FAALLO: Shuruudaha Hakinta Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia

Wada-Hadaladii Somaliland iyo Somalia ee qorshaysnaa in lagu qabto dalka Turkiga Bishan March 1dii, 2015 waxaa si cad u fashiliyay Somalia markii ay ku kacday khiyaamo liidata oo aanay Somaliland marnaba aqbalayn. Khiyaamadaas oo ahayd inay waftiga Somaliland soo horfadhiisiso xubno u dhashay Somaliland oo u adeega Somalia kana soo horjeeda qaranimada dalka Somaliland si loo majaxaabiyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland looguna soo gabbado magaca Somaliweyn aan jirin.

Sida lala wada socdo Dalka Somaliland marnaba ma ahayn gobol ka tirsan Somalia sida Bay, Mudug, ama Banaadir balse waxaa uu ahaa dal xornimada ka horqaatay Somalia dabadeed isaga oo ah dal madaxbanaan la midoobay Somalia1960 si uu u hirgasho riyadii fashilantay ee Somaliweyn. Midnimadaas oo runtii lagu hungoobay, dalka iyo umadda Somalilandna ka dhaxleen burbur laxaad leh iyo xasuuqweyn, taas oo keentay inay Somaliland ka noqoto midnimadaas sannadkii 1991 sida ku dhacday midowyo badan oo ka jiray dunida.

Ujeedada khiyaamadaas Somalia ku kacday waxay ahayd in Somaliland lagu dhex-tuuro fowdada ka jirta Somalia ee Somaliweyn si mar labaad ummadda Somaliland looga duudsiyo dhulkeeda iyo dawladnimadeeda. Siyaasadda xukuumadda Somalia ee maanta waxa weeye inay kala qaybiso ummadda iyo dhulka Somaliland una samayso maamul-goboleedyo beenaad ah iyo madaxweynayaal macmal ah si ay u mijaxaabiso qaranimada iyo dawladnimada Somaliland.

Sida la wada ogsoonyahay waxaa uu kelitaliyihii Siyaad Barre dhulkii iyo dawladnimadii dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadda Somalia u gacan-gashay qaxootigii ay isku qabiilka guud ahaayeen intii u dhaxaysay 1970-1990 kuwaas oo uu uga gacan haadshay Somalida Galbeed ee Ethiopia iyo Somalida Waqooyi Bari Kenya. Xilligaas, qaxootigii ayaa noqday wadani, wadanigiina waxaa uu noqday qaxooti. Qaxootigii gacanta loo gashay dalkii iyo dawladnimadii Jamhuuriyadii Somalia waxay markii dambe qaybweyn ka qaateen dhacii, burburintii yo xasuuqii weynaa ee loo geystay umadda Somaliland intii u dhaxaysay 1984-1990. Maantana waxaa la raadinayaa Somaliweyn ku dhisan isku-dulnoolaad iyo is-gumaysi ay ummadda Somaliland ka digtoontahay inay soo marto mar labaad sida maanta ka taagan Jubbadda Hoose ee Somalia.

Sida muuqata, Somalia (Koonfurta) maanta dadkeedu kama tasho, waxayna noqotay raq aan la kala lahayn oo gacanta u gashay Somalida kaga soo qulqusha 4ta kale Somaliyeed (Somaliland, Kilinka Shanaad, Waqooyi Bari Kenya, iyo Jabuuti), kuwaas oo dalkaas ku gala figradda ah: “Muqdisho waa magaala-madaxda Somaliweyn, Muqdisho waa hooyada Somaliyeed.” Runtii erayadaasu waa kuwo lagu beerlaxawsado laguna khiyaameeyo dadka Somalia (Koonfurta) si looga duudsiyo xukunkooda iyo dawladnimadooda awoodda u siin lahaa inay ku soo ceshaan nabadgelyada dalkooda isla markaana u hantaan dawladnimadooda iyo horumarkooda. Dadka Somalia (Koonfurta) waa ay ka hurdaan ka xoraynta dalkooda dhibaatada ay ku hayso Somaliweyn aan jirin oo iyaga ayaa isku jeeda oo is-dilaya. Dadka u dhashay Somalia (Koonfurta) looma oggola inay ka qaybgalaan dawladnimada Somaliland, Kilinka Shanaad, Waqooyi Bari Kenya, iyo Jabuuti sababta oo ah uma dhalan dalalkaas, sidaas awgeedna xaq uma laha ka qaybgalka dawladahooda. Waxaa dawladnimada dalalkaas xaq u leh oo qudha dadyowga u dhashay dalalkaas.

Dadka u dhashay Somaliland, Kilinka Shanaad, Waqooyi Bari Kenya, iyo Jabuuti ee ka qaybgala dawladnimada Somalia (Koonfurta) ee lagu magacaabo Fadaraalka Somalia waa dad u taga inay ka soo xoogsadaan Somalia oo aan wax dan ah u hayn dadka iyo dalka Somalia (Koonfurta). Arrintaas waxaa caddaynaya iyaga oo aan awood u lahayn inay tagaan dhulalkii ay u dhasheen inta ay mas’uuliyadda ku haystaan Somalia (Koonfurta) isla markaana aan wax dhaqaale ah ama cashuur iyo ciiidan aan ku taageerikarin waxa lagu magacaabo Fadaraalka Somalia oo runtii heer aad u xun marinaya maanta Somalia (Koonfurta). Somalia (Koonfurta) waxaa ka soo dhexbaxay maamul-goboleedyo leh madaxweynayaal oo runtii adkayndoona sidii Somalia (Koonfurta) dib loogu midaynlahaa.

