Fanaanniinta Xiddigaha Geeska oo Booqasho Niyad-dhisid ah iyo Taageero ula tagay Xarunta Derbi-jiifka Hargeysa

Hargesya (SLpost)- Hobollada ku bahoobay Kooxda Casrigan Shidday fanka Mandaqada ee loo yaqaan Xiddigaha Geeska oo saldhigoodu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa shaaciyey bandhig faneed (Show) dhaqaalaha ka soo baxa ay ugu taborucayaan xarunta xanaanaynta iyo dhaqan-celinta derbi-jiifka ee MUSTAQBAL ee degmadda Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa.

Fanaaniinta_Mustaqbal (7)Kooxdan oo ka kooban Hal-abuuro, fanaanniin, Laxamisteyaal iyo Jileyaal  sanadahan dembe aad looga daba dhacay loogana jecel yahay Guud ahaanba dhulka ay ku dhaqan yihiin bulshada Af soomaaliga ku Hadlashaa, ayaa bandhigan kaga dhawaaqay Maalintii shalay maalintii Booqasho ay tegeen Xarunta  Derbi jiifka Mustaqbal, halkaas oo ay xaaladooda ku dersayaan caruurta yaryar ee lagu xananeeyo xaruntaas, isla markaana  si aad ah ugu riyaaqeen iyagoo dareemey yididiilo ah in si dhaw loo danaynayo.

Fanaaniinta_Mustaqbal (6)Ugu horrayn waxa goobtaas Haddalo kooban oo soo dhawayn iyo xog warran isugu jira  ka jeedisay Madaxa Xaruntaas Marwo Luul Xasan Mataan oo iyadu ka war bixisay dedaalkii ay la soo martay ubadkan iyo sida ay ula soo gashay Halgan gaadhsiisan inay si toos ah bulshadii ay ka habsaameen ula la jaan qaadaan. Maamo luul waxa ay tilmaantay inay meel hoose ka soo qaadday xaaladda Ubadkan oo haatan meel fiican maraysa, “Ubadkani dhammaantood waa reer Somaliland, intaanay immika xaaladoodu sidan noqonina waxa loo haystay Ajaanib, waxana loo diran jirey shaqooyin liita sida Baalashka iyo maydhista Baabuurta, dhamaantoodse waa reer Somaliland, waana carruun aan hooyo iyo Abbo midna lahayn iyo kuwa waalidkoodii khilaaf ku kala tageen noloshooda aawadeed, annaguna waanu ku tacabnay halgan baddana waanu usoo galnay sidii ay maanta heerkan u soo gaadhi lahaayeen.” Ayey tidhi luul xasan mataan.

Fanaaniinta_Mustaqbal (3)Sidoo kale waxa ay Hooyo Luul xasan mataan ka sheekasay sababtii ku kalliftay inay u gurmato, waxana ay tidhi, “anigoo 2007-dii Guddoomiye ku-xigeen ka ah komishanka xuquuqal insaanka qaranka, ayaan ogaaday inaanay carruurtan waddooyinka ku dayacan aanay cidina u maqnayn oo indhaha bulshadu dhaafsiisan yihiin, halgan dheer ka dib waxanu ku guulaysanay annagoo kaashanayna maal qabeenada dalka iyo maayarkii hore ee caasimada Hargeysa inaanu goobtan dhamaystirno, ilaahay mahadi ha ka gaadhee waanu ku guulaysanay oo carruurtii maanta waa kuwaas quruxda badan ee dhibaatadii iyo diiftii ka ba’day, dadka damiirka lihina way ku farxaan.”

Fanaaniinta_Mustaqbal (5)Sidoo kale waxa ay Hooyo luul xustay inay carruurtaas si aad ah inta karaankeed ah ugu dedaashay sidii ay wax u bari lahayd, waxana ay tidhi, “ ubadkan waxanu ugu dedaalay sidii ay wax u baran lahaayeen haddii ay diin tahay iyo haddii ay maaddi tahayba macallimiinna waanu u qabanay oo goobtan ardayda waxbaa loogu dhigaa, si aad ahna waxa farxad noogu filan inay maanta fannaaniintii la jeclaa na soo booqdaan iyagoo ubadka u muujinaya sida shacabku u danaynayo.”

