Falanqaynta Xeerka La Dagaalanka Musuq-Maasuqa Somaliland – Xeer No.38/007

QEEXIDA MICNAHA MUSUQA

Xeerkani waxa uu ku qeexayaa musuqa;  hab ku salaysan farsamo iyo khiyaamo oo lagu hanto aduunyo ama derajo aanad u qalmin.Musuq – Maasuq nuxurkiisu waa xatooyo, laaluush iyo ku – takrifal cilmiyeysan.

NOOCYADA CIQAABAHA DADKA MUSUQA KU KACA

Qodabka labaad ee xeerkani waxa uu sheegayaa noocyada ciqaabeed ee ay mutaysan karaan dadka musuqa ku kaca sida tan:

 Masuulka guud ama qof loo xilsaaray hawl guud oo sabab xafiiska uu Masuulka ka yahay ama shaqadiisa ah ku haya ama kaga masuul ah lacag ama hanti guurto ah, ama ma guurto ah oo maamulka guud uu leeyahay oo ku takrifala ama leexiya si uu isagu dantiisa uga faa’ideysto ama uga faa’ideeyo qof kale ama in ka badanba isaga oo aan awood sharci u lahayn waxa la marinayaa ciqaabaha soo socda:

  1. Waxa lagu ciqaabaya xadhig u dhexeeya 3 (Saddex) sano ilaa 10 (Toban)sano.
  2.  Ganaax dhan S/L Shs. 1,000,000/= (Hal Milyan).
  3. Lacagtii uu lunsadey oo uu soo celiyo.
  4.  Haddii hantida la lunsaday ama lagu takrifaley ay dhan tahay S/L Shs. 2,000,000/= ilaa S/L Shs. 50,000,000/= (Laba Milyan ilaa Konton Milyan S/L Shs.) waxa lagu ciqaabayaa xadhig u dhexeeya 6 sano ilaa 10 sano.

 Haddii hantida la lunsaday ama lagu takrifaley ay dhan tahay S/L Shs. 50,000,000/= (Konton Milyan) iyo wixii ka badan waxa lagu xukumaya 10 20 sanno.

     6.        Haddii la soo celin waayo hantidii la lunsaday waxa lagu bedelayaa xadhig u dhigma inta Hantida la lunsaday ay leeg tahay.


WAAYIDA XUQUUQDA SHAQAALANIMO

1)   Ciqaabta ku xusan Qod. 2aad faqradihiisa 1aad, 2aad ilaa 3aad, waxa ka dhalanaya in qof kasta oo ay Maxkamad horteeda kaga cadaato inuu danbiyadaas galay aanu xil danbe oo dawladeed qabanin inta cimrigiisa ka hadhay.

2) Qof kasta oo uu ku dhaco xukun Maxkamadeed oo kama danbeys ah oo ka dhashay ciqaabaha ku xusan Qod. 2aad waxa uu waayayaa xuquuqdiisii   shaqaalanimo mudadii uu shaqada hayey.

3) Sarkaalka guud ama qof kasta oo shaqaale ah haddii xadhiga lagu xukumey uu ka yar yahay 3 (saddex) sano waxa shaqada dawladnimo laga laalayaa muddo aan ka badneyn 2 (laba) sano.

QORAALADA BEEN ABUURKA AH

1)            Sarkaalka guud ama qof kasta oo inta shaqada loo igmadey ku jiro sameeya qoraal been abuur ah ama qayb ka mid ah been abuura ama been ka sheega qoraal sax ah isago ujeedooyin gaar ah ka leh waxa lagu xukumayaa xadhig u dhexeeya 1 (Hal) sano ilaa 8 (Sideed) sano.

2)            Qof kasta oo documenti lacag lagu qabto ama lagu bixiyo oo dawladdu

leedahay si qaldan u isticmaala kuna lunsada hanti qaran waxa lagu xukumayaa ciqaabaha ku xusan Qod. 2aad faqradihiisa 1aad, 2aad iyo 3aad iyadoo laga qiyaas qaadanayo culayska hantida uu lunsaday hadba inta ay le’eg tahay.

3)            Sarkaalka guud ee u xilsaaran hawl qaran ee u fududeeya ama gacan ku siiya ama si uun u suuro geliya mid ka mid ah xaaladaha ku xusan Qod. 2aad, waxa lagu xukumaya ciqaabaha ku xusan isla Qod. 2aad ee xeerkan.

 KU TAKRIFALKA AWOOD XAFIIS

Qodabka shanaad ee xeerkani waxa uu ka hadlayaa ku takrifalka awooda xafiis sidan:

Sarkaalka guud ama u xilsaarane hawl guud oo qaranku leeyahay ee leexiya ama carqaladeeya isaga oo ka faaiideysanaya awooda xafiiska uu masuulka ka yahay si uu dheef uga helo ama cid kale uga faaiideeyo oo aan si toos ah u hoos iman maamulkiisa waxa lagu ciqaabaya xadhig dhan 3 (Saddex) sano ilaa 8 (Sideed) sano.

 Damiin

Qodobka lixaad ee xeerkani waxa uu ka hadlayaa soo damiinashada dadka danbigan u xidhan sida tan:

1)            Sarkaalka guud ama qof kasta oo loo soo xidho lunsi ama ku takrifal hanti qaran ha noqoto lacag cadaan ah (cash), jeegag, hanti guurto ah ama ma guurto ah derejo kasta ha lahaadee, waxa ka reeban :-

2)            In la damiinto haba yaraatee.

