FAAQIDAAD SHARCI: ‘Maxkamadda Dastuurigu Ma Khilaaf Sharci Bay Ka Garnaqaysaa, Mise Khilaaf Siyaadeed Ayey Dhexdhexaadinaysaa?’

BacaluulQALINKII: Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi (Bacaluul)

Waxa beryahan jiray, xafiltan siyaasadeed oo ka dhexeeyay Xukuumadda iyo Axsaabta mucaaridka iyo xubnaha la baxay Madasha. Waxaanu u muuqday dagaal warbaahineed oo isasoo tarayay intii lagu jiray toddobaadadii ugu dambeeyay ee ka hadhsanaa muddo-xileedkii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Maalmahan danbe se, waxaynu arkaynaa loollankii siyaasiga ahaa oo qaatay waji kale oo ka duwan kaas hore. Waxa hore loo sameeyay wada-hadallo uu ka dhashay heshiis aan lagu wada kalsamayn. Marar kalana waxaynu u soo joognay iyadoo beesha caalamku la isugu qayshaday, Wax kastoo la isku dayay ba, kala qaybsanaantii siyaasadeed waa halkeedii, xalna lagama gaadhin.

Olloleyaal warbaahineed oo xukuumadda iyo mucaaridku isku qaadeen ayaynu aragnay, iyadoo dhinac walba isku dayayey inuu ku kasbado ra’yul caamka dadweynaha.

Ugu dambeyn, waxa la iskula soo dul-dhacay Waaxda Garsoorka, Sida ilaa hadda wax loo waddo waxay iskaga eeg tahay in la rabo in cudurkii fardaha galay laga gubo dammeeraha.

Waxaynu iska wada ognahay oo aanu muran ku jirin in Asxaabta qaranka iyo guurtidu ay isku hayaan muddada ay guurtidu u kordhisay muddo-xilleedyada Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada oo aanu jirin khilaaf sharciyadeed.

Waxa sidoo kale, iyadna la wada ogyahay in waxa jiraa ee la isku mari la’yahay uu yahay faraq-xilliyeed oo ah (4) billood, oo u dhexeeya Go’aankii Guurtida ee xil-kordhinta Madaxtooyada iyo Wakiilada iyo heshiiska Axsaabta qaranka ee ka dambeeyay.

Faraqaasi oo aan macno-badan samaynayn, mar haddii aanay xil-kordhintu ahayn mixwarka uu khilaafku ka alloosan yahay, Afartaas billoodna, wax sidaasi usii ridan may ahaateen haddii lagu heshiiyay in sidii dani-keento la yeelo.

Intaas aan kaga gudbo hordhaca, oo aan usoo gudbo mawduuca qoraalkani uu khuseeyo – Qoraalka Madaxweynahu maxkamadda u gudbiyey ma khilaaf sharci oo laga garnaqi karaa baa mise maaha?. Arrinta garsoorka loo gudbinayaa waa in aanay la mid noqon oo ay ka baxsanaataa faaqidaada shaaraca taala iyo hal-qabsiyada doodaha warbaahinta la isku marinayay beryahan (Political rhetoric). Maxkamadda Dastuuriga ahi khilaaf sharci ay ka garnaqdaa ama fasiraad ka soo saartaa, Khilaafka sharcina maaha mid qaabab badan loo dhigi karo sida kan siyaasiga ah ee hadda la waddo, Balse waa mid mutaxan oo ku kooban hab-dacwaddeedka iyo nuxurka doodeedka dhinacyada ee loo soo gudbiyay Maxkamadda. Inagoo u eegayna hab-gareedka dacwadaha garsoorku maraan ayaynu qoraalkan isku dul taagi doonnaa, bal in arrinkani qoraalka madaxweynaha ee horyaala Maxkamadda Dastuurigu uu yahay dacwad dastuuriya oo buuxisay shuruudihii dacwadeed iyo in kale.

Si aynu su’aashaasi u gudo galno, waxaynu ka bilaabi doonnaa halkay arrintu ka bilaabantay oo ahayd codsigii uu Madaxweynahu u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah.

Waxay xubinta hore ee Qoraalka Madaxtooyadu usoo gudbisay Maxkamadda oo ujeeddadiisu tahay codsi fasirraad, kuna taariikhaysnaa 08/08/2015-ka, tixraaciisuna ahaa JSL/MD/100-3450/08/2O15 ay ka waramaysaa sida uu u dhacay Go’aankii Guurtidu ay ku kordhisay muddo-xilleedyada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladda.

