Falanqaynta Doodii BBC-da Kaladuwanaanshaha Saddexda Musharax iyo Biseylka Siyaasadeed.

Laanta afka Soomaaliga ku hadasha ee Idaacada BBC-da oo kaashanaysa qaar kamida Telefiishanada Soomaalida, ayaa dood u qabatay Murrashaxiinta ku tartamaya jagada madaxtinimada ee Somaliland oo kala ah Eng. Faysal Cali Waraabe Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Muuse Biixi Cabdi oo xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo hogaaminaya Xisbiga ugu da’da yar asxaabta ee WADDANI.

Dooddan oo socotay qadar lixdameeyo daqiiqo ah, ayaa waxay saddexda Murrashax si foolka fool ah ugaga qayb-galeen Magaalada Hargeysa, waxaana su’aallo lagaga waydiiyey dhowr arrimood oo ay kamid tahay la xidhiidha Siyaasadda Arrimaha dibada iyo su’aallo ku saabsan la-dagaalanka Musuqmaasuqa.

Murrashaxiinta oo laga dareemayey degenaan siyaasaddeed, ayaa arrimaha wax laga waydiiyey qaarkood aad ugu kala aragti duwanaa, laakiinse waxay si isku dhaw uga jawaabeen qodob ku saabsanaa Ictiraaf raadinta oo si wadar ah loogu waydiiyey dariiqa ay u marayaan. Dhamaantood waxay sheegeen inay wanaajinayaan xidhiidhka Afrika iyo saaxiibeyaasha Caalamka.

Geesta kale, waxay aad ugu kala aragti duwanaayeen laba qodob oo midkood ku saabsanaa wareejinta Dekedda Berbera iyo Heshiiska Saldhiga Milateri ee Dawladda Imaaraadku ka samaysanayso Magaalada oo uu Murrashaxa Xisbiga WADDANI kaga duwanaa labada Murrashax xisbi ee kale, Qodobka kale ee ay ku kala aragti duwanaayeen Murrashaxiintu, ayaa ahaa dhismaha Xukuumadda uu dhisi doono hadba kii ku guulaysta taladu.

Murrashixiinta UCID iyo KULMIYE, ayaa sheegay inay dhisayaan Xukuumad Qaran oo mideyn karta Asxaabta oo dhan, taasoo micnaheedu yahay inay dhisayaan dawlad midnimo Qaran ah. Murrashaxa Xisbigiisu ugu da’da yar yahay xisbiyada, haddana tartanka ugu adagi ka dhexeeyo Xisbiga Kulmiye, waa Murrashaxa WADDANI’e, ayaa dhankiisa ku dooday inuu dhisi doono xukuumad xisbigiisa oo qudha ka kooban.

Waxa kale oo ay Murrashaxiintu aad uga hadleen madaxbanaanida Somaliland, iyagoo dawladda Soomaaliya ku eeddeeyey inay soo horjeedo horumarka ay sameysay. Murrashaxa Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku dhaliilay Murrashaxa WADDANI iyo Xisbigiisu inay xidhiidh la leeyihiin Dawladda Soomaaliya.

Qiimeyn Dood-wanaagii Murrashaxiinta

Dooddan oo aad uga koobnayd mid hore loogu qabtay Murrashaxiinta, ayaa marka la qiimeeyo, qaabkii Murrashaxiintu ay uga qayb-qaateen, jawaab-celinahoodii iyo durida aara’da, waxa muuqatay in Murrashaxa Xisbiga WADDANI uu si sibiq ah u dhex fadhiistay meello dooddu adkaatay, sida arrinta heshiiska Saldhiga Milateri iyo cilaaqaadka caalamka oo jawaabihii uu ka bixiyey ay jiq kaga dhigeen labada Murrashax ee kale.

Marka si gaar ah loo qiimeeyo Murrashax walba habkii uu Doodda uga qayb-qaatay iyo difaacista aragtidiisa, Murrashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn looga dheehanayey Kalsooni badan iyo dood-wanaag, iyadoo meelaha aadka u xiisaha badan ee ay dadka siyaasada falanqeeyaa ku tilmaameen inuu kaga guulaystay Murrashaxa WADDANI ay kamid yihiin qodobka Heshiiska Saldhiga Milateri oo uu Cabdiraxmaan Cirro ku doodday inuu dib u eegis ku samaynayo haddii talada ku guulaysto, taasoo Murrashax Muuse Biixi ku dhaliilay sababta markii Heshisikaas la ansixinayey uu u diidi waayey, haddii aanu sharciga waafaqsanayn.

Waxa uu Murrashax Muuse sheegay in taasi ay ka markhaati kacayso hogaamin xumaanta Murrashax Cirro, isagoo daliilshaday fikirka uu ka qabo go’aanka sharci ee ay ansixiyeen Golaha Wakiillada ee uu madaxda ka ahaa, taasoo ka dhigan inaan Ninka golihii uu hogaaminayey Heshiiska ay ansixiyeen madowgu kaga jiraa aanu hogaamin Karin dalka. Waxaana xusid mudan in qodobkaa markii laga dooddayey uu Murrashaxa Xisbiga UCID ku eeddeeyey Cirro in hadalladiisu is-burinayaan (Contradiction).

Geesta kale, Murrashaxa Xisbiga Kulmiye wuxuu kaga wanaagsanaa labada Murrashax ee kale aragtida uu ka bixiyey la-dagalanka musuqmaasuqa iyo qaabka uu u waajahayo qadiyada Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, labadaas qodob oo uu si kalsooni leh, isla markaana waayo-aragnimo ka muuqato uu u qeexay dariiqyada uu u marayo haddii hogaaminta dalka loo doorto.

Qorshaha uga yaalla Ictiraaf raadinta iyo wanaajinta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay caalamka, ayaa sidoo kale Murrashax Muuse Biixi waxa uu iska taagay mowqif cad oo uu kaga duwanaa Murrashaxiinta kale, taasoo ka dhigan ku socdo barmaamuj cad oo xisbigiisa uga qorsheysan arrimahaas. Barmaamujkaasoo laftiisu u muuqda mid uu si fiican u fahamsan yahay Murrashaxu, kuna qanacsan yahay hir-gelintiisa haddii xilka loo doorto.

Murrashaxa Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna dooddiisa aad looga dheehanayey hufnaan siyaasaddeed iyo hadallo waaqici ah oo uu kaga jawaabay su’aallihii la waydiinayey saddexdoodaba, halka Murrashaxa WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu u muuqday mar walba  hogaamiye aan qorshe cad oo uu fahamsan yahay wadan, waxaana ku badnaa jawaabihiisa waxay nala tahay xisbi ahaan iyo ‘waxay ila tahay’ .

Dooddaha dhex maray Murrashaxiinta saddexda xisbi, ayaa kamid ah waxyaabaha Taariikhiga ah ee ay Doorashadani kaga duwan tahay Doorashooyinkii hore dalka uga dhacay.

W/Q:-Nimco Maxamed