FAALLO: Maxaa Sababay In Dulmiga Iyo Dilku Uu Maanta Gaadho Heerkii Ugu Sarreeyey Uguna Foosha-Xuma, Xalku Se Muxuu Yahay? By: C/salaam-Abuhurayra

AbuSida aynu la socono beryahan dambe waxaa aad u soo xoogeystey isla markaana heerkii ugu sarreeyey maraaya dilalka ukaska ah ee guud ahaan ka dhaca dalkan Somaliland.

Dilalkaasi oo haatan la caadaystay dhagaheenana kusoo batay lana qabsadeen ayaa kuwii ugu dambeeyey uguna yax-yaxa badnaa waxaa ka mida dilkii dhawaan ka dhacay bariga magaalada Hargeysa.

Dilkan oo argagax hor leh ku abuuray bulshada ayaa 24/02/2014 guri ku yaalla bariga magaalada Hargeysa loogu geystay Marxuumad Ruqiya Saciid Ayaanle (IHUN). Waxaana dishay gabadh ay saaxiibo ahaayeen.

Horta qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan qaranka waxaan leeyahay Ilaahay Samir iyo Iimaan ha innaga siiyo, marxuumaddana jannadii Firdawsa haka waraabiyo. Waxaana dishay gacan ka xaq-daran oo aan odhan karo waxay kalsooni buuxda ka haysataa halka ay qormadaydani daarantahay.

Waan dareensanahay si wayn-na waan ula damqanayaa gaar ahaan qoyskii marxuumaddu ay ka baxday, masiibadaasi xanuunka badan ee ku habsatay. Waxaanan filayaa qofkastoo damiir lihi inaanu ka ladin jidhkuna ka dubaaxiyey.

Ilaahay haka abaaliyee ciidamada ammaanku si aad u qiimo badan loona bogaadiyey ayey u guteen kaalintoodii kaga aadanayd kiiskii dilkan. Waxaanay si hagar-la’aan ah uga hawl-galeen soo qabashada gacan-ku-dhiiglayaashii iyo ciddii loo tuhmay inay gacan ka gaysteen dilkan foosha-xun.

Marxuumad Ruqiya oo bad-qab kaga jarmaaday gurigeeda, ayaa  Shan Cisho kabacdi maydkeedii laga helay lagana soo saaray God dheer oo lagu riday. Kaasi oo laga dhex qoday guri ay geli jirtay gabadh ay saaxiibo ahaayeen marxuumadda oo magaceeda lagu sheegay Muna Maxamed Cabdilaahi.

Sid la xaqiijinayo marxuumadda ayaa Lacag ku lahayd gabadhan saaxiibadeed ahayd ee nafteeda galaafatay. Waxaanay marxuumuddu ku booqatay uguna tagtay gurigeeda, si ay uga soo qaadato lacag ay amaahisay oo bixinteeda maalintaasi loo ballan-qaaday.

Sida caadada ah Dayn-bixiyaha waxaa maskaxdiisa ku meera marka uu Dayn-qaate uu lacag ku leeyahay lasoo hadlo ee uu yidhaa soo doono lacagtaadii waan kuu hayaaye “Tolow muu/may iska wada bixin mise badh buu/bay iska bixin …iwm”. Marnaba maskaxdiisa/maskaxdeeda masoo marto khaarajin ayaa laguugu yeedhayaa.

Marxuumadda oo iska baraad la’ ayaa si kalsooniya u tagtay gurigii saaxiibadeeda ay lacagta ku lahayd oo in muddo ah looga sii qodayey looguna sii diyaariyey God dheer. Halkii ay ka eegaysay kuna rajo waynayd in lacagtii oo dhamaystiran la siiyo ayaa inta dhuunta laga aslay, bohoshii dheerayd-na gunta loo dhigay.

Gacan-ku-dhiiglayaashu wadhaaba ma wataan, afkana waa la dhabaan-dhabtay. Qoyskii marxuumadduna waxay baadi-goob ku jireen oo ay baaxaa-degayeen muddo ka badan Lix Casho. Caalimul-qaybka ayaan waxba laga qarin karine, fashilme dhagar-qabayaashii. Waxaana maydkeedii loogu tagay God dheer oo dusha ka malaasan.