Xubinta labaad waxay khusaysaa, Qodobbadii ay axsaabtu ku heshiiyeen.

Gebogebada qoraalkanu wuxuu ku soo biyo shubanayaa codsiga Madaxweynaha oo ah fasiraadda uu Madaxweynahu codsaday – waana kan sida loo dhigay:

Waxaan Maxkamadda sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaa codsiga fasiraadda qodobada 3aad iyo 4aad ee heshiiskani iyo faqradda B, qaybteeda 5aad ee mid walba gaarkiisa ku tilmaamayo xilliga qabsoomida Madaxtooyada iyo Wakiilada

Haddaba, ugu horreyn waxay ahayd ama maxkamad kasta ku waajib ah inay ku dhaqaaqdo inay hubiso in arjiga loo soo gudbiyey uu buuxinayo shuruuddaha nidaamka dacwaddeed ee Garsoorka iyo in kale. Tani ayaa ka horreysa in dhinacyada loo yeedho ama fadhi la agaasimo. Haddii taasi la seego, waa Alif kaa xumaaday Al-baqra ayuu kugu dhibi doonaa. Haddii se sideeda loogu dhaqmo, waxa loo gudbayaa in laga garnaqo nuxurkaasi buuxiyey shuruuddaha nidaamka dacwadeed ee Garsoorka, waxaana lagu guuleysan karaa in la gaadho go’aan loo gaadhay qaab sharciga waafaqsan kuna dhisan Qodobbo sharci oo aanu mugdi ku jirin.

Sida caadiga ah, dacwad kasta cid baa muduci ah oo bilowda. Cid baana mudaacalee ah oo dacwaddu lid ku tahay. Marka la joogo Maxkamadda Dastuuriga ah, waa in la helaa cid muduci ah oo dacwadda furata. Sidoo kale waxa shardi ah in la helo go’aan xeerarka iyo dastuurka loo eegayo, ama xeer/sharci la fasirayo. Sidaas darteed, waxa mudaacalee ah cidda go’aanka soo saartay ama Golaha xeerka soo saaray.

Haddaba, Qoraalkani Maxkamadda Dastuuriga ah horyaalla, Madaxweynahu isagaa qoraalkani Maxkamadda u soo gudbiyey, haddana muduci maaha oo labada go’aan midna ma diiddin midna ma ogolaan. Taasi waa arrin cajiib ah, imika qoraalkani laguma sheegi karo dacwad dastuuri ah ama fasiraad. Waxa la odhan karaa Madaxweynahu wuxuu la talin sharci ka codsaday Maxkamadda Dastuuriga ah. Maxkamadduna maaha la talinta sharci ee Madaxweynaha. Waxa loo baahnaa inay Maxkamaddu ku baraarugsanaato arrintani. Ma jirto dacwad ay ciddi furatay oo aanay wax diidanayn, waxna aanay taageersanayn. Markaa meesha dacwaddi ma jirto.

Waxa kale oo la gudboonayd Maxkamadda inay is-weydiiso, horta maxaa noqon kara dacwad dastuuriya oo u qalanta in laga garnaqo? Waa maxay astaamaha lagu garan karo ama tiirarka udub-dhexaadka u ah dacwadahani Maxkamadda Dastuuriga ah? Maxaase looga baahan yahay qofkasta oo raba, in uu furto dacwad-dastuuriya ama ka cabanaya go’aano maamul oo lagu fuliyay ama lagu fulin-doono?

Arrin kasta oo la rabo in hannaan sharci lagaga garnaqo waa inay noqotaa mid leh mawduuc iyo abbaar sugan. Taasina, waxay saaran tahay cidda dacwada furanaysa oo looga baahan yahay inay caddayso go’aannada ay ka cabanayso, kuwa ay fulintooda ku dooddayso iwm. Haddaanu qofka dacwadda furtay sheegin rabitaankiisa ama dooddiisa. Maxkamaddu uurkubaale maaha wax kasta daalacata. Awoodna uma leh inay iyadu nuxur ka dhaliso qoraal aanu qofkii furtayba ku caddayn waxa uu rabo iyo waxa uu diidan yahay. Markaa waxa haboon inay qoraallada noocan ah maxkamaddu ku celiso ciddii u soo gudbisay iyadoo faraysa inay soo waafajiyaan shuruuddaha nidaamka dacwaddeed.

