Falanqaynta Miisaaniyadda 2016 iyo Doorka Wasiir Samsam

Hordhac:

Marka hore Mahad waxa iska leh oo ay u sugnaatey sareeye Subxaanahu Wa-tacaalaa.

Akhriste, waxa aynu qormaddan diirada ku saari doonaa waxqabadka wasaarada Maaliyadu ay ku talaabsatey intii ay hogaanka u haysay Marwo Samsam Cabdi Aadan. Waxa aan hoosta ka xariiqi doonaa Hadii Eebe ogolaado , waxqabadka  muuqda ee hirgaley iyada oo aynu iftiimin doono dadaalka wasiirku sameysay iyo guulaha ay ka gaadhay horumarinta dhaqaalaha Qaranka.

Waxa aynu lafo-gur iyo falan-qayn ku samayn doonaa Miisaaniyadda 2016-ka, kobaca dhaqaale ee ka muuqda, Meelaha Muhiimada gaarka ah la siiyey iyo waxa ay kaga duwan tahay Miisaniyadihii ka horeeyay.

Falanqeynta Miisaaniyadda 2016:

Wasiir Samsam iyada oo ka duulaysa Sharciga Maaliyadda Qaranka xeer lambar: 90/96sida ku cad Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55-aad, farqadiisa 1-aad ee la xidhiidha gudashada waajibaadka arrimaha Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Qaranka, waxa maalintii Khamiista taariikhduna ahayd 26.11.2015-ka Shirkii Golaha Wasiirrada hor-geysay Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2016-ka. Shirkaasi Golaha Wasiirrada waxa shir guddoominayey Madaxweyne A. M. Silaanyo, oo isagu ah Khabiir dhinaca dhaqaalaha ku xeel-dheer, Takhasus iyo Waayo-aragnimo balaadhana u leh arrimaha Maaliyadda iyo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka.2016__

Marka aad eegto, qaabka ay u ansixiyeen golaha wasiiradu Miisaniyada 2016-ka oo cod aqlabiyada ahayd (Full Majority), waxa ay muujinaysaa in Madaxweyne Siilaanyo iyo Golahiisa wasiiraduba ay ku qanceen dadaalka ay samaysay wasiirka maaliyadu iyo qaabka farshaxanimada leh ee ay u soo agaasintey Miisaaniyadda 2016-ka.

Dhan kale marka laga eegana, Miisaaniyaddani  ay Wasiir Samsam hor keentey Golaha Wasiiradu waxa ay noqonaysaa Mid ku dhisan aragti cilmiyeed iyo aqoon hufan.

Odoroska Miisaaniyada Qaranka 2016-ka waxa ay ka kooban tahay:

  1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe.
  2. Miisaaniyadda Hay’adaha madaxa bannaan ee Dawladda.
  3. Miisaaniyadda Dawladdaha Hoose.
  4. Miisaaniyadda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).
  5. Miisaaniyadda Mashruuca Maamul daadejinta Dawladda (JPLG).

Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka, meelaha sannadkan muhimadda gaarka ah la siiyay waxa ka mid ah:

1)   Nabadgelyada iyo Garsoorka,

2)   Waddooyinka iyo Biyaha,

3)   Caafimaadka iyo Daryeelka,

4)   Dhallinyarada iyo Shaqo abuurka,

5)   Dhulka iyo Beeraha,

6)   Dhiirri-gelinta Wax soo Saarka Dalka,

7)   Tayeynta iyo Fidinta Maamulka,

8)   Aqoonsi Raadiska iyo Doorashooyinka,

9)   Maal-gashiga,

10)  Dakhliga iyo Hantida Dawladda.

Bal aynu ku yar hakano Miisaaniyada Qaranka oo ay si cilmiyeysan u soo bandhigtey Wasiirka Maaliyadu, Dakhliga Hay’addaha kala duwan ee Dowladda iyo kor-u-kaca balaadhan ee ka muuqda.

