Fannaaniintii Xidigaha Geeska Ka Tirsanaa oo Lagu Sii Daayey Amar Maxkamaddeed.

 

Hargeysa(SLpost)Wasiirka wasaaradda warfaafinta jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo galabta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa caddeeyay in galabta xabsiga laga soo daayey afartii fanaan ee ka tirsanaa Xiddigaha Geeska ee ku xidhnaa Hargeysa afarta maalmood.

Wasiirku wuxuu kaga hadlay shirkiisa jaraa’id sababta loo xiray fanaaniintaasi oo Muqdisho ka soo dhigay bandhig faneed Ciidii.

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa ku amray taliyaha qaybta boliiska ee dambi baarista CID iyo taliyaha saldhiga dhexe ee boliiska ee Hargeysa inay sii daayaan maxaabiista.

 

Guddoomiyaha maxkamada gobolka ee Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa amar qoraal ah oo uu soo saaray maanta wuxuu go’aamiyay in xoriyadoodii loo soo celiyo fanaaniinta Nimcaan Cabdiraxman Xasan, Maxamed Axmed Bakaal, Cabdiraxman Caydiid Cabdi iyo Xamda Cabdi Queen. Guddoomiyaha ayaa ku amray taliyaha qaybta boliiska ee dambi baarista CID iyo taliyaha saldhiga dhexe ee boliiska ee Hargeysa inay sii daayaan maxaabiista.

 

Fanaaniinta ayaa boliisku ka qabteen gegida dayuuradaha ee Hargeysa iyagoo Axadii ka soo laabtay magaalada Muqdisho oo ay bandhig faneed ka soo dhigeen Ciiddii.

Maxkamadu waxay sheegtay booliisku inuu ilaa hadda ku guuldareystay inay maxkamada horkeenaan sabab sharci oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan xogaha dhacdada, sababta xadhiga iyo cadaymaha la helay oo faah-faahsan.

Qoraalka maxkamadda waxaa kaloo lagu sheegay in iyadoo maxkamadu ka duuleysa distoorka Somaliland qodobka 25-aad oo daamanad qaadaya xorriyaadka aasaasiga ah ee shakhsiyaadka ay reebantay inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.

Maxkamadu waxay sheegtay inaanay banaaneyn in qofna la qabto, la baaddho, ama la xayiro haddii aanu markaasi denbi faraha kula jirin , ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo xidhin garsoore awood u leh.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in garsooraha maxkamada gobolka Hargeysa shalay ku diiday booliiska inuu sii hayo maxaabiistan, isagoo u cadeeyay booliiska garsoorhu inaanay maxaabiistani garsoorka u xidhneyn.

Wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegay in afartan fanaan ee Xiddigaha Geeska loo xidhay iyagoo kaga soo qayb galay Muqdisho barnaamij ka soo horjeeda madaxbanaanida Somaliland.

Hanaanka dib u habayneed ee Garsoorka Somaliland ayaa u muuqda mid caddaaladda ku salaysan islamarkaana dhawraya xuquuqda dadka, iyadoo guddoomiyaha maxakamadda sare dhawaan sheegay in qofka iyadoon la xidhin dacwadiisu maxakamadda ka socon doonto.