Fadliga Bisha Ramadaan Iyo Muslimiinta ku nool Qaaradaha Dunida oo qaarkood Soomaayaan 21 Sacadood oo xidhiidh noqday.

…Wadan caalamka ka mid ah oo 21 sacadood laga soomo, iyo mid kale oo 9 sacadood la soomo…Ramadan-2013

 Ascww,

Waxaan marka hore shacabka Somaliland  iyo ummadda muslinka ah guud ahaan ugu tahniyadaynaysaa bisha ramadaan ee barakaysan ,waxaana ilaahay ka baryayaa in uu ina waafajiyo dhammaanteen Acmaasha uu raaliga ka yahay,gaar ahaan soonka maalintii iyo tukashada hebeenkii,naga wada aqbalo, waana fursad qaali ah oo loogu tala galay in si fiican looga sahay-qaato taqwada, naftana laga nadiifiyo waxa aan aakhiradeeda anfacayn,oo qabri iyo qiyaame dhibaaya. Bisha Ramadaan waa bil ahmiyad weyn ugu fadhida dadka Muslimiinta ah, waana bisha kheyrka, waa bisha Sadaqada, waa bisha is cafinta iyo tanaasulka” waxaana ugu baaqayaa dadka maalqabeenka ah,  inay kaalmeeyaan dadkooda tabaaleysan.

Ramadaanta ayaa ah Rukunka 4aad ee shanta tiir ee Islaamka, Waxaana ku jira cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan,sidoo kale waa bil kheyr,iyo barako leh, waxaana Ilaaheey ku gooni yeelay fadli iyo wanaagyo aad u badan,sida:- Waa bishii Quraanka la soo dejiyey lana khatimay kitaabkii ugu dambeeyey kutubtii uu Ilaaheey soo dejiyey, waxaana lagu soo dejiyey Nebigii ugu dambeeyey Nebiyaasha Ilaahey SW uu soo diray waa Nebi Maxammed “Salalaahu Caleyhi Wasalam (SCW).

Waa bishii kutub badan oo kale la soo dejiyey,Rasuulkuna SCW isagoo sheegaya kutubtaa iyo marka la soo dejiyey ayuu wuxuu yidhi: Habeenkii ugu horreeyey bisha Ramadaan waxaa la soo dejiyey Suxuftii (Warqadihii) Nebi Ibraahim. Kitaabkii Tawreet ahaana waxaa la soo dejiyey 6dii Ramadaan. Injiilna waxaa la soo dejiyey 13kii Ramadaan. Zabuurna waxaa la soo dejiyey 18kii Ramadaan. Qur’aankana waxaa la soo dejiyey 24kii Ramadaan“.
Waana bisha ay ku jirto Laylatul-qadrigu: Laylatul-qadrigu waa habeen ka khayr badan kun bilood (sideetan iyo sadex sano iyo afar bilood), waana habeen barakaysan, Habeenkaasina wuxuu ku jiraa 10ka maalmood ee ramadaanka ugu danbeeya, waa bil habeen kasta oo ka mid ah Ilaaheey uu dad badan Naarta ka xoreeyo, qof kasta oo muslin ahina uu maalin iyo habeen kasta leeyahay duco laga ajiibayo (laga aqbalayo).
Shadaadiinta oo dhan ayaa la xabisaa , isla-markaana albaabada Naarta oo dhanna la qufulo, halka albaabada Jannada gebihaan la furo, Arrimahaas oo dhami waxay dhacaan oo la sameeyaa habeenka ugu horreeya bishan, Rasuulkuna SCW isagoo arrintaa ka hadlaya ayuu wuxuu yidhi: “Marka bisha Ramadaan soo gasho waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xidhaa albaabada Naarta, waxaana sil-silado lagu xidhaa shadaadiinta”. Xadiisku wuxuu xusay in marka Ramadaanku soo gasho shadaadiinta la xidh-xidhayo,marka la xidh-xidhana way taag-darreyaan oo way daciifaan, oo waxba ma awoodayaan marka bishaas lagu jiro inay sameeyaan wixii ay samayn jireen marka aan aanay ramadaan ahayn.

Muslimiinta aduunyada ayaa Maalintii 6aad Alle dartiisa ay u sooman-yihiin, waxaana saacadaha la soomayo waqtiyadooda ay aduunyadu ku kala gedisan-yihiin, inkastoo qofkastaaba uu soomanyahay, hadana saacadaha la soo sooman-yahay ayaa ah qaar aan cari- isu lahayn, wadamada qaar ayaa 20sacadood soonka kor u dhafaaya, halka kuwa kale ay 10sacdood ka yaryihiin,Tusaale ahaan:-

1.    Wadanka Denmark ayaa ah wadanka ugu badan oo ay dadka muslimiinta ee ku dhaqani ay 21sacadood soomanyihiin,iyadoo la afuranyahay sadex sacadood oo keliya .

2.    Wadamada Norwey iyo Sweden ayey dadkoodu waxay sooman-yihiin ilaa 20Sacadood iyo 30Daqiiqo , iyadoo ay 4sacadood oo keliya tahay inta ay cuntada iyo cabitaanku ay xalaal u yihiin.

3.    Wadamada The Netherlands iyo Belgium waxay Alle dartiis u sooman-yihiin 18Sacadood iyo Badh bisha laga xarimay cuntada iyo cabitaanka.

