhun ah sababta ay u kala duwanaadeen labada lacagood ee shirkadda iyo wasaaradda Duulistu kala sheegeen.

SOMALILANDPOST.NET