FAALO KU SAABSAN MD.JAMAAL CALI XUSEEN IYO XISBIGA UCID

Waxaan Qalinka u qaatay intii karaan kayga ah , in aan qoraal idiinku soo gudbiyo, fikirka iyo dareenka aan isleeyahay Dad-waynahu waxa ka qabaan Xisbiga Ucid iyo Musharaxiisa Jamaal Cali Xuseen .

XISBIGA UCID

Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID waxa la sameeyey 18/8/2001 – 20/8/2001.Waxa mar labaad lagu sameeyey Xeerka kaabis iyo wax ka bedel shirwaynihii labaad ee Xisbiga oo ka dhacay Hargeysa oo lagu ansixiyey Xeerka Xisbiga 27/7/2006-30/7/2006.

Magaca xisbigu waa xisbiga CADDAALADA IYO DARYEELKA oo loo soo gaabiyo UCID. Xaruntiisuna waa Hargaysa. Xisbigu waxa uu laamo ku leeyahay dhamaan Gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka iyo sidoo kale dalka dibadiisa.
Xisbiga Ucid waxaa laguna dhawaqay horaantii Sanadkii 2002 markii uu ku Guulaystay Tartankii Golaha deeganka , waxanu u gudbay in uu ka mid noqdo Xisbyadii Qaran ee Somaliland .

Bilawgii Hir galintii Xisbiyada ee Somaliland waxa aan odhan karaa waxa uu ahaa Xisbiga Ucid Xisbiga kaliya ee wakhtigaasi ugu Dadaalka badnaa ,waxa uu ahaa Xisbi markaliya Shaacbaxay ,waxanu astaan muuqata u ahayd Dhalinyarada Somaliland .

Xisbia Ucid waa Xisbi Guun ah kana mida Xisbiyada waya-arag nimada wayn ku ah siyasada Somaliland ,waa Xisbi uu muddo aad u badan majaraha siyasadeed usoo hayay Eng Faysal Cali Waraabe oo ah Nin mudadii uu siyasada Soomaliland kusoo jiray aad looga bartay dhamaan Gayiga ay Somalidu dagto oo dhan .

Gudoomiyaha Xisbiga Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu ahaa Wakhtiyadasi aan ka sheekaynayo Nin Raqbad iyo Dadaal dheerada u haya Siyasada Somaliland ,waxa uu ahaa Nin ka Xalan isla markana aan lagu xaman Qabiilka iyo Qabyalad ,taasi oo aad ka dheehan karaysay marka aad u kuur gasho dadka Gadh wadeenka ah Xisbiga in ay kasoo jeedan Gobolo isku dhafan oo Somaliland ah .

Ucid Waa Xisbi la odhan karo waxaa uu soo maray Duruufo iyo tartano aad u fara badan in kastoo Nasiib daro aanu marna ku guulaysan in uu noqdo Xisbi Majaraha Siyasada u qabtay Somaliland ,balse waxaa la odhan karaa waa Xisbi aad u dadaal badan kuna soo baxay Labadii Dorasho ee Golaha Deganka , ugana Gudbay Xisbi Qaran .

Xisbiga Uciid waa Xisbi soo maray Kaca-kuf aad u fara badan oo dhanka siyasada dhexdiisana marar badan laga maqlay is-qabqabsadka madaxda Xisbiga, gaar ahaan Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen kadib markii uu 26/11/2015 Guddoomiyaha Faysal Cali Waraabe, uu caddeeyay in xisbiga gudihiisa lagu tartami doono jagooyinka Musharaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Xisbiga uga qayb gali doona tartanka doorashooyinka soo socda ee la filayo in ay dalka ka qabsoomaan 2017.ka.

Arintaasi oo Xisbiga Ucid kuu keentay Tafararuq iyo kala tag siyasadeed siyasadeed kadib markii 23/11/2015 C/Rashiid Xasam Matan oo ahaa Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga XISBIGA UCID uu ku dhawaaqay in uu is casilay xilkii iyo Xubin nimadii uu ka hayay Xisbiga isaga oo ku sababeeyay, in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng faysal Cali waraabe, uu faro galin baas ku hayo oo aan loo dulqaadan karin .