3)            Inuu xadhiga iibsado ama cid kale u iibiso.

4)            Inuu ka faa’iideysto cafis Madaxweyne.

 

LAALUUSHKA

Qodabka todobaad ee xeerkani waxa uu ka hadlayaa sida ay u reeban tahay laaluush qaadashadu:

– Laaluush qaataha iyo Laaluush bixiyuhu waa isku danbi sharciga hortiisa.

1)            Masuul kasta oo qaata laaluush ama aqbala ballanqaad nooc kasta ha ahaatee, ama u suurtogeliya qof kale inuu ku helo hanti ama dheef aanu xaq u lahayn si uu u fuliyo hawlo xafiiskiisa ah waxa lagu ciqaabayaa:-

2)            Xadhig aan ka badneyn 3 sano.

3)            Ganaax dhan S/L Shs. 5,000,000/= ilaa 10,000,000/=

4)            Qof kasta derejo kasta ha lahaadee oo uu ku caddaado danbiga ku xusan  faqrada 1aad ee isla qodobkan waxa kale oo lagu ciqaabayaa:-

5)            Shaqadii uu qaranka u hayey oo laga eryo.

6)            Xuquuqdii shaqaalanimo oo uu waayo.

7)            Haddii uu bixin waayo lacagta ganaaxa ah waxa loogu bedelayaa xadhig u dhigma lacagta la ganaaxey.

8)            Qof kasta oo lagu helo bixin laaluush qaab kasta ha u bixiyee waxa la marinayaa ciqaabaha ku xusan faqradaha 1aad iyo 2aad ee isla Qodobkan.

 DAYACAAD MASUULIYAD QARAN

Qodabka sideedaad ee xeerkani waxa uu ka hadlayaa ciqaabta ka dhalanaysa dayaca masuuliyada:

1)            Sarkaal kasta ama u xilsaarane masuuliyad qaran oo lacag ama dheef kale ku hela ama aqbala ballanqaad oo dayaca shaqo xafiiskiisa ah oo socotey ama ku kaca shaqo khilaafsan waajibaadka xafiiskiisa si ay dantiisa gaar ahaaneed u fusho waxa uu mutaysanayaa ciqaabahan:-

2)            Xadhig dhan 2 (Laba) sano ilaa 5 (Shan) sano.

3)            Ganaax dhan 3,000,000/= ilaa 20,000,000/=.

4)            Haddii uu ganaaxa bixin waayo waxa loogu bedelayaa xadhig.

 

KOOTARABAN/KHIYAAMO

Qodabka sagaalaad ee xeerkani waxa uu ka hadlayaa ciqaabta kootarabaaninta iyo khiyaamada.

1)            Ganacsade kasta oo badeecad aan cashuurneyn dalka gudihiisa soo geliya

tab iyo xeel kasta ha isticmaale, oo la qabto waxay ciqaabtiisu noqoneysaa:-

2)            Badeecada aan cashuurneyn ee la qabtay oo dhammanteed ay dawladdu la wareegto.

3)            Ruqsada ganacsi oo laga laalo muddo hal sano ah.

4)            Xadhig u dhexeeya 6 bilood ilaa 1 sano.

5)            Ganaax dhan S/L Shs. 5,000,000/= ilaa 10,000,000/=.

6)            Ganaaxa ku xusan faq. (b) ee isla qodobkan waxa loo kala

qaybinayaa sidatan:-

60% (Boqolkiiba Lixdan) waxa lagu shubaya khasnada dawladda.

40% (Boqolkiiba Afartan) waxa lagu abaal marinayaa hayadihii ka

hawlgaley sida Booliska, Xeer-ilaalinta, Shaqaalaha Maxkamada iwm.

7)            Ganacsade kasta oo khiyaameeya saraakiisha cashuuraha ama been ka

sheega nooca badeecadiisa si uu isaga yareeyo culayska cashuurta ku

waajibtay, waxa lagu ciqaabayaa:-

8)            Xadhig dhan 1 (Hal) sano ilaa 5 (Shan) sano.

9)            Ganaax dhan 1,000,000/= ilaa 5,000,000/=.

ISHORTAAG SHAQO

Qodabka tobnaad ee xeerkani waxa uu ka hadlayaa ciqaabta ka dhalanaysa ishortaaga hawl gudasho.

  1. Sarkaalka guud amba qof kasta oo masuul ka ah haayad dawladeed oo diida amba ishortaaga amba rabshad kala horyimaada baadhayaasha amba masuuliyiinta u xil saaran baadhista amba ilaalinta hantida qaranka waxa lagu xukumayaa:

-Xadhig dhan lix bilood (6) ilaa shan( 5) sano.

2. Qof kasta oo ishortaaga, dagaal amba xaalad abuur kala horyimaada haayadaha maamulka  garsoorka,haayad siyaasadeed  amba wakiiladooda,amba haayad qaran si uu u horistaago shaqadooda gebi ahaanba amba qayb ka mid ah waxa la marinayaa ciqaabtan:

–          Xadhiga 1(hal) sano  ilaa7 (todobo) sano,hadii aanu yeelan fal danbiyeedku khatar intaa ka culus oo wakhti danbe cadaata.

By: Mohammed Dahir Ahmed (Hiilliye)

                 Certified Chartered Accountant (ACCA)

                Director of Windsor associates and chartered accountants

                Financial consultants and auditors.

                 M_ddahir1@yahoo.co.uk