Bal u fiirso gabadhaasi ku kacday falkan foosha-xun ee anfariirka ah, waxaa la fududaatay isuna qurxisay inay saaxiibadeedan daynta ku leh qudha ka goyso, urta iyo aragga maydkeedana god aan kaba fogayn oo guriga dhexdiisa ah iskaga leexiso, si ay meeshaba uga saarto qaddarka lacagta ah ee marxuumaddu ay ku lahayd.

War iskuma haysee waxay maleegtay, qoortana la gashay mid ka mida dunuubta ugu waaweyn. Waxaase isweydiin mudan maxaa sababay in maanta uu heerkaasi waxashnimada ah  dalkeena ka gaadho dilku, iyadoo la fudaydsanayo lana xalaashanayo dhiigga walaalka muslimka ah?

Waxaan filayaa qofka war-celinta waydiintan ka raadiya meelo kale inuu ku wareeri doono. Balse haddii aynu sideeda u abbaarno, waxay jawaabtu kusoo ururaysaa Cadaalad-darro baahsan, xadhkahana goosatay oo haatan si xawliya uga socota Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Waxaan filayaa in waxyaabo badani ka hir-galeen, wax-na ay jidka kusoo jiraan ballan-qaadyadii ay samaysay xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo. Balse waxaa nasiib-darro ah in lagu hungoobay, wax kasoo naaso cadina aanay jirin halkii ugu darnayd uguna muhiimsanayd oo ah Cadaaladda.

Madaxweynuhu bilawgii xukuumaddiisan-ba wuxuu ku dhawaaqay in cadaalad-darrada oo xilligaasna siduu isba qiray meel xun maraysay uu wax weyn ka qabanayo. Waxaanu isbedel ku sameeyey garsoorkii dalka. Isagoo gudddoomiyaha Maxkamadda Sare u magacaabay masuulka haatan xilkaas haya oo magaciisa la yidhaa Yuusuf Ismaaciil Cali.

Inkastoo isbedelkaa aad loogu riyaaqay, hadana dad badan oo aqoon u lahaa guddoomiyaha cusub ayaa aad uga  deyriyey . Waxaanay wer-wer iyo walaac badan ka muujiyeen mustaqbalka cadaaladda dalka. Iyagoo saadaaliyey xaalad sillan oo ka daran tii hore.

Haddii aynu dib u jalleecno tan iyo maalintaa uu madaxweynuhu isbedelka sameeyey, waxaa isa soo taraayey oo sare u sii kacay, halkii ugu sarraysayna caga-cagaynaya tabashooyinkii ka jiray garsoorka. Waxaanay cadaalad-darradu maraysaa meeshii ugu xumayd.

Haddaba meeliba meelbay ka cawdubillaysataaye, meesha ugu daran ee ay biyo-dhagatay cadaalad-darradu balaayoo dhamina kasoo burqanaysaa waa Maxkamadda Sare. Waana meesha keliya ee wakhti xaadirkan ay daalimiintu kusoo hirtaan, kuna doogsadaan. Waxaanay haatan ku caan-baxday Badbaadinta Dhagar-qabayaasha.

In dilku gaadho heerkii ugu foosha-xumaa, waxaa u aabbo ah cadaaladdan madaxa ka dhimatay oo ah Maxkamadda Sare gebi ahaanba ka xuubsiibatay Xaqsoorkii. Waxaana qaybteeda fulintana haatan la moodaa in ay meeshaba ka baxday oo aanay jirin-ba.

Waxa haatan la maqaa waa Dhagar-qabe Dil lagu xukumay oo la seexiyo laguna baxnaaniyo goobta haatan loo baxshey Albeerkada Cadaaladda. Muddadaa uu ku raaxaysanayo Albeerkadana waxay Maxkamadda Sare ka shaqaysaa qorshihii ay ku sii dayn lahayd.

