Faallo: Fikradda Somaliweyn Waa Siyaasad Isku-Dul-Noolaasho – W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

faalloFaalladanu waxay lafo-guraysa xaqiiqada iyo nuxurka ay ku salaysanyihiin qaranimada iyo aqoonsiga dalalka Adduunka (Afrika, Aasiya, iyo Koonfur Ameerika) taas oo ah xuduudaha u jeexan iyo in ummadda dalkasta ka koobantahay beelo kala geddisan oo isku qaran iyo dawlad ah isla markaana aanu jirin dal ka kooban hal qabiil. Beelaha Somalida qaar ayaa ku dooda inay leeyihiin dad iyo dhul ka tirsan dal kale iyaga oo cuskanaya abtirsiimo iskana indhatiraya in xuduudaha dalalka adduunku aanay ku salaysnayn abtirsiimo balse ku salaysanyihiin dhul oo aan marnaba la aqbalikarin hammigooda khaldan ee ka soo horjeeda Shuruucda Caalamka. Waxay kale oo faalladu ka hadlaysaa Figradaha Carabweyn iyo Somaliweyn iyo sababihii ay ku fashilmeen labaduba. Ugu dambaynta, waxay faalladu ka hadlaysaa sida figraddii Somaliweyn markii ay hirgeliweyday isugu bedeshay siyaasad ku dhisan isku-dul-noolaasho taas oo dadyowga Somalida aan xorta ahayn ku mamaan xukunka iyo hantida dadyowga Somalida xorta ah kana jeestaan inay xorraystaan dhulkooda, isku-Dul-noolaashahaas oo maanta si cad uga muuqata Fadaraalka Somaliweyn ee Somalia

Xaqiiqada Nuxurka Dalalka Adduunka Saddexaad

Sida lala wada socdo taariikhda, Gumaystayaashii Reer Yurub ee qabsaday Qaaradaha Afrika, Aasiya, iyo Koonfur Amerika waxaa midkastaba qaytay dhulal iyo dadyow uu mid kasta u samaystay xuduudo u gaar ah. Xuduudahaas laguma salayn degaan beeleed ama jinsi ee waxaa lagu saleeyay dhul taas oo sababtay in beel isku abtirsiimo ah ama dad isku jinsi ah ay ka kala tirsanyihiin dhawr dal. Qaaradda Afrika waxaa halgamadii xornimada kadib ka soo baxay dalalka kala ah : Somaliland, Somalia (Oo midow yeeshay xornimadii ka dib), Algeria, Angola, Benin, Botswana, Burundi, Cameroon, Congo, Egypt, Gabon, Gambia, Ghana, Guinea, Kenya, Lesotho, Liberia, Madagascar, Malawi, Morroco, Libya, Tunisia, Mali, Mauritania, Nigeria, Zambia iwm. Qaaradda Aasiya waxaa ka soo baxay dalalka kala ah: Bahrain, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Oman, Qatar , Saudi Arabia , Syria , Tunisia , United Arab Emirates, Yemen, Burma, Pakistan, India, Afghanistan, Cambodia, Indonesia, Malaysia, Mongolia, Japan, Laos, South Korea, North Korea iwm. Qaaradda Koonfur Amerika waxaa ka soo baxay dalalka kala ah: Bolivia, Brazil, Chile, Colombia, Ecuador, Guyana, Paraguay, Peru, Suriname, Uruguay, Venezuela iwm. Sida ummadaha kale ee Afrika, Aasiya, iyo Koonfur Amerika ku dhacday, waxaa dadyowga Somaliyeed ee ku nool Geeska Afrika loo qaybiyay 5 meelood kuwaas oo kala ahaa: Somaliland iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya oo ay saami ahaan u heshay Boqotooyadii Ingiriiska (1884-85 ) ka dibna Ingiriisku siiyay Kenya Gobolka Waqooyi Bari sannadkii 1963, Somalia oo ay saami ahaan u heshay dawladdii Talyaaniga (1889 ), Jabuuti oo gacanta u gashay Faransiiska (1862-1885 ), iyo Somali-Galbeed oo ay ku tuuntuunsatay Boqortooyadii Itoobiya oo Ingiriisku gacanta u geshay.

Markii laga xoroobay Gumaystayaashii Reer Yurub, waxaa qaranimada, dawladnimada, iyo aqoonsiga dalalka Afrika, Aasiya, iyo Koonfur Ameerika lagu saleeyay xuduudihii uu isticmaarku u jeexay dal kasta. Arrintaasu waxay meesha ka saartay inaan dalna ku xad-gudbikarin dal kale oo sheegankarin dhul iyo dad ka tirsan dal kale. Halkaas waxaa ka cad in Qaramada Midoobay, Ururka Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Koonfur Ameerika, iyo Ururka Aasiya aanay samaysan xuduudaha dalalkooda balse ay dhammaan xuduudaha sameeyeen Gumaystayaashii Reer Yurub sidaasna caalamku ku aqoonsanyahay

