Faransiiska oo Sheegay In aannay Wali Helin Ninkii Agaasimay Weerarrada Paris

Paris(SLpost) – Dacwad oogaha maxkamadda Paris ayaa sheegay inaan la ogeyn meesha uu joogo ninka lagu eedeeyay inuu abaabulay weeraradii dadka badan ay ku dhinteen ee Paris ka dhacay jimcihii la soo dhaafay.

 

Francois Molins ayaa weriyayaasha u sheegay in Cabdelxamid Abaauud uusan kamid ahayn sideeda qof ee la xidhay intii uu socday howlgal shalay ka dhacay xaafad ka tirsan Paris oo lagu magacaabo Saint Denis. waxa uu sheegay in hadhaaga jidh bini’aadam oo dhismaha laga helay aan weli la aqoonsan.

 

Haweeney ayaa is qarxisay qof kalena waala toogtay inta howlgalku uu socday. Dhismaha ayaa waxyeelo aad u daran ay soo gaadhay lamana oga in meyd kale uu burburka ku hoos jiro, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidaasi sheegay. Laakiin laba qof oo la toogtay ayaa weli aan la sheegeyn aqoonsiyadooda.

 

Inkabadan 5 kun oo xabo oo rasaas ah ayaa la is weydaarsaday inta howlgalka uu socday, dadka qaar ayaana sheegaya in Saint Denis ay isu badashay sida goob dagaal. Abaauud ayaa la sheegayaa inuu qabanqaabiyay weeraradii jimcihii ee sababay dhimnashada 129 qof.

.

Mr Molins ayaa tilmaamay in howlgalka booliska ee Saint Denis uu fashiliyay weerar cusub, loogana hortagay koox uu ku tilmaamay argagixiso, taas oo uu sheegay inay u muuqatay inay diyaar u ahayd howlgal kale.

 

“Markastaa, aniga ma aha qofka sheegaya tirada rasmiga ah eeku dhimatay halkan, ama aqoonsigooda, laakiin ugu yaraan laba qof ayaa dhimatay”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Faafaahinta uu ka bixiyay howlgalka Saint Denis ayaa muujineysa in goob dagaal uu noqday dhismaha.