FALANQAYN: Axsaabta Qaranka Maxaa la Gudboon? – W/Q: M. S. Foodcade

Run ahaantii Axsaabtii Qaranka waa la tabay waxaanay ku danbeeyeen Xaflado iyo Canbaarayn yar oo tuuryo Nacas la moodo aan sidaasna u sii ridnayn,waxa Hubaal ah in la tabay Xisbigii Guunka Ahaa ee UDUB laguna dagdagay in laga horyimaado Siyaasadiisii Aragtida dheer ku dhisnayd Hada waa loo wada garaabayaa balse markii hore lama dhaadayn oo Awr ku kacsi ayaa loo arkaayay. Intii ka danbaysay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka Axsaabta Qaran ee cusubina soo baxeen waxay Noqdeen Fadhiid mararka Qaarkood la iswaydiiyaba meel ay ku danbeeyeen,waxay gabeen dardartii Hal Abuurkoodii.Dr:Gaboose Ayaa laga hayay Kulmiye waxa uu Rabaa inuu soo saaro 3dex Xisbi Qaran oo isku Xasbi ah,waxay u muuqataa inay taasi Rumawday”Miyaa la suuxiyay mise Aragti kale oo ay ku qanceen ayaa la muhiibsiiyay maxaa qaldan,maxaa siya,meeday Dardartii. Waxa inagu soo fool leh doorashooyin Kulul iyo Diiwaan gelin Hadana ma muuqato diyaargarawgeedii iyo usii xamaam urursigeedii awal hore muuqan jirtay. Axsaabta Qaranku waa inay la yimaadaan Hal Abuurkooda iyo Curintooda Dawladeed iyagoo ka duulaya Caqabadaha Tuulmay ee Qaranka Horyaala,xukuumadan Kulmiyena mooyi Sibay isku maahinayaan oo siyaasad kale ayay wataan Ayaan marar is idhaa dhamaan dadkii somaliland Ishay kuwada Hayaan ,sababtoo ah waxwalba way dhayalsadeen iyo Xaalkii Gabi ahaanba Dalka,siday wax u wadaan dhanka Siyaasada Dibada dhinacna Guulo ayay ka gaadheen Hadana Cadaadis ayaa jira waxaabay u muuqataa mararka Qaarkood Faro gelin inay jirto iyo Cadaadis kaga Imanaaya Dawlado kale.

Kulmiye markii uu Talada Dalka la wareegay lamuu Iman wax ka duwan Barnaamijkii iyo Curintii uu ku Galay Olalihii Doorashada oo uu ku saleeyay Xaaladii iyo Waaqicii markaas taagnaa ama Baahiyaadkii la Qabay,kuwo badan wuu fuliyay Guulna wuu ka gaadhay,kuwo kale oo Badana way ku hadhsanyihiin Alle halaqabtee balse waxad moodaa Inay isla Gudheen oo xataa Hal-Abuur danbeba lagama hayo . waa inay Aragti fog iyo hir iyo Himilo dadka tusiyaan kana faa’idaystaan Madaxtooyada ay joogaan oo Hirgaliyaan waxyaabo badan,marka lagaba yimaado Ictiraaf iyo Wax Gacmo shisheeye inaga soo gala waxa ka badan waxa aynu Qabsan karno ee dhexdeena yaala. Wanaajinta Hogaaminta,soo celinta Gobonimadii Umada oo u muuqata inay xabuubkii ka dhamaatay oo islisayso Hadiiba sidan lagu siiwadana Dhibkeeni karta waa in Waxkabadal wayn la sameeyaa,Saami Qaybsi dhab ah ayaa looga Baahanyahay Xukuumada maanta iyo Kulmiyeba iyo dhaqaajinta Caqabadaha Tuulmay ee Dalka Hortaagan ee dhaxdeenaa,Inagoo iska soo laabayna Daaqad wal iyo Albaab wal oo Cadaw inaga soo gali karo waa inaynu dhexdeena Xoojinaa. Dhanka dhalinyarada waa in Moral la tusaa iyo Hir cusub xoogoodana la tusaa iyo inay wax qabsan karaan maaha in shaqo loo abuuro balse waa in Barnaamijyo loo Abuuro kadib iyagaaba shaqada Abuuran karaaya,waa in la Baraa Qaabka Shirkada iyo Saamilayda loo dhaqaajiyo.  Dawladuna ku dhiirataa oo dhalinyarta Daymisaa lacag intay ku xidho Hal Abuur Maalgashi oo Guulaysankaraaya intay Tartan u qabato cidii ku Guulaysata si Cadaalad ah oo aan Eex lahayn waa inay u Gudoomisaa,Cida shaqada Abuuranaysana waa inay shuruudo iyo xeerar adag leeyihiin oo koox dhisan ay noqdaan oo Hanti lagu aamini karo Barnaamij Macquul ahna wata iyaguna waa inaanay Qabyaalad kuwada socon ee waa inay Maskax iyo isku Aragti isku bahaystaan.