Markaynu u soo noqono waraaqdii Qoraalka Madaxweynaha, muxuu yahay nuxurka dooddiisu?, Ma wuxuu ku doodday Go’aankii Guurtida ee Muddo kordhinta ayaa dastuuriya markaan arkay sababahaasi iyo Qodobbadaasi? Maya! Mise wuxuu ku doodday go’aanka guurtidu dastuuri maaha markaan eegay sababahaasi iyo Qodobbadaasi? Maya! Mise waxaabu ku dooddayaa Muddadii dambe ee axsaabtu ku heshiiyeen ayaa dastuuri ah ama aan dastuuri ahayn, sababahaas iyo qodobadaasi awgood? Maya! Ma wuxuu yidhi labaduba waa dastuuri amaba midkoodna maaha dastuuri? Maya! Xaggeey dacwaddani la sheegayaa u socotaa haddaba, haba laga garnaqee? Maxaase la fasirayaa? Arrimahani ayaa kuwa fasiraadda u baahan.

Haddii ay is-gabto ciddii dacwoonaysay, Garsoorku xaq uma laha inuu isagu mala-awaalo nuxur dacwaddeed oo aan caddayn. Maaha in lagu hawshoodo wax aan waddadiisa la soo marin. Waxa bilowga ku qaloocdaa, dhamays ma noqdaan. Fashilaad uun baana laga dhaxlaa.

Waanay dhacday inay Maxkamaddu ka baxday majarihii dacwadda, markii ay qarraar ka soo saartay cabashadii dastuuriga ahayd ee ay asxaabta mucaaradku kaga cabanayeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada kaga hor-istaageen inay shirar qabsadaan. Qaraarkaasi oo ku taariikhaysnaa 27/7/2015 tixraaciisuna ahaa, MS/DD/01/2015, waxay Maxkamaddu faqraddiisa 3aad ku tidhi sidan;

” Dhinaca kale, Maxkamadda Dastuuriga ah iyadoo og in muranka taagani salka ku hayo qabashada doorashada soo socota, waxay amraysaa in dhinacyada siyaasadda iyo hay’adahay khusayso ee dastuuriga ah inay sida ugu dhakhsaha badan usoo afjaraan muranka ku saabsan doorashada soo socota isla markaana xal ka gaadhaan si loogu diyaar garoobo doorosho xallaal ah”.

Waxay Maxkamaddu halkan ku xustay in ay og tahay arrinta muranka taagani uu salka ku hayo. Yaa u sheegay arrinta murankaasi taagnaa uu salka ku hayay? Halkee ayey kaga jirtay dacwaddii xilligaasi hortaalay? Maxkamadduhu kuma go’aan qaataan wax ay warbaahinta ka maqlaan/arkaan ee aan hortooda laga caddeyn. Sababtoo ah, aragtida Maxkamaddu maaha mid furan oo ka baxsanaan karta wixii horteeda lala yimid. Maantana, ugama fadhino inay Maxkamadu wax ka duwan mawduucii horteeda yaallay, inoo sheegto. Waa inay ka feejignaataa.

Su’aasha kale ee isweydiinta mudani waxay tahay GARSOORKU MUXUU AWOOD U LEEYAHAY INUU FASIRRO? Sida ku cad, Qodobka 98 (1)(b) Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland:

Garsoorku wuxuu awood gaar ah u leeyahay inuu fasiro: 1(b). in uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha Dastuuriga ah iyo xeerarka degdega ah iyadoo la raacayo dastuurka”.

Madaxwaynahu laba go’aan oo isla noociyad iyo qiimo ba lahayn ayuu codsaday in la fasiro. Heshiiska asxaabta qaranku kuma ba jiro waxyaabaha uu Garsoorku awoodda u leeyahay inuu fasiro. Garsoorka ay tani cay ku tahay. Midda kale, Madaxweynahu kuma dhaqmin Qodobka 98aad ee Dastuurka oo Maxkamadda ma horkeenin go’aan gole dastuuri oo keliya si micnahiisa ay Maxkamadda Dastuuriga ahi u fasirto iyadoo raacaysa dastuurka. Madaxweynahu Go’aanka Guurtidu dastuurka ma waafaqsan yahay ma odhan? Dood xattaa sidaasi lagala soo baxi karaa qoraalka kuma qorna. GO’AANKA MUDDO-KORDHINTA EE GOLAHA GUURTIDU MA XEER BAA? MISE MAAHA? Iyadna laysma weydiin. GO’AANKANI MAAHA XEER FASIRAADIISA LAGA CODSAN KARO GARSOORKA. Waxa laga yaabaa, in dadka qaarkood ku dooddaan wixii Gole dastuuri ahi soo saaraa waa xeer. Maaha, hadda annigu iskama lihi sidaasi, caddeynteedu waa sida uu Xeerka Nidaamku Garsoorku u dhigay. Qod. 6(4)(b) (Nuqulka 49ka Qodob) iyo Qod. 15(1)(b) (Nuqulka 60ka Qodob), labadani Qodob ee labada nuqul ee Xeerkani waxay si isku mid ah u sheegayaan sidan:

“Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay awood u leedahay b) inay macnayso, fasirtana Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmo marka laysku qabto nuxurka ujeeddadooda.”

