Falastiin oo Xubinimo looga Ogaaladay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Guusha ay ugu fadhido Shacabka Yuhuuddu Xasuuqday

Go’aankan Dariiqa u xaadhaya Baadhis Madax-bannaan oo lagu sameeyo Xad-gudubyada Isra’iil ka geysatay Dhulka ay xoogga ku haysto ee Falastiin

Hague (SLpost)- Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Hague, ayaa aqoonsatay jiritaanka Qaranimada Falastiin, taas oo dariiqa u sii xaadhaysa baadhitaanno madax-bannaan oo lagu sameeyo xad-gudubyada bani’aadamnimada ka dhanka ee Dawladda Israa’iil ka geysatay Dhulka reer Falastiin ee ay xoogga qabsatay.

jSida aanu ka soo xigannay Telefishanka Al-Jazeera, Go’aanka Maxkamaddu ku aqoonsatay Qaranimada Falastiin oo Isniintii Shalay lagu gaadhay Fadhi ay yeesheen waddamada Xubnaha ka ah Maxkamadda, ayaa guul wax ku ool ah ugu fadhiya Shacabka reer Falastiin oo kursi ka helaya Maxkamadda ICC (International Criminal Court), waxaanay aragti ahaan ka dhigan tahay, inay sharci ahaan suurto-gal u tahay baadhitaanno madax-bannaan oo lagu sameeyo dambiyada dagaal iyo xad-gudubyada laga geystay Dhulka la haysto ee Reer Falastiin.

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) oo ku dhisan Heshiis Caalami ah oo ay wada-gaadheen inta badan dalalka Adduunka, laguna magacaabo ROME STATUTE, waxa loo aasaasay inay ka gar-naqdo isla markaana dacwadaha ku oogto Dadka loo haysto dambiyada Halista ah iyo Xad-gudubyada ka dhan ah Bani’aadamnimada.

Maxkamadda oo Xarunteedu tahay magaalada Hegue ee dalka Netherland,ayaa ah urur Madax-bannaan oo Caalami ah, kamana mid aha Dhismaha hay’adaha Qaramada Midoobay.

In kasta oo kharashaadka ku baxa hawlaheeda ay bixiyaan waddamada Xubnaha ka ahi, Maxakamadda ICC waxa ay lacago ka heshaa dawladaha, Ururrada Caalaiga ah, shakhsiyaad iyo meelo kale.

“Micnaha uu go’aankani u leeyahay ayaa ah in Falastiin ay ka mid noqotay waddamada kor-joogeyaasha ah ee aan Xubnaha ka ahayn Maxkamadda, si la mid ah mansabka ay kaga jiraan waddamada Maraykanaka iyo Ruushka ama waddan kasta oo aan Saxeexin heshiiska ROME STATUTE,” Sidaa waxa yidhi Wariye James Bay oo ah Tifaftiraha Qaybta Dibloomasiyadda ee Telefishanka Al-jazeera.

“Si kale haddii aan u yidhaahdo, waddamada Xubnaha ka ah ICC waxay u tixgelinayaan Falastiin inay tahay Xubin ka mid ah. Haddii Falastiin codsato inay xubin ka noqoto ICC, way adkaan doonaa in la diido. Ogolaanshuhu waxa uu keenayaa in Isra’il lagu qaado dacwado la xidhiidha xad-gudubyada ay geysatay,” ayuu yidhi James Bay.

SOMALILANDPOST.NET