Dadka qaar ayaa aaminsan in Somaliland iyo Somalia aanay kala noqonkarin ama kala tegikarin iyaga oo u cuskanaya arrntaas in Somalidu tahay dad isku Diin, af, dhaqan, iyo midab ah. Haddii arrintanu run ahaan lahayd, waxaa midoobilahaa ama fadaraal samaysan lahaa dalalka Carabta asalka ah oo ka kooban 17 dal oo xor ah kalana madaxbanaan kuwaas oo kala ah: Algeria, Bahrain, Egypt, Iraq, Jordan, Kuwait , Lebanon, Libya, Morocco, Oman, Qatar, Saudi Arabia, Syria, Tunisia, United Arab Emirates, Yemen, iyo Sudan. Dalalkan Carabta oo wadaaga Diin. Af, dhaqan, iyo midab intaba kama dhaxayso wax midow ama fadaraal ah waayo way ku heshiinwaayeen, cid ku qasbikartana ma jirto. Ninka u dhashay Jordan wasiir ama xubin baarlamaan kama noqon karo dalka Masar waayo xaq uma laha sababta oo ah uma dhalan. Wadaagga Diinta, afka, dhaqanka, iyo midabka maaha wax lagu cabbiro wadaagga midow ama fadaraal ama sabab u noqonkara inuu sii jiro haddii lagu heshiinwaayo. Cadaaladda iyo xukun-qaybsi loo simanyahay (Justice and fair power-sharing) ayaa ah shuruudaha ugu muhiimsan ee midow ama fadaraal ku jirikaro, waana arrinta ay Somalia ku guuldarraysatay inay fahamto xilligii midowga (1960-1990). Sida ay Carabweyn u fashilantay ayaa ay u fashilantay Somaliweyn lamana garanayo samanka ay hirgelidoonaan.

Haddaba, iyada oo la ogyahay dhibaatooyinkii laxaadka lahaa ee ummadda Somaliland ka soo gaadhay midnimadii fashilantay iyo Somaliweyn (oo noqotay maanta figrad ay ku soo gabbadaan dad aan dal u dhalan si ay xukunkiisa u boobaan), lana ogyahay inay adagtahay inuu Afrika ka hirgalo midow sababta oo ah qabyaalad, kelitalisnimo, iyo musuqmaasuq xudun u noqday nolosheeda, taas oo markasta dhalisa dagaallo sokeeye oo lagu hoobto, ayaa waxaa muhiim ah in Wada-hadalkasta oo dhexmara Somaliland iyo Somalia lagu saleeyo 5ta shuruudood ee soo socda, kuwaas oo kala ah:

1. Waa in Wada-hadaladu dhexmaraan Somaliland iyo Somalia (Koonfurta) oo qudha, waana in xukuumadda Somaliland aanay marnaba aqbalin in Somalia guddiga ay u magacawdo Wada-hadalada labada dal ku soo darto xubno ka soo jeeda Somaliland oo loogu talagalo in lagu mijaxaabiyo qaranimada Somaliland. Somalia arrintan xaq uma laha waana khiyaamo iyo xad-gudub fool-xun. Waxaa kale oo reeban in guddiga Somalia ay ku jiraan xubno ka soo jeeda Kilinka Shanaad, Waqooyi Bari Kenya, iyo Jabuuti waayo Wada-hadaladu ma dhexmarayaan Somaliland iyo Somaliweyn balse waxay dhexmarayaan Somaliland iyo Somalia (Koonfurta) oo qudha, labadaas dal oo ay dhexmartay midnimadii dhicisowday ee 1960.

2. Puntland waa gobol ka tirsan Somalia (Koonfurta) kamana fadli badna gobollada kale ee Somalia, markaas xukuumadda Somaliland waa in aanay marnaba aqbalin inay Puntland si gaar ah uga soo qaybgasho Wada-hadalada dhexmara Somaliland iyo Somalia sida dal gaar ah. Ujeedada Puntland waxa weeye inay sheegato qayb ka mid ah dhulka Somaliland si Wada-hadaladu u fashilmaan. Wada-hadaladu waa inay dhexmaraan xukuumadda Somaliland iyo xukuumadda Somalia oo qudha. Gobolka Puntland ee Somalia kama duwana gobollada kale ee Somalia (Koonfurta) sida Bay, Jubbada Hoose, Hiiiraan, Banaadir iwm.

3. Waa in xukuumadda Somalia ka jirtaa aanay aqoonsan ama taageerin koox ka soo horjeeda midnimada dhuleed iyo qarameed ee Somaliland.

4. Waa in Wada-hadalkasta ku salaysnaado jawi laba dawladood oo siman oo u heelan inay u gogol-xaadhaan Is-aqoonsi iyo xidhiidh walaaltinimo oo dhexmara labada ummadood ee Somaliland iyo Somalia.

5. Haddii ay Somalia diido mid ka mid ah afarta (4) shuruudood ee kor ku xusan, kama aha daacad Wada-hadalada, markaas waa in Somaliland si rasmi ah uga tanaasushaa ugana baxdaa Wada-hadalada ilaa Somalia fuliso shuruudahaas.

Qore: Ibrahim Hassan Gagale
Taariikh: March 8, 2015.