Dakhliga Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka:

No Hay’adda SLSh. US Dollars
1. Dawladda Dhexe 1,218,000,000,000 203,000,000
2. Hay’adaha Madaxa-bannaan 226,580,189,543 37,763,365
3. Dawladda Hoose 189,609,406,597 31,601,568
4. Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 109,861,212,000 18,310,202
5. Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta 27,630,234,000 4,605,039
  Grand Total 1,771,681,042,140 295,280,174

Sida ka muuqata Shaxda sare ku xusan, waxa Miisaniyada ku jira Mashruuca Maamul daadejinta Dawladda (JPLG). Haddaba waxa is weydiin leh,  Mashruuca Maamul daadejinta Dawladda (JPLG) hore wuu u jirey lakin sidan hadda uu uga muuqdo Miisaniyada ugama muuqan jirin, ma meelo kale ayaa lagu dari jirey mise miisaaaniyadaba laguma soo dari jirin? Wasiir Samsam ayaa ah Wasiirka Kaliya ee Wasaarada Maaliyada Madax ka noqota ee Mashruuca Maamul daadejinta Dawladda (JPLG) si toosa ugu soo darta Miisaaniyada Guud ee Qaranka, waana Talaabo Muujineysa Sida ay Marwo Samsam u tahay qof daacada, Karti leh bulshada iyo qarankaba si hufan ugu adeegta.

Akhristayaal,Si aan idiinku iftiimiyo in Mashruuca Maamul daadejinta Dawladda (JPLG) aanu ugu jirin Miisaniyadihii hore, bal ila wadaag Miisaaniyadii u danbeysay ee wasiirkii hore gudbiyey oo aanay haba yaraatee ka muuqan Dakhliga Mashruuca Maamul daadejinta Dawladdu (JPLG)

Miisaniyadda 2015

S/NO Hay’adda SLSH Dollar
1. Dawladda Dhexe 1,080,000,000,000 $180,000,000
2. Hayadaha Madaxa Banaan 176,846,392,352 $29,474,399
3. Dawladdaha Hoose 164,877,744,867 $27,479,624
4. Dakhliga Deeqaha caalamiga ah(Denmark& Britain) 85,800,000,000 $14,300,000
  Isugeyn 1,507,524,137,219 $251,254,023

Akhriste, sida kuu muuqata Miisaniyadii 2015ka laguma darin Miisaaniyadda Mashruuca Maamul daadejinta Dawladda (JPLG), balse Miisaaniyada 2016ka si hufan ayaa Miisaaniyada ay uga muuqataa ( Eeg Shaxda Miisaniyada 2016ka ee sare ku xusan  si aad u aragto in Miisaaniyadda Mashruuca Maamul daadejinta Dawladdu (JPLG) lagu daray Miisaniyada 2016ka oo aanay miisaniyadii hore ku jirin­).  Ku tiigaali maayo’e Idinka ayaan idiin dhaafayaa falanqaynta.

Gebo-gebo:

Marka la isku soo duubo, waxa muuqata in Miisaaniyada 2016-ka ay tahay Miisaaniyad si cilmiyeysan  loo diyaariyey,  Miisaaniyad si hufan loo qorsheeyay, Miisaaniyad si farshaxanimo leh loo soo agaasimey.  Maadamaa Takhasuskeygu dhaqaalaha yahay, horena aan faalooyin iyo qormooyin uga sameeyay Miisaniyadihii hore, Ma arag wali Miisaniyad ka hufnaan badan  Miisaniyadan 2016ka, waxaana arintaa ku amaanan Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo muujisey Hawlkarnimo, Hal-adeyg, Hufnaan iyo Horumar baaxad leh oo lagu majeeran doono.

Miisaniyada 2016 waa Miisaaniyadii 24-aad ee Jamhuuriyada Somaliland.

Wasiir Samsam Waxa lagu Xusuusan doonaa inay tahay Gabadhii ugu horeysay ee Somaliland ka qabata xilka wasaarada ugu culus Qaranka ee Wasaarada Maaliyada. Sidoo kale waxa lagu xasuusan doonaa inay Tahay Wasiirkii ugu horeeyay ee Miisaniyadda Qaranka gaadhsiisa halkii ugu sareysay Abid.

Taariikhda baal Dabaha ayay kaga suntanaan doontaa Marwo Samsam Cabdi Aadan horumarka balaadhan ee dhaqalaaha ay ku cir-bixisey.

Qalinka: Hamse H.Mohamed Muhumed  

Email: Rantiisi111@gmail.com