Dhanka Wadaniyada iyo Waxbarashada Dib haloogu Noqdo oo Manhajka hala tayeeyo Dawligaa oo ay ka madhantahay ama aad ugu yartahay Tarbiyada Islaamiga iyo Maadiguba iyo Diinta qudheedu,taasina ay keenayso in ay soo baxaan Bulsho Inoo muuq eeg balse inaga Mashiin duwan oo aynaan sinaba isku fahmayn Xumaanta iyo wanaagana aan kala saarayn,si aynu taas uga gudubno Axsaabtu waa inay dhisaan Manhaj Adag oo tayaysan Cilmi Diineed iyo mid maadiba siiba waxa Fursadan Haysta Xisbi Xaakimka Kulmiye oo ku Guulaysan kara Mar 2aad . Dunidan maanta waxa waxwalba Gacanta ku haya waa shacabka Dawladaha Horumaray ee Demoqradiyada gaadhay, iyagaana ismaamula shaqa Abuurna ka hela Hadii ay helaan cid kala Xaraasta si’aanay iskugu dul noolaan sharci iyo Qawaaniin kala Hagana waa inay Dawladu la timaadaa oo Sharciyaqaanada iyo Dhalinyarta Hal-abuurka cusub ee Nidaamka Fahmaaya waa inay Adeegsataa,si’ay usoo diyaariyaan Sharciyo Hufan oo suurto galinaaya in Nolsha maanta Dalka Taala dhanwalba wax ka badala oo lagu dhaqmo iyo Madal xalaal ah oo lagu tartamo ,Golayaasha Qarankana la Horgeeyo oo markay eegaan ka dib ay Ansixiyaan. Waxaan soo jeedinayaa Caafimaadka,Biyaha,Beeraha,korontada iyo dhamaan Aasaasiyaadka Nolosha waa in Shacabka Gacanta loo galiyaa iyadoo Dawladu ay ku Xakamnaynayso Xeerarna u samaysanayso ,Iyadoon cid gaar ah kooto loogu xidhayn balse si Xor ah oo Xalaal ah Saamilayaal iyo Shirkado Qandaraas loogu siiyaa Hay’ado Madaxbanaan oo tayo leh iyadoo Shuruudo lagu xidhaayo cidii Buuxisana Mulkiyada ay Dawladu ku wareejiso,Halkaas waxa ku jira shaqo Abuur balaadhan,Cashuur iyo Dakhli Balaadhan sidoo kale. Dawladu waa inay Qaab Cashuureedka Dalka iyo Nidaamka Maaliyada wax kabadal wayn ku samaysaa oo Hab casri ah la timadaa oo Xoogan Sharci iyo Qawaaniin Aasaas ahna samaysataa oo Adag cidii Jebisana Ciqaabteeda la marsiiyo, Musuqmaasuqana waa in Hab Casri ah oo lagula dagaalamo ay Abuurtaa oo Laamo Dabagal iyo waaxo Qaabilsan oo wax walba Halkay ku danbeeyeen soo xaqiijiya waa inay Abuurtaa,Halkaas shaqo abuur iyo Dakhli Maaliyadeed ayaa ku jira. Dawladu waa inay Xoojisaa Bankiyada Dalka dhamantoodna DARDAR gelisaa iyadoo dib u eegis lagu wada samaynaayo dad aqoon u lehna loo dhiibaa Dhaqaale Kobcinta iyo Nidaamyada Baananka sida loo dhaqaajiyo,si ay taasi u sababto in Baananka Dalku dhaqaaqaan oo Shacabku Aaminaan.shaqo Abuur iyo Maaliyadna waa laga helayaa Badan waliba,iyadoo Xeerar iyo Nidaam Adag loo dhisaayo inta kHubaro Sharci yaqaano ah loo diro oo Qandaraas lagu siiyo. Wadanku waxa uu rabaa Nidaam Cusub oo furfuran ee waa inay dhamaan Asxaabta Qaranku ka faa’idaystaan gaar ahaan Kulmiye oo maanta Qasriga fadhiya balse mooyi waxa Haystee aad moodo inuu talax Gabay,adeegsada dhalinyarta madaxa furan ee jaamacadaha kasoo baxday dunidan maantana la jaanqaadi karaaya, furfurnaan iyo Hawl karnimana Horseedi karaaya.