Tariikhdu markay ahayd 9-2-2016-waxaa madal balaadhan oo ka dhacday hotel Ambassador ee magaalada hargaysa soona qabanqaabiyeen xisbiga wadani laguna soo dhawaynayay siyaasi cabdirashiid xasan mataan oo hore u ahaan jiray murashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga ucid islamarkaasina iska casilay xilkaas.

TARIIKHDII JAMAL CALI XUSEEN

Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku dhashay magaaalada Hargeysa Tariikhdu markay ahayd 1965,, isagoo isla magaalada Hargeysa ka bilaabay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd ilaa waxbarashadiisa heer Dugsi Sare, isagoona ka baxay dugsiga sare ee Faarax Oomaar Magaalda Hargeysa .

Sidoo Kale Jamaal Cali xuseen yaraantiisi wuxuu jeclaa ciyaaraha ama Sports-ka , gaar ahaan Kubada kolayga , Cagta iyo waliba kubada Teniska Miiska, kaas oo uu ka gaadhay ilaa heerka ciyaarihii Gobolada ee Jamahuriyadii Sommalida , isagoona u saftay Gobalka Hargaysa .

Jamal Cali Xuseen waxaa dhalay Alle Ha unaxariistee General Cali Xuseen Cabdi oo ka mid ahaa Sarakishii sarsare ee Dawladii Somaliya markii danbana ka mid noqday Madaxdii Jabhadi SNM .

WAXBARASHADA

Jamaal Cali Xuseen markii uu Ka qalin Jabiyay Dugsiga sare, waxa uu ka bilaabay waxbarashadiisii sare college-kii barashada xisaabadka iyo Dhaqaalaha ee SIDAM oo ku yaalay magaaladaMuqdisho, Halkaas oo uu ka qaatay shahaadadii darajada koowaad ee cilmiga xisaabaadka ( Degree in BA Accounting) , isagoo ahaa ardaygii ugu sareeyay jamacada , isla sanadkaana waxa loo qaatay inuu Macalin ka noqdo isla jamacadaas.

dabayaaqadii sanadihii sideetamaadkii Jamal Cali Xuseen waxa uu waxbarasho u doontay wadanka Maraykanka, isagoo halkaa markuu mudo joogayna ku guulaystay deeq waxbarasho (Scholarship)jaamacadagoodrvard university. halkaas oo uu ka diyaariyay shahadada caalamiga ee loo yaqaano CPA ( CERTIFIED PUBLIC ACCOUNTING), taas oo ku yar qof somali ah ama Africaba ku ah naadir iyo dhif.

Jamaal Cali Xuseen waa Aqoonyahan ku takhasuusay cilmiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaana uu wax kusoo bartay jaamacada aduunka ugu horeysa ee looyaqaano Harvard University ee ku taala Cariga Maraykanka. kadib Qalinjabitii Jamacada Jamaal cali Xuseen Waxa uu kasoo shaqeeyay bangiyo caalamiya oo waawayn kuwaas oo ka midyihiin bangiga wayn ee Citi Bank kaas oo uu ka gaadhay inuu noqdo Maareeye guud ama Chief executive officer.

SIYASADA JAMAL CALI XUSEEN

Jamal Cali Xuseen waa siyasi dhalinyaro ah isla markana ay ka muuqato dadaal iyo dhiranaan uu u qabo in uu mar uun madax ka noqdo Somaliland .waxa uu horaantii Sanadkii 2012 olole siyasadeed uu u galay in uu Musharax ka noqdo Xisbigii Naafoobay ee Udub . isaga oo xataa ku balan qaaday in uu Bixin doona Lacag Curaar ah oo meel ay ka socoto aan la garanayn .

Markii Hashiis taaba gal ah laga gadhi wayay Musharax nimada Jamaal ee Xisbiga Udub na is qabqabsi badana uu ka dhashay ayaa Jamaal 12, July 2012 isaga iyo Garab uu hoggaaminayo ay ka baxeen xisbiga UDUB iyaga oo heshiis la galay xisbiga UCID ee uu Gudoomiyaha ka yahay Eng. Faysal Cali Waraabe .