4.    Wadanka Spain ayaa dadkoodu waxay iyagu sooman-yahay waqti dhan 18sacadood iyo 30Miridh oo xidhiidh ah.

5.    Wadamada Germany Iyo France ayaa dadka muslimiinka ee ku nooli ,iyagu waxaa soonkeeda waxaa uu noqonayaa, waqti dhan 16sacadood iyo 30daqiiqo.

6.    Wadanka Talyaaniga ayaa dadka muslinka ee ku nooli , waxa uu soonkoodu noqonayaa qiyaas dhan 16sacdood oo xidhiidh ah.

7.    Wadanka Jamhuuriya Iran ayaa dadkeedu waxay Sooman-yihiin qiyaastii in ku dhow 15Sacadood iyo 50 Miridh, halka boqortooyada sacuudiga, Baxrayn, USA , Falastiin, lubnaan iyo Tuunisiya  ay soon-yihiin waqti dhan 15Sacadood.

8.    Wadanka Imaraadka carabta (U.A.E) ayaa dadkiisu waxay sooman-yihiin 14.51 miridh, Masar ayaa ah iyadu 14sacadood iyo 30Daqiiqo, halka Kuweyd, Siiriya, Ciraaq iyo  Boqortooyada Marooco ay dadka ku nooli sooman-yihiin 14sacdood.

9.    Muslimiinta ku dhaqan wadanka mexico ayaa iyagu sooman 13sacadood iyo 20Miridh,dalka Brazil ayaa isagu ah 11Sacdood, halka Australia ay ka tahay 10sacdood .

10. Wadanka Argentina ayaa waxay dadkiisu soomanyhiin Sacadood oo keliya, Halka wadankeenii Somaliland laga soomanyahay waqti dhan 13Sacadood iyo 30daqiiqo

Hadaba dadka Muslimiinta ku dhaqan wadamada adduunyada  qaasatan qaarada yurub ayaa sanadkaa waxaa soo wajahday waqti dheer in ay soomayaan madaama xiliga qoraxda dhacayso iyo waqtigay soo baxeysa ay isu jiraan oo keliya , wax ka yar 3-ilaa 5 sacadood taana waxay keentay qofka in uu soonaado 18-21 sacadood, ,isla-markaana u dhaxeyso oo kaliya 3-5 sacadood gudahood oo laga doonayo qofka in uu ku afuro kuna saxuurto,waxayna sanadkan iyo kii ka horeeyeyba noqonayaan kuwii ugu badnaa ee abid ay Soomaan muslimiin badan ku nool Qaaradan Yurub.

Hadaba xiligan soonka ee Qaarada yurub siiba Ingiriiska ahna 19 sacadood ,isla markaana qoraxdu ay aad kulushahey ,waqtiguna uu badanyahey ,halka xiliga dadkii iyagu wadankeenii joogay ay soomanyihiin qiyaas celcelis ahaan 13 Sacadood, badi waqtiga suxuurta qurba joogta ku dhaqan Uk, ayaa ku beegan 3:00 iyo waxooga waxaana la afurayaa 9:30 oo waxyar la, ,dad badan ayaa dalkooda hooyo Rabadaanta soo xasuusta ,in soonku noqonjirey 12 sacadood oo keliya,halka waqtiga afurka iyo saxuurtana ay u dhaxeysay waqti aad u badan oo qofka cunadii hore uu cunay uga bixi karto.
Iyadoo qaar ka midda dadka Muslimiinta ku dhaqan wadamada qaarada Yurub gaar ahaan Ingiriiska ay qeylo dhaan ka bixiyeen xiliga Soonka , oo ay maalintii ay ka badan tahay habeenkii , kadib markii ay ku soo beegantay bishii barakeysneyd cadceedii ah mid kulul iyo Ramadaanka oo waqtigiisu aad u batey.
Waxaana u sii dheer dadka gaalada oo waqtigan qaawan , madaama lagu jiro xiligii kuleylaha (Summer time) oo wadamada Yurub dadkoodu dharka dhigan-jireen, isla-markaana looga baahan yahay qofka sooman in uu indhaha xataa ka soomo si u helo ajarka badan bisha Soonka.,waxaana sanadkan uu dad badan waqtigu ku noqday mid ay ku jahawereersan yihiin madaama laga rabo in 3-5 sacadood  gudahood ay Afurka, taraawiixda iyo saxuurtaba ku sameeyaan.
Iyadoo waqtiguna aad ayuu u badan yahey, ayna cadceedu kulushahey balse waxaa lagu qasbanahey in la soomo , waana waajib ilaahey inagu faral-yeelay.

Isku soo wada duub bishan Ramadaan ayaa waxa timi, xiliga kuleylaha balse waa bishii Ramadaan ee ugu kuleylka badneyd iyadoo dad aad fara badan ay isaga huleeleen si ee ay ugu soomaan wadankii hooyo iyo wadamada Carabta , Si kastaba ha ahaatee ,waxaa la sii sadaaliyey sanadkii hore , inay ka sii darnaan doonto ,inshalaah sanadka danbe haddii alle ina gaadhsiiyo oo la soomi doono intii markaasi la soomanaa  mid ka sii badan madaama sanadkan ay ku soo beegantay Bisha July oo ah xiliga ay ugu kulul-yihiin wadamada Yurub, Heerkulkuna gaadhay iminka 35c temperature.

        -Ilaahay ayaa mahadleh-

.Waxaa Diyaariyey,  Adan Yusuf Elmi

Birmingham /UK