Faroole oo Madaxweynaha Soomaaliya u Soo Jeediyay in uu Is Casillo

 

Garoowe(SLpost)-Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay inuu is-casilo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in saddexdii sano ee xafiiska joogay ay kaga dhamaatay khilaaf iyo is-qab-qabsi.

Faroole oo ka Hadlayay Garoowe ayaa Sheegay in Saddexdii Sano ee Xasan Sheekh uu ahaa madaxweynaha aysan waxba qaban, isla markaana tahay saddex sano khasaartay.

“Saddexdii sano wax la sheego oo la qabto ma jirto, wax khasaaray mooyaane, saddex sano waxay kaga dhamaatay khilaaf gudaheeda ah iyo dhowr Ra’iisul wasaare oo la bedelay, maamulladii loo igmaday oo khilaaf soo kala dhex-galay, maantana wuxuu khilaaf dhex-taagan labadii hay’adood ee madaxtooyada iyo baarlamaanka,” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Mudane Faroole ayaa xusay inuu qabo in doorasho Somaliya ka dhici karto haddii si fiican loo shaqeeyo, isagoo xusay inuusan garan karin wax aan doorasho ahayn oo doorasho ah inay dalka ka dhacdo.

“Heshiiska hadda la soo saaray ee beesha caalamka door ku lahayd, ee la leeyahay waxaa la raadinayaa waxaan doorasho aan ahayn oo doorasho ah, aniga ma garan waxaan doorasho ahayn oo doorasho ah maba dhici karto, aniga waxaa qabaa in doorasho ay dhici karto hadii si fiican loo shaqeeyo,” ayuu yiri Faroole.

Dhanka kale, Faroole ayaa ugu baaqay Xasan Sheekh in haddii uusan waxba qaban karin inta uga hadhay xilka uu is casilo, isagoo intaas ku daray in waqtiga haray uu aaminsan yahay in wax la qaban karo, sida meelaha khilaafka ka jira laga heshiiyo.

“Waxaan leeyahay Xasan Sheekh haddii aadan waxba qaban karin isaga tag xilka, C/llaahi Yuusuf-ba maalin buu ka tagay isagoo aan xilligiisu dhamaan, ceebna ma ahan haddii aad is-casiho oo sheegto inaadan waxba qaban karin,” ayuu yiri Faroole.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa u hadhay muddo sannad ah, iyadoo laga filayo inay Sannadka 2016 ay ka dhacdo dalka doorasho ka duwan tii dhacday 2012-kii.