Jamal waa Nin ku Cusub saaxada siyasada ee is badalka badan, waa Nin aad ka dareemayso mararka qar in uu Warwar badan ka qabo Siyasada maadama muddo sii horaysay khilaaf iyo is haysad uu kala kulmay Siyasiyiinti Xisbiga Udub,wakhtigan xadirkana ay taagan tahay tii mid lamidii oo ka haysata Xisbiga Ucid .

Jamal Cali Xuseen Waxa lagu tilmaama Nin Dhalin yara ah oo ay adag tahay in la saadaliyo amma la-mala-awaalo siyasadiisu dhinaca ay u jahan san tahay .madama uu yahay nin aan Shar iyo Khayr toona laga arag ,Garoonka Siyasadana ku cusub.waa Nin intuu Nolaa shaqoyin badan soo qabtay ay dhici kartana in uu iska haysto Dhaqale ku filan.

Dadka qaar ayaa is-waydiyaan Jamaal madama uu dhalin yaro yahay ma laga yaaba in uu uga waxtar badnan doono Nimanka odayashaa ee Siyasada wakhtibadan kusoo dhex jiray kuna ilka-dhacsaday .waa nin wakhtigiisa inta badan ku qaata Dibada madama uu kasoo jeedo Quba joog .

Hadaynu dhinaca kale ka eegno Jamal Cali waa Nin Hal abuur ah ,mararka uu donana Gabya ,Majaajileeya ,waa Nin soo jiidasho siyasadeed ay ka muuqato ,waa Nin Farxad badan sida ad ka dheehan doonto Buugiisa uu qoray uguna Magac daray Diwaanka Qosolka .

Buugasi Diwaanka Qosolka waa Buug aad Suuqa u galay aadna loo jeclaystay , Dad badan ayaa iibsaday, maadaama qofkastaba inta badan uu ka helayo wixii uu rabay.

Tusaale ahaan dadka jecel hadalka xigmada leh waxay ka helayaan qisooyin xambaarsan xigmado aad u balllaadhan, dadka jecel sheekooyinka dadkii hore laga soo gaadhay iyana sidoo kale ,Buuga waxaad ka helaysaa sheekooyin macne ballaadhan . Dadka inta badan jecel sheekooyinka qosolka ayaan iyaguna marna ka wayn Buugasi wax ka qosliya.

Dad badan ayaa Jamal ku tilmaama in uu yahay qof hal- adayg leh, isla markana aan laga arag lagana dareemin Hal qabsiga Qabyalada Dalka ragaadisay ,waa nin aad ka dareemayso in ay ku adag tahay in uu fahmo qabyalada iyo siyasada sida la isu waafajiyo inkastoo malaha taas uu kala mid yahay Eng Fayasal Cali Waraabe .

Waa nin jecel waxkasta oo dhaca in uu wadahadal ku dhameeyo ,waa nin Somaliland iyo gooni isu taageedu ka go’an tahay .waa Nin aan lahayn Godob siyasadeed oo hore iyo mid danbe toona .waa Nin dad la socodle .

Dadad badan oo jamaal ka faalooda waxa ay yidhaahdaan jamal maha xiligisii uu dalkan iyo Dadkan xukumi lahaa wayo dadkan iyo dalkani waxa ay ku Jaan iyo Cidhib go’an yihiin siyasada qabiilka iyo Qabyalada ,jamalna waxa ay u muuqata in uu yahay mid aan aad ugu dhaga nuglayn fikradaha Qabiilka ee siyasada Somaliland isku hirdiyaaya .

Hadii aad la sheekaysato Dad badan oo ka mida shicibweynaha J.S/Land gudo iyo debadba waxa ay ku odhanayaa kuna qanac san yihiin ,una hanqal taagayaan,in uu yahay Jamaal shakhsi maskax cusub oo da`yar,aqoon iyo cilmina xambaarsan,waayo arag ah,soona maray ama ka soo shaqeeyey dalalka horumaray xilal kala duwana ka soo qabtay kaasi oo hogamin kara somaliland .

Wa bilahi Tawfiiq.

W/Q:- Qareen. Khadar Ibrahim Aar

khadaraar7@gmail.com