“Fadlan shan-daqiiqo i fasaxa, waxaan u baahnahay Nasasho”: Weedhihii ugu dambeeyey ee Dacwad-ooge ka tirsan Milatariga Poland oo is-toogtay wakhti uu shir’jaraa’id ku shaacinayey Baadhitaanka dhimashada Madaxweynihii hore

Poznan, 09 Jan, 2012 (SLpost)- Dacwad-Ooge ka tirsan Ciidamada Milatariga dalka Poland ayaa rasaas madaxa iska dhuftay wakhti uu shir-jaraa’id qabanayey isaga oo xafiiskiisa ku sugan.

Wakhti yar ka hor, waxa uu difaacay baadhitaan lagu sameeyey milatariga dalkaas kaas la xidhiidha sir laga helay burburkii diyaaradeed ee laba sanno ka hor uu ku dhintay madaxweynihii dalka Poland.

[stextbox id=”black”]Hoos ka daawo Video-ga[/stextbox]

Bilowgii shirkiisa jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ku yaala magaalada Poznan, Kornayl Mikolaj Przybyl waxa uu yidhi, “Intii aan ku gudo jiray shaqadayda Dacwad-ooge, mid shicib ha ahaado ama mid milatriye, waligay kuma keenin Jamhuuriyadda Poland wax ceeb u soo jiida, waanan difaaci doonaa sharafta sarkaal kasta oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Poland iyo Xeer-ilaalintaba.” Markii uu intaas oo kaliya yidhi, waxa uu ka codsaday war-fidiyeennada inay fasaxaan si uu u nasto, “Waad mahadsan tihii, fadlan ii ogolaada shan daqiiqo, waxaan rabaa inaan nasto,” ayuu yidhi Przybyl, dabadeedna wariyeyaashii way ka dareereen xafiiskii.

Iyada oo ay wali rakiban yihiin Kamaradihii wariyeyaashu isla markaana ay duubayaan, waxa uu ka dhaqaaqay goobtii uu taagnaa, isaga oo ka qarsoomay kamaraddii haystay, mar kaliya ayaa la maqlay sanqadha rasaasta. Markii uu dhulka ku dhacay, waxay kamaraddu qabatay labadiisa lugood isaga oo dhulka yaala.

Isaga oo ka codsanaya Wariyeyaasha inay Shan Daqiiqo Fasaxaan

Isla markiiba waxa loola cararay cusbitaalka ka dib markii ay wariyeyaashii goobta ku sugnaa ka war helaan ninkii daqiiqado ka hor u warramay oo dhex jiifa barkad dhiig ah.

Isaga u dhaqaaqaya dhinaca uu isku dilay markii ay wariyeyaashu ka baxeen

Agaasimaha Cusbitalka loola cararay sarkaalka is-toogtay ayaa sheegay in Kornayl Przybyl uu ku sugan yahay xaalad aanay noloshiisu halis ku jirin, isaga oo ku daray inay dhaawacyo ka soo gaadheen wejigiisa.

Markii uu is-toogtay, waxa muuqata mid ka mida Kabihiisa isaga oo dhulka yaala

Kornayl Przybyl ayaa ku xigeen ka ah xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud waxaanu sidoo kale madax ka yahay qayb ka mid ah oo qaabilsan baadhitaanka Dilalka qorsheyn ee Ciidamada ka dhex dhaca.

Madaxweynihii hore, Xaaskiisa iyo Saraakiishii ku dhimatay Burburka diyaaradda

Isla markii uu shirkiisa jaraa’id dhameeyey, waxa uu suxufiyiinta waydiistay inay xafiiska u banneeyaan ka dib markii uu dhalleecyey siro ay warbaahintu faafisay oo ku saabsan diyaaraddii ku burburtay dhul-weynaha Ruushka bishii April 10, 2010 taas oo galaafatay nolosha madaxweynihii hore Lech Kaczynski iyo 95 qof oo badankoodu ahaayeen saraakiil Poland u dhashay

Intii uu Shirka jaraa’id ku gudo jiray, Kornayl Przybyl waxa uu sheegay in xafiiska dacwad-oogaha Milatarigu uu xaq u leeyahay inuu baadi-doono telefoonada laga duubay wariyeyaasha ku gudo jiray baadhitaanka sidii uu burburka diyaaraddu ku yimi.

Baadhitaannada kale ee sarkaalkani ka dhex waday ciidamada dalkaas ayaa waxa ugu horreyeeyey tuhunno laga qabay musuq ka dhashay qalab milatari oo loo iibiyey ciidamada Poland ee ka hawl-gala dalalka Afghanistan iyo Ciraaq.

Kornayl Przybyl waxa uu beeniney warar warbaahintu ku dhalleecaysay in dacwad-oogayaasha milatarigu ay jabiyeen sharciga intii ay ku gudo jireen baadhitaanka burburka diyaaradda.  Warbaahintu waxay dacwad-oogayaasha ku eedaysay inay arkeen waraaqo la isku weydaarsaday lacago laaluush iyo fariimo qoraal ah oo laga helay telefoonnada gacanta ee qaar ka mid ah suxufiyiinta si ay u gartaan halka ay warbaahinta ka heshay macluumaadka.
Dhanka kale, madaxweyne Bronislaw Komorowski ayaa war-murtiyeed uu soo saaray ku sheegay inay aad u taabatay isku-dayda dil ee sarkaalka waxaanu weydiistay madaxa hay’adda Nabadgelyada dalkaas inuu la socda Arrinta.

[tube]http://www.youtube.com/watch?v=1nzvxYGtnFM[/tube]

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net