Somaliland marnaba uma baahna maalgashi shisheeye ee waxay u baahantahay Nidaam Adag oo loo dhiso,Maansha allaah maanta somaliland waxay leedahay oo ay haysataa dad ama shacab carbisan oo dhankii loo jeediyaba u jeesanaaya oo hogaansan ee bilaahi calaykum Bulshadu way daashee cadaalad,daacadnimo,iyo horumar ku hogaamiya ilaa saylac ilaa cidhifka Qaw oo walaaltinimo cusub Aragti cusub oo ka maydha Colaadihii haloo Horseedo ,hala tuso lexo jeclo iyo Gobonimo balaadhan si la isku aamino. 2da Xisbi Qaran ee Mucaaradkaa WADANI iyo UCID waxaan leeyahay ka faa’idaysta qaladaadka KULMIYE iyo galdaloolooyinka idiin muuqda oo gufeeya kana sii gaashaanta Hab iyo Nidaam Dawladeed casriyaysan sii dhista oo ku sii Heshiiya Qawaaniinta sidoo kale Saami Qaybsigiina hadiiba ale idinku guuleeyo kusii talo gala,waxaana la doonayaa Dawlad aan lakala badsan dhanwalba Haday tahay Saami Qaybsiga Kuraasta Dalka,Mashaariicda,Shaqo Abuurka,dhanwalba waa inay Cadaalad kusocdaan oo waa in Umadaa la tusaa Midnimada Afka laga sheegsheego iyo walaaltinimada iyo in Wadanka lawada leeyahay,hadii taas la helo nin ma durkaayo oo waa Hubaal. Dhamaan Axsaabtu waa inay Noqdaan Madal furan oo aan cid gaar ah ama Beel aan Kooto ugu xidhnaan ,waa in Nin kasta oo damac iyo Han yeeshaa iska dhex sharixi karaa,iyadoo shuruudo lagu xidhaayo oo keensanayaan Xisbi waliba Xeer Hoosaadkiisa ,waa in Xisbi waliba Golihiisa dhexe Umadu kawada muuqataa Gobol walbana Saami ku yeeshaa oo aan loo kala badnaan Xubno ahaan maaha balse Golaha Fulinta ama Golaha dhexe ee Codaynta Musharaxa Xisbiga waa in Gobol waliba si miisaaman loogu dhamadaa,taasaa keeni karta si hufan in looga dhex tartamo Xisbiga dhexdiisa kadibna Musharaxii oo lagu wada kalsoonyahay la iskuna Raacsanyahay lagarab galaa isagoo ku soo baxaaya isna waxa uu ku kasbado kuna Qanciyo Golahaas ee uu ku Mutaysto Codka Gacan taaga Tirada badan ama kaga guulaysto cidii kale ee la tartanta,si aanay meesha uga muuqan Qabyaalad iyo Hayb Xisbi walibana waa inuu sharci iyo Xeerar Adag ka yeeshaa Nidaamka Olalaha Musharaxa waxyaabo ka reeban iyo waxyaabo u banaan.Axsaabta Qaranku waa inay Umada tusaan dhiiri gelin oo aanay la gam’in Xisbi Xaakima waana inay Baalasha lakala baxaan oo wadanka isku balaadhiyaan Beelwalbana Misaankeeda ka siiyaan Golaha dhexe,balse Xubnuhu waa furanyihiin oo Aragtida Xisbiga ayay ku xdhantahay,balse dhanka Golaha dhexe waa lama huraan saami iyo Sinaan dhamaan Gobolada dalka Xisbiga qudhiisa ayay taasi u wanaagsantahay. Axsaabta Mucaaradku waa inay Xukuumada Cadaadis ku saaraan inay Qabsato Hawlaheeda Qaran ee horyaala iyo suurto gelinta Diiwaan gelin Xalaala inta aanu waqtigu isgurin sidoo kale aanay dibu dhac ku keenin Doorashooyinka Barlamakna iyo Madaxtooyada,waa inaanay dhayalsan kana seexan ee ay ku daba galaan waxii caqabado horyaalana waa in wada jir loo xalilaa cidii ku shaqo lehna Hawsheeda loo madax banaaneeyaa haday tahay Komishanka,haday tahay Golayaasha Sharci dejinta waa inay Qasab Ansixiyaan Xeerarka muhiimkaa wixii la isku diidanyahayna Gudi loo saaraa Madax banaan ama Maxkamada Qaranka loo geeyaa si xal waara looga gaadho,hadii tabooshin deegaamo ku salaysani ay jiraan waa in Deegaan walba waxa uu ku Go’o loo gooyaa dibna loogu noqdaa Dastuurka oo waa Qasabe la furaa si Hawlo badan oo Murugsan oo isdul Raarmay loo kala Raseeyo. Waqtigan waliba waa in aad loo dadaalaa oo la isku duubmaa iyadoo Mucaarad la isku yahay oo la isdabagalaayo hadana waa in lawada jiraa oo Cadawga iyo Danta qaranka meel loo wada Jiraa siyaasada Dabada oo Cadaadis inaga Haystana waa in lawada Riixaa waxii inaga Horyimaadana u midownaa sidaynu u jiidhi lahayn,Qolyahan Xamarna yaynaan iskuba Mashquulin Hadalkoodana waaba inaynu iskaga baxnaa Kolay Khayr Xamar ka sugi maynee yaynaan ku dan seegin ee Dunida kale aynu Haybsano ee aynu iswaydiino sidee ku kasbanaa waa very simple taasi ee aynu Caqliga uun maalo .