Muddo aan badnayn kadib-na waxaa la maqlaa uun Gacan-ku-dhiiglihii waxaa sii daysay maxkamadda Sare. Oo haddii aad u kuur-gashid aad ogaanayso in aan loo marin sifo Sharciya. Waxaanad arkaysaa Maxkamadda Sare oo mararka qaar gaaf-wareegaysa gobolada dalka, abaabulaysana Odayaasha reeraha si waliyu-damka oo ah Cidda dhiigga leh ee wax laga dilay ay ugu khasbaan Magta. Haddii ay suuroobi waydana ay maxkamaddu ka dul-booddo Waliyu-damka lana xaajooto Odayaasha sidaasna kusii dayso gacan-ku-dhiiglihii, iyadoo isticmaalaysa awood ay caadaysatay beryahan oo gabi-ahaanba baal-marsan Cadaaladda.

Qofkastoo qudh-gooyo geystaa wuxuu hubaa in sharci iyo sharci-darraba aan la qisaasi karin lana sii dayn doono. Sidaasi darteed, waa ta maanta keentay in dilku fududaado, fahana ka baxo, oo uu gaadho heerkii ugu xumaa. Waxaana beryahan aad u soo shaac-baxday odhaahda liidata ee Mus-dambeedkeedu yahay Maxkamadda Sare ee ah “Wallaahi in aan waxba la iga kaa weydiin doonin oo shilin shilin laguu bixin”.

Haddii Caddaaladdeenii ay ka dhimatay Madaxa, Maxaa laga filan karaa Mijaheedana? Waa weydiin ku sar-go’an, heerka natiijo ee halkaasi ka dhalan karta. Waxaanan filayaa in qof waliba fahmi karo, kii kasi waayaana waa nasiibkii.

Maxkamadda Sare waxay ahayd inay noqoto meel aad looga baaraan-degay uguna sugan cadaaladda. Si aanay daalimiintu marnaba usoo haweysan. Nasiib-darro se waxay maanta noqotay meesha ugu sillan garsoorka una suntan cidkastoo dulmi raadis ah. Waxaanan filayaa haddii aan la daba-qabatayn in ruux ruux ay innoo taabato, xaaladduna faraha ka bixi doonto. Ilaahay kama yeellee.

Haddaba aragtidayda gaaban markaan ku fiirshey, halka ay sartu ka qudhuntay. Waxaan ka geyn waayey madaxa ugu sarreeyey cadaaladda oo midada daabkeeda haya ahna guddoomiyaha haatan ee maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil oo gebi-ahaanba ka arradan waxyaabo badan oo ay ugu horreyso aqoonta diinteenna suubban ee Islaamka oo gun-dhig u ah cadaaladdeena.

Sidaasi darteed, lagama yaabo inuu guul ka keeno qawaaniinta ay Bani’aademku dhoob-dhoobeen, kol hadduu ka qaawan yahay Qaanuunkii Ilaahay ina soo raaciyey. Waxaana taa u dheer taariikhdiisa dhanka garsoorka oo aan la mahadin, lagana weji-dadbo.

Aqoon-darradan baahsan ee guddoomiyaha Maxkamadda Sare ka haysata dhanka diinta, waxaa markaaba laga dheehan karaa sida aanay waxbaba u xidhin ee uu garsoorkii ugu tuntay sidii Awr dabar la’aan dhacay. Tan iyo maalintii la magacaabayna waxaa halkii ugu sarraysay gaadhay cadaalad-darradii ka jirtay garsoorka. Sidaasi darteed ayuu dulmigiina gaadhay heerarkii ugu sarreeyey uguna yax-yaxa badnaa.

Anigoo filaya magacaabista guddoomiyaha haatan ee Maxkamadda Sare inay ahayd XAL. Hadana taasi socon weyday haatan, oo waa taa horteena timi ee cadaaladdii ay godka madaw ku hoobatay. Waxaase faa’iido ah oo aan filayaa in duruustii XAL-ka aynu si fiican u darisnay.

Maadaama aynu dheeftiisii hayno dhaxalkii XAL-ka. Waxaan filayaa in aynaan isku diidanayn, qiraal-na lagu wada yahay in xilligii XAL-ku uu dhammaaday, loona baahanyahay oo aynu gaadhnay xilligii XUL-ka. Waxaanan kusoo gunaanadayaa cadaalad haddii la waayo ammaan ma jirayo. Waana tii horey loo yidhi Rag Cadaalad Waayey, Sidii Cawsha Kala Yaac.

 

 

Qalinkii Cabdisalaan-Abuhurayra

salaanmuctasim@hotmail.com