Hargeya (SL.Post)  Fanaanada Nasteexo Maxamed Warsame (Nateexo Indho) iyo DJ Subeer, ayaa bandhig faneed ay Hargeysa caawa ku qaban lahaayeen laga hor-istaagay, waxaana wararku sheegayaan in  Ciidamo Boolis ahi ay hor istageen bandhig faneedkan ay caawa qaban lahaayeen Nasteexo Indho iyo DJ Subeer, kaas oo ka qasoomi lahaa Hotel Crown.
Warka ayaa intaas ku daraya  bandhig faneedkaas hor istaageen guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland,   balse lama garan karo sababta rasmiga ah ee loo hor istaagay bandhig faneedkaasi
Sidoo kale wararka aanu ka helayno Hotel Crown ayaa waxay ay sheegayan in gabi ahaanba ay Hotelkaasi isku xeereen Ciidamad Boolisku, waxaana sidaasi lagu baajiyey bandhig faneedkaasi caawa ay Fanaanada Nasteexo Indho iyo DJ Subeer ku qaban lahaayeen magaalada Hargeysa
Somalilandpost.Hargeysa