Mucaaradka waxaan ku Dhaliilayaa maanta ma joogno xili aynu cidla iska canbaarayno ama isqabqabsano waxaan macno lahayn Hebel hala sii daayo iyo maxaa loo xidhay,waxaasi macno kuma fadhiyaan cidii Dalkan Cadaw usoo Hogaamisana waa in Meel looga soo wada jeestaa oo Gacan Bir ah lagu qabtaa balse Qabyaalad iyo QARAABO KIIL dhexdeena inooma eeka ee yaynaan ku mashquulin waxaan dan ahayn ee talada iyo toosintu inoo banaan Cadawgana aynu wada waabino,imkiyo wuu soo xadhko soohday oo isasoo Gaashaan Buuraystay soona badheedhay waliba aadna wuu u shaqaynayaa sababtoo ah Galdaloolo Badan ayaa jira oo u Muuqda,inagamana foga ee dhexdeena ayuu ku noolyahay waliba ee Sirdoonka Qaranku aad ha u shaqeeyo Indho qudhaanjana haku eego waa Halkii Col:Jidhife. Himilo Qurxoon iyo Iftiin Qurxoonbaa inoo wada muuqda ee aynu Si fudud ku gaadhno inshallaah ee inaga hor dhaqaajiya Caqabadaha yaryar ee ku filan Isu tanaasulka iyo Wax isu ogolaanta.

Guul & Gobonimo Insha-allaah

Mazid-7@hotmail.com