Fal-waxashnimo ah oo mar kale dib uga soo cusboonaaday deegaannada galbeedka Somaliland, Madaxweynaha oo amar degdeg ah soo saaray (CODKA AFHAYEENKA))

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa, (SLpost)- Wakhti dambe oo xalay ahayd, meel u dhaxaysa degmooyinka Gabiley iyo Baki oo la yidhaahdo Saameel, waxa ka dhacay fal aad u fool oo lagu dilay 3 marxuum taas oo ay gaysteen dad aan haybtooda la garan.
Ka dib markii uu falkaas foosha xun dhacay, madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu saaka isugu yeedhay talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Booliska iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo gaashaan Dhigga,  waxaanu si Adag u Amray in ay raacdo galaan oo ay soo qabtaan dhagar qabayaashi dilkaas geystay meel kasta oo ay joogaana ay kaga daba tagaan.
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaa ku adkeeyey in aanay ka soo hooyanin ilaa ay dhagar qabayaashaa soo qabtaan oo ay sharciga hor keenaan.
Ugu danbay waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaas ay gacanta ka xaqa darani dishay.

Halkan ka dhagayso codka Afhayeenka Madaxtooda oo ka hadlaya go’aanka madaxweynaha

[audio:https://somalilandpost.net/wp-content/uploads/2011/12/SIILANYO.mp3|titles=AFHAYEENKA]

Sida laga warqabo, waxay ahayd July 11, sannadkii 2009 markii dhacdo tan la mid ah ay koox shufto ay fal jarriimad ah kula kaceen dad safar jidka u dhexeeya degmooyinka Dila iyo Gabiley halkaas oo lagu dilay dhowr qof oo rayid oo gaadiidkoodiina la dhacay, balse markii dambe gaadiidkii ay soo gacan-galiyeen guddigii loo xilsaaray xalinta shaqaaqadaas.

Arrintani waxay sababtay inay sii xoogaysato colaadda u dhaxaysay labada beelood ee muranka dhuleed ka dhex taagnaa muddada dheer isla markaana qolo waliba dhinaceed ka sheeganaysay lahaanshiyaha dhul-beereedka Ceelbardaale.

Xukuumaddii hore ayaa iyadu ku fashilantay in xal rasmi ah ka gaadho daminta shaqaaqada deegaaka Ceelbardaale, haseyeeshee xukuumaddan cusub oo laga filayey inay keento xal kama dambays ah ayaan ilaa hadda qaadin wax tallaabo ah oo ay arrintan ka qaadday marka laga reebo guddi uu madaxweyne Siilaanyo bil ka hor u xil saaray inay sida ugu dhakhsaha badan ay u dhammeeyaan xal u helidda arrinta Ceelbardaale ee muddada dheer soo taagnayd.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net