Fadeexado ka soo If-baxay Doorka Telefishanka Qaranka ee tebinta Wararka Weftiga Madaxweynaha oo sababay in laysku Shaandheeyo Madax-waaxeedyada Qaarkood

Hargeysa (SLpost)- Qaabka telefishanka Qaranku maalmihii u dambeeyey u soo gudbinayey Socdaalka weftiga madaxweynaha ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa sababay isbeddel lagu sameeyey madaxa wararka iyo ku-xigeenka Telefishanka Qaranka.

Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas, ayaa maanta isbeddel ku sameeyey Madaxii wararka iyo ku xigeenkiisii, ka dib markii la dhaliilay qaabka gudbinta wararka safarka madaxweynaha.

Maareeyaha tv-ga qaranka waxa uu beddelay Madaxii wararka Maxamed Xuseen Cali iyo ku xigeenkiisii Axmed Saxardiid, waxaanu madaxa wararka Telefiishanka u Magacaabay Wariye Xamse Cali Bulbul oo hore uga tirsana telefishanka HCTV, halka ku xigeena looga dhigay Cali Caano-dhame.

Maareeyaha ayaa talaabadan qaaday ka dib markii Telefiishanka qaranku ku fashilmay inuu bulshada soo gaadhsiiyo wararka safarka Madaxwaynaha Somaliland ku joogo dalka Imaaraadka Carabta iyo kulamada uu la yeelanayo masuuliyiinta dalkaasi.

Tv-ga qaranka oo hawshiisu tahay sidii uu bulshada uga soo gudbin lahaa wararka muhiimka u ah Qaranka isla-markaana masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay inuu talaabo talaabo uga waramo safarada Madaxwaynaha, ayaa aad loogu dhaliilay sida aanu u soo tabinayn safarka Madaxwaynaha ee Imaaraadka, halka Telefiishanada Madaxa-banaan, gaar ahaan Telefiishanka HCTV uu Madaxwaynaha ku wareystay Magaalada Abu Dubai ee ku sugan yahay.

Telefiishanka Qaranka oo uu tartan ka dhexeeyo Telefiishanka HCTV, ayaan weftiga Madaxwaynaha aanu ula socon Wariye soo tabiya wararka Madaxwaynaha in kasta oo Wariye la socday safarkii uu dhawaan ku tagay dalka Turkiga, balse waxa la socda Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo galay booskii Wariye Siciid Maasim oo wararkii safarkii Madaxwaynaha ee Turkiga ka haqab tiray Telefiishanka qaranka iyo warbaahinta kale ee maxaliga ah.

Afhayeenka Madaxtooyadda, ayaa safarka Madaxwaynaha ka soo dira warar googoos ah, balse talaabada Maareeye Gaas ku badalay madaxa wararka ee Telefiishanka Qaranka, ayaa la filayaa inay ka dhalatay cadho Maareeyuhu ka qaaday Wareysi uu telefiishanka HCTV Abu Dhabi kaga qaaday Madaxwaynaha, halka Tv-ga qaranka oo ahayd inuu baahiyo warkaasi uu soo qaatay oo kaliya tebinta Afhayeenka madaxtooyada.

SOMALILANDPOST.NET