Farmaajo Muxuu Ka Yidhi In La Dhimayo Tirada Ciidamada Somalia

(SL.Post) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wararka sheegaya in la xadidayo ciidamada xoogga Somaaliya, laguna koobayo kaliya 18-kun oo Askari, kaddib markii dhawaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay mooshin ka keeneen qorshaha Amniga  ee ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ujeedada aanu ahayn ciidan la yareeynayo ama ciidan la eryayo, waxaanu uu tilmaamay in inta awooda iyo tabarta tahay ay ku xiran tahay.

“Ciidankeena ma ahan 18-kun ee askari, ee ugu yaraan weeyaan, tabarteena intee ay tahay ayay ku xiran tahay, qof la ruqseynayo ama ciidan la dhimayo ma jiraan, ciidankii horay u jiray ayaa howl gelineynaa.”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, isla -arkaana ay cid walba u baahan yihiin oo gacan ka geysata xoraynta dalka, isagoo meesha ka saaray xadidnaanta la sheegay in Ciidamada la saaray.

“Aniga oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada, aniga ayay i hoos yimaadaan ciidamada, waxaa iga go’an sidii aan ciidamada oo isku dhaf ah u dhisi laheyn oo aan qabiil ahayn. ”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaaliya ayaa dhawaan mooshin ka keenay qorshaha Amniga Qaranka oo ay ku jirto dhismaha Ciidamo gaadhaya 18-kun oo Askari, kaas oo la horgaynayo shirka London.

 

Somalilandpost.net