Faransiiska iyo Sucuudiga oo Kala Saxeexday Heshiis Ku Kacaya $3 Bilyan oo lagu Hubaynayo Milatariga dalka Lubnaan

Paris (SLpost)- Waddamada Faransiiska iyo Sucuudiga, ayaa qarka u saaran inay soo gebo-gabeeyaan heshiis Milatari oo ku kacaya Saddex Bilyan oo Dollar ($3bn), kaas oo noocyada kala duwan ee Hubka loogu iibinayo Ciidamada Qalabka-sida ee dalka Lubnaan.

Heshiiskan ayaa lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada dalka Faransiiska maalintii shalay, kaas oo daba-socda wada-hadallo ay magaalada Paris ku yeesheen Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande iyo Amiirka iska leh Dhaxalka boqortooyada Sucuudiga Amiir Salman Bin Cabdulcasiis.

France_SaudiMadaxweyne Hollande oo ay kulan casho ah wada-qaateen Amiir Cabdicasiis, ayaa sheegay inuu dalka Lubaan muhiimad u leeyahay waddamada Khaliijka iyo qaaradda Yurub, balse uu yahay waddan u nugul khataraha dhinaca ammaanka una baahan in laga caawiyo dhinaca ammaanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

“Waxaynu isugu nimi haddaynu nahay Sucuudiga iyo Faransiiska inaynu u caawinno Lubnaan sida ay iyaguba isugu caawiyaan ilaalinta ammaankooda,” ayuu madaxweyne Hollande ka sheegay kulanka cashada ah ee dhexmaray amiirka iska Leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga.

Amiir Salmaan oo booqasho saddex maalmood qaadanaysa ku jooga dalka France ku gaadhay shalay, waxa kulanka casho-sharafta ah oo Madaxweyne Hollande ku maamuusay goob-joog ka ahaa wakiillo ka socday shirkadaha Hubka sameeya ee waddanka Faransiiska.

Milatariga dalka Lubnaan oo ay dhibaato ka haysato Hubka noocyadiisa kala duwan oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba ku yar, ayaa bulshada caalamka ka dalbaday in laga taageero sidii ay ula tacaali lahaayeen cawaaqib-xumo ay kala kulmaan dagaallada ka socda waddanka ay jaarka yihiin ee Suuriya oo qaybo badan oo ka mid ah gacanta u galay dagaayahannada kooxda Islaamiyiinta ah ee DAACISH.

Ciidamo ka tirsan Milatariga dalka Lubnaan, ayaa dhowaan magaalada Arsal ee xuduudka dalka Suuriya waxa uu dagaal ku dhexmaray dagaalyahannada ka tirsan DAACISH oo guryihii ay deggenaayeen ka gubay Qaxoonti u dhashay dalka Suuriya .

SOMALILANDPOST.NET