Fanaaniinta_Mustaqbal (8)Abwaan xasan salebaan dhuxul (laab salaax) oo isaguna ka mid ahaa kooxdii fannaaniinta ahayd ee ubadkaas booqashada ugu tegay, ayaa xusay sida shucuurta leh ee uu ugu qiiraysan yahay xaaladihii kala duwanaa ee ay ubadkani soo mareen, waxana uu yidhi,” waxa maanta aan idiin sheegayaa inaad tihiin ubad qarankani danaynayo oo aanu ka maarmi Karin, waxan dareemayaa inaad tihiin ubad mudan in lagu tabco sida imikaba luul idiinku tabcayso, waxad sidoo kale tihiin ubad si aad ah ay waajib tahay in wax loo qabto oo la taageero, waxan aad uga dheregsanahay inay akhlaaq badani idinka muuqato.”

Fanaaniinta_MustaqbalWaxa kale oo uu Abwaanku si cad u sheegay inay muhiim tahay in ubadkan wax la taro oo la taageero, waxana uu yidhi, “dhamaanba ganacsatada, xukuumadda,qurbe joogga iyo dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada waxan u soo jeedinayaa in haddii cid la taageero oo cid wax la taro ay ugu habboon yihiin ubadkan maanta I horjooga, sidoo kale waxan fannaaniinta u soo jeedinayaa dareenkiina iyo garashadiinu kaliya yaanay la kulmin dadka dabaqadaha sare balse waxa muhiim ah in marmarka qaar ay wakhtigiina la qaadataan ubadkan qiimaha leh ee xaaladdan oo kale ku nool kulankiinuna yaanu noqonin maanta oo kaliya.”

Fanaaniinta_Mustaqbal (1)Sidoo kale waxa uu Abwaan laab salaax ubadka hortooda ka ballan qaaday inay fannaaniin ahaan munaasibad gaar ah u qabanayaan ubadkan ku xeraysan xarunta xannaanadda derbi jiifka ee Mustaqbal, waxana uu yidhi, “ anigoo dareenkayga ka jawaabaya waxanu idiin ballan qaadaynaa Fannaaniin ahaan inaanu idiin qabano xaflad aanu idinku taakulayn doonno, wixii karaanka yaga ahna waanu idinla garab taaganahay wixii ka soo baxana idinkaa iska leh, anigoo Hay’adaha dalka joogana ugu baaqaya inay waxqabadkooda geliyaan ubadkan u baahan taakulaynta iyo wax tarka oo ay il naxariis leh ku eegaan carruurtan yar yar.”

Fanaaniinta_Mustaqbal (2)Fannaanadda codka toolmoon ee Sahra Axmed Cabdilaahi (sahra ilays)oo iyaduna halkaas ka soo jeedisay hadal kooban ayaa tilmaantay inay wixii karaankooda ah ku caawin doonaan ubadka yar yar, iyadoo tilmaantay inay fannaaniintu waxa kaliya ee ay hayaan ay tahay Af loo soo istaagayo kaana ay la garab istaagi doonaan ubadkan ku nool xarunta Mustaqbal.” Ugu dambayntii waxa qaar ka mid ah ubadka yar yar ee ku sugan xarunta ubadka derbi jiifka ah lagu xannaaneeyo ee Mustaqbal ay halkaas ku soo bandhigeen suugaan ay cod macaan ku muujinayeen nolosha ay haatan ku nool yihiin iyo tii hore ee ay ku sugnaayeen.

Dhamaanba fannaantii xarunta booqashada ku tegay xaruna Mustaqbal oo ay ka mid ahaayeen Musrsal musse, Khadra sinimoo, Asma love, Axmed weli Ibrahim furinle, Maxamed Axmed Bakaal, BK, Abwaan laab-salaax, Sahra ilays iyo qaar kale oo badan, ayaa dhamaantood dareen isku mid ah ka muujiyey xaaladda ay ubadkaasi ku sugan yihiin iyo sida shacabka reer Somaliland Gudo iyo dibadba uu waajib uga saaran yahay sidii wax tar muuqda loogu geysan lahaa.

SOMALILANDPOST.NET