Farqiga Hoggaamineed Ee Laba Madaxweyne Oo Somaliland Soo Kala Maray Laba Xili oo kala Duwan

Laba madaxweyneMadaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum-Maxamed Ibraahim Cigaal iyo madaxweynaha afraad ee Somaliland ee hada tallada wadanka haya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waa laba Madaxweyne oo laba duruufood oo kala duwan soo kala maray wadankan, balse ku kala duwanaa tallaabooyinkii ay u mareen dawladeynta iyo dhismaheeda.

Maxamed Ibraahim Cigaal

ALLE naxariistii jano ha ka waraabiyee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal, waxa uu xilka madaxweyne Loogu doortay shirkii labaad ee beelaha Somaliland ay ku yeesheen magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, sannadkii 1993-kii. Waxa uu xilka kala wareegay madaxweynihii koowaad ee Somaliland EEBE naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum-Cabdiraxmaan Axmed Cali, xili ay jireen duruufo adag oo dawladii wakhtigaasi ay ka dhaqaaqi wayday kooxo siyaasiyiin ah oo dadka qaar tilmaamaan inuu xidig iyo hor-jooge u ahaa madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu Somaliland ka soo saaray booraan madoow, waxaanu kala soo dabaashay duruuf adag, waxa uu ku guulaystay hubka dhigistii maleeshiyaadkii kala duwanaa, dhismaha laamaha dawladnimo oo uu ka shaqeysiiyay.

Waxa kale oo taariikhda u galay madaxweyne Cigaal inuu wadanka ka saaray marxaladii axdi qarameedkii oo uu gaadh siiyay inay Somaliland noqotay dal dhismay oo ha’yadihiisa dawliga ah oo dhami taabo-galeen.

Marxuum-Cigaal waxa uu dejiyay dastuurka qaranka Somaliland oo ummad-weynta reer Somaliland ay 97% “HAA” Ugu codeeyeen 31-kii May sannadkii 2001-dii. Waxa uu kale oo uu aasaasay nidaamka axsaabta badan oo uu aasaay xisbigii ugu horeeyay ee UDUB oo uu Guddoomiye ka noqday, hase yeeshee ALLE ha u naxariistee Marxuum-Cigaal waxa EEBE oofsaday isagoo aan wali hirgelin doorashadii u horaysay ee lagu kala saarayay ururadii siyaasadeed ee xiligaasi dalka ka samaysmay, waxaanu dhintay 3-dii bishii May sannadkii 2002-dii. Waxase himiladiisii rumeeyay oo wadanka ka qabtay afar doorasho Madaxweyne Ku xigeenkiisii oo noqday Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Somaliland geeridii marxuum-Cigaal Ka dib.

Marxuum-Cigaal, laguma xaman beelnimo, walina may dhicin inuu sad-bursiimo siiyo beeshiisa. Waxaan xasuustaa in beesha Ciise Muuse ee uu marxuum Cigaal ka dhashay waxay Golihiisii Wasiirrada ku Lahaayeen Wasiirkii horumarinta reer Miyiga oo wakhtigaasi ahaa Maxamed Muuse Cawaalle, waxa kale oo jiray oo beeshaasi lahayd Wasiir Ku xigeenka Beeraha Maxamuud Baag loo yaqaano.

Marar badan waxaan ka akhriyay qoraalada Prof. Maxamed Siciid Gees oo caddeeyay sidii madaxweyne Cigaal u necbaa in magaciisa iyo awooda maamul ee uu hayo ay ka faa’iidaystaan xubno ka mid ah qoyskiisa. Waxaan ka guntay Prof Gees isagoo leh “Madaxweyne Cigaal markii la iga dhigay Wasiirka Maaliyadda waxa uu igu yidhi shaqada ka Eri Wali Daa’uud Cigaal oo ay ilmaadeer ahaayeen, waxaanu sidaasi u lahaa waxa uu diidanaa in qof qoyskiisa ka mid ahi uu si dad badan u adeegsado magaciisa.”

Marxuum-Cigaal waxa uu ahaa Hoggaamiye dhab ah,waxaana ka muuqday shuruudihii Hoggaamiyenimo oo dhan. Waxa uu ahaa nin hal adag oo awooda dawladnimo isagu si buuxda gacanta ugu haya. Waxa uu ahaa xog ogaal xataa waxa uu si dhow ula socday xanta suuqa, ka dibna waxa uu dhaqan u lahaa inuu warbaahinta u yeedho oo uu ku yidhaahdo I weydiiya waxaad doonaysaan. Waxaan garanayaa iyadoo saxaafadda odayaasheeda oo dhami intay madaxtooyadda tagaan ay waydiiyaan wixii ay doonaan, isna uu uga jawaabo si maangal ah.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo, waa aqoon-yahan, waa siyaasi xeel-dheeri lagu tilmaami jiray, waa aqoon-yahan is nacay oo umadda reer Somaliland siyaasadeeda hormuud ka soo ahaa muddo afartan sanno ku dhow, inkasta oo mansabka madaxweyne ee uu imika hayo oo kale aanu soo qaban. Waxa uu ahaa guddoomiyihii ururkii SNM ugu mudada dheeraa, waxaanu ururkaasi caynaanka u hayay muddo sideed sannadood ah. balse dadka dhaliila siyaasadiisu waxay ku doodaan in Hoggaamintiisu dalab lahayd isla markaana lagu eedayn jiray inuu ahaa nin sida magaciisu u weyn yahay aan u karti weynayn. Waxyaabaha lagu dhaliilo xiligii ururkii SNM, waxa ka mid ahaa inuu Go’aan qaadashadiisu hooseysay kooxaysigana uu macalin gaoobay ku ahaa. Waxase jiray dad badan oo jeclaa hoggaamintiisa una haysta inuu ahaa Masuul ku habboonaa xiligaasi qadhaadhaa.