WARKU BA WUXUU KU DHAN YAHAY MAXKAMADDA DASTUURIGA AH MADAXWEYNAHU MA WuXuU KA CODSADAY INAY FASIRTO QODOB DASTUURKA KA MID AH MISE XEER KALE OO LAGU DHAQMO OO UJEEDDADIISA LAYSKU QABTAY? MAYA! MAYA! MAYA!

Maxkamadda lama keenin dacwad waafaqsan Qodobbadani aan kor ku sharaxay, markaa Maxkamadda maxaa daaliyey ee hawshani geliyey mise arrinku waa dhexdhexaadin iyo hawlo kale. MAXKAMADDA DASTUURIGA AHI AWOOD UMA LAHA, CEEB AYEYNA KU NOQONAYSAA FASIRAADDA GO’AANNADA ASXAABTA IYO GUURTIDU. MAXKAMADDU WAXAY FASIRTAA DASTUURKA AMA XEER LAGU DHAQMO OO UJEEDDADOODA LAYSKU QABTAY.

Fasiraadda Qodob sharcina, waa inay noqotaa mid salka ku haysa xaqiiqo lagu muransan yahay, iyo doodo is-burinaya oo u dhexeeyo ugu yaraan laba dhinac. Balse waa in aanu noqon, codsi u muuqda tallo-sharciyeed, oo cid gaar ahi danaynayso. Waana aragti aasaas u ah inay FASIRAADA Garsoorku ahaato mid ku salaysan xaqiiqo dhab ah oo taagan oon ahayn mala’awaal. Aragtidaasi oo afka qalaad lagu yidhaahdo (the idea of standing). Aragtidan garsoor oo odhanaysa “Garsoorku maaha tallo-bixiye (advisory opinion), balse waa go’aan-qaate. Go’aankiisa laga rabo in uu jawaab u noqdo muran ka dhextaagnaa dhinacyo is-hayay.”

Xaaladaha Garsoor ee keensan kara mag-dhaw dastuuriya (constitutional remedy) oo dhaqan-gal ah, ayay Maxkamadda Dastuuriga ahi ku samayn kartaa Dib-u-eegis Garsoor (Judicial review). Taasi oo looga socdo, inay Maxkamaddu ahaato meel huwan haybaddii sharci, oo iska ururisa inay la falgasho xafiiltanka iyo khilaafyada siyaasadeed ee ku xeeran.. Sidoo Kalana waxa la diidayaa in muran kasta oo ku saabsan nuxur sharciyeed oon ku iman xaalad jirta, la waydiisto Fasiraadiisa Maxkamadda, siday tahay Mufti joogto ah. Taasi oo ka hor imanaysa mabda’ii sharci ee ahaa ( De Minimis Non Curat Lex), macnahiisuna ahaa, sharcigu ma khuseeyo, wixii fudud ee iska dhammaan kara.

Gunaanadkiina, fasiraadda-garsoorku mid maxkamadda lagaga codsado sideen yeelaa? Laba shay kee baan qaataa? Iyadoo xaqiiqooyin badan oo jira indhaha laga qarsanayo. Mar haddii codsiga dacwad-furashadu ka gaabiyay in uu sugo qodobadii looga baahnaa, Maxkamaddu waxa waajib ku ahayd inay hareer iskaga leexiso. Dhawrsanaanta iyo dhaqanka garsoorna maaha inay Maxkamaduhu ku dhex milmaan khilaafyada siyaasiga ah oo ay qaataan doorkii Akaadamiyada Nabadda iyo Isku-soo-dhawaynta Daneeyayaasha la sheego ee doorashooyinka.

W/Q. Garyaqaan Maxmed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)

LIFAAQA QORAALKA (annexes)

QARAARKII MAXKAMADDA SARE EE DACWADDII AXSAABTA MUCAARIDKU KA FURTEEN MAXKAMADDA DASTUURIGA AH.

LIFAQ

CODSIGII MADAXTOOYADU AY U GUDBISAY MAXKAMADDA DASTUURIGA AH.

QQ