Haddii aad u soo gundo dego xiligan lagu jiro waxa Madaxweyne Siilaanyo lagu doortay doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka dhacday 26-kii bishii June 2010-kii. Waxa uu doortay 50 Dadweyaha reer Somaliland, waxaana laga dhaqdhaqay qadhaadhkii uu dhadhamiyay doorashadii u horaysay ee madaxtinimo ee dadweynuhu ay gacantooda ku dooranayeen madaxweynahooda oo qabsoontay 14-kii Bishii April 2003-dii.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa cahdigiisa madaxweynenimo lagu sifeeyay marxaladii Horumarinta loo baahnaa inuu ku soo hagaagay. Lama daadifayn karo inay dawladiisu qabatay Qoddobo badan oo ay ugu weyn tahay bixinta derajooyinka ciidammadda qalabka sida, mushahar kordhinta shaqaalaha oo laba jeer uu kordhiyay, waxbarashada dugsiyada hoose oo uu bilaash ka dhigay, lacagtii giimbaarta Burco iyo Ceerigaabo oo la bedalay iyo dhismeyaal waaweyn oo dabaqyo ah oo loo dhisay wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee Somaliland.

Balse waxa jira dhibaatooyin maamul xumo oo ku lammaan Hoggaaminta Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa dhacay dhammaan qoddobadii uu hore ugu eedayn jiray Dawladii Daahir Rayaale oo dhan, waxa faafay oo xeelado casriyaysan loogu hagoogay musuqmaasuq aan xad lahayn, waxa khaati laga jooga qabyaalada iyo cunfiga reernimo oo aad moodo inay dawladda Madaxweyne Siilaanyo beertay. Qandaraasyada kala duwan ee xukuumaddu bixiso, shiidaal baadhista, dhismeyaasha wasaaradaha,madaarrada iyo wax kasta oo macaash ku jiraba waxa hore loogu dhaqaaleeyaa xubno ka soo jeeda jufada madaxweynaha,xigtadiisa, xigaalkiisa iyo xididkiisa. Waxaan madaxweynaha ku ammaanayaa inuu arrintaas dedaal weyn ka sameeyay oo uu nooleeyay qaraabadiisa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu noqday madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland soo mara ee sad-bursiimo qayral xad ah siiyay beeshiisa u soo kifaaxday sidii uu kursiga ugu fadhiisan lahaa. Waxa beesha madaxweynuhu ay haysataa shan Wasiir. Waa dheg xumo kale oo ah farqiga u dhaxeeya Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Shanta xubnood ee Beesha madaxweyne Siilaanyo ee xubnaha ka ah Golaha Wasiirrada waxay kala yihiin

1)-Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Madaxtooyadda.

2)- Eng. Xuseen Cabdi Ducaalle Wasiirka Macdanta iyo Tamarta.

3)-Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Duulista hawada

4)-Cali Siciid Raygal Wasiirka Ciyaaraha

5)-Axmed Nuur Faahiye Wasiirul dawlaha Waxbarashada iyo tacliinta sare.

Waa yeelkee waxase mushkiladu noqotay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo Hoggaamintiisa la qawaday oo la sheegay inay sida dulinka u hadheeyeen qoyskiisa oo la wadaagay awoodii madaxweynenimo, iyadoo arrintaasi ay noqotay mid sugantay oo xataa maatida iyo makastu ka dheregsan tahay. Sidoo kale waxa madaxweynaha Somaliland cambaar ku noqotay kaalinta libaax ee Hoggaaminta dawladnimada ay ka gashay afadiisa oo ah aqoon-yahanad saamayn toos ah ku leh jaan-goynta siyaasadda.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu kaga duwan yahay madaxweyne Cigaal qaabka uu ula macaamilo warbaahinta, iyadoo aanay wali dhicin in Madaxweyne Siilaanyo u yeedho Suxufiyiinta oo uu yidhaahdo “I Weydiiya waxaad doontaan” lama arag,lagamana rajo qabo in lixda bilood ee u hadhay uu sameeyo, waxase uu saxaafadda madaxa banaan ku abaal-mariyay inuu xayiray laba wargeys oo maxali ah oo kala ah HUBAAL Iyo HAATUF.

Ugu dambayn, bulshada qeybaheeda kala duwan ayaan uga baxay inay ka hadlaan isbar-bar dhigan kooban ee aan ku sameeyay laba madaxweyne oo Somaliland soo kala maray laba wakhti oo kala waayo adkaa, hase yeeshee kii waayaha wanaagsan ilaahay ku hagaajiyay ay cagaha kula jiro dhiriq siyaasadeed.

Caabi Nuur Khaliif

Hargeysa/SOMALILAND