Nabadgelyada Afrika, Aasiya, iyo Koonfur Ameerika waxay ku dhisantahay ixtiraamka, dhawrista iyo u hoggaansanka xuduudaha ay ka dhaxleen Gumaystayaashii Reer Yurub isla markaana Qaramada Midoobay aqoonsantahay. Haddii dal ka tirsan Qaaradahan uu sheegan lahaa beel iyo dhul dal kale ka tirsan waxaa hubaal noqon lahayd in Qaaraddahan aanay jireen maanta oo ay ku wada habsanlahayd masiibo dagaallo aan damin. Xuuduudaha Adduunka Saddexaad (Afrika, Aasiya, iyo Koonfur Ameerika) kuma salaysana abtirsiimo balse waxay ku salaysanyihiin dhul. Dal kasta waxaa dega Beelo kala duwan oo isku xuduud iyo qaran ah mana jiro dal ka kooban beel qudha.

1. Tusaalaha Degaanka Qaar Beelaha Afrika

– Beesha Fulani: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Sudan, Senegal, iyo Cameron.

– Beesha Hausa: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Nigeria iyo Niger.

– Beesha Yoruba: Beeshanu waxay kala degtaa wadamada Nigeria iyo Benin.

– Beesha Bobo: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Burkino Faso iyo Mali.

– Beesha Maasai: Beeshanu waxay kala degtaa wadamada Kenya iyo Tanzania.

– Beesha Berbers: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Morocco, Tunisia, Algeria iwm.

-Beesha Hawiyaha: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Somalia, Kenya, iyo Ethiopia.

– Beesha Isaaqa: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Somaliland, Jabuuti, Ethiopia, iyo Kenya.

– Beesha Daaroodka: Beeshanu waxay kalaa degtaa dalalka Somalia, Somaliland, Kenya, iyo Ethiopia.

– Beesha Ciisaha: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Jabuuti, Itoobiya, iyo Somaliland.

– Beesha Samaroon: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Somaliland, Itoobiya, iyo Jabuuti.

-Beesha Digil iyo Midhif: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Somalia, Kenya, iyo Ethiopia.

– Beesha Gabooyaha: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Somaliland, Somalia, iyo Itoobiya.

– Beesha Carabta Somalida: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Jabuuti, Somaliland, iyo Somalia.

– Beesha Banaadiriga: Beeshanu waxay degtaa Somalia.

2. Tusaalaha Degaanka Qaar Beelaha Carabta

– Beesha Qaxdaan: Beeshanu waxay kala degtaa Yaman, Marooko, Suuriya iwm.

– Beesha Banu Riya: Beeshanu waxay kala degtaa Aljeeriya, Liibiya, Marooko iwm.

– Beesha Banu Khaalid: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Jordan, Suuriya, Kuweyd, iyo Falastiin

– Beehsa Cajmaan: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Sacuudiga, Qadar, Imaaradka iyo Kuwait.

– Beesha Abu Qasaan: Beeshanu waxay kala degtaan dalalka Yaman, Jordan, Suuriya iyo lubnaan

3. Tusaalaha Degaanka Qaar Beelaha Koonfur Ameerika

– Beesha Guarani: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Paraguay, Uruguay, Brazil, Bolivia, iyo Argentina.

– Beesha Tupi: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Paraguay, Brazil, Bolivia, Peru, iyo Argentina.

– Beesha Ticuna (Tikuna): Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Brazil, Peru, iyo Columbia

– Beesha Charrua: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Uruguay, Argentina, iyo Brazil.

– Beesha Aymara: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Paraguay iyo Brazil.

– Beesha Ayoreo: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka Paraguay iyo Bolivia.

Figradaha Carabweyn iyo Somaliweyn

Kacdoonadii iyo halgamadii xornimadoonka ahaa ee ka kacay Afrika iyo Aasiya kontameeyadii iyo lixdameeyadii (1950s and 1960s) waxay inta badan ku salaysnaayeen hilow wadaninimo iyo himilo weyn. Qaar ka mid ah dadyowgii gumaystuhu kala qaybiyay waxay hiyiga ku hayeen inay midoobaan oo la hoos keeno hal calan iyo hal dawlad. Dalalka Carabta waxaa ka jiray aragtida Carabweyn ( Midaynta dalaka Carabta ee kala ah: Algeria , Bahrain , Egypt , Iraq, Jordan, Kuwait , Lebanon , Libya , Morocco , Oman , Qatar , Saudi Arabia , Syria , Tunisia , United Arab Emirates , Yemen, iyo Sudan) taas oo uu hormood ka ahaa dalka Masar oo uu hoggaaminayay Jamaal Cabdi Naasir. In kasta oo madaxdii kala geddisanayd ee Carabtu dhabarka u jeedisay Falsafaddii Carabweyn xukun jacayl iyo qabyaalad awgeed, ayaa waxaa Jamaal Cabdinaasir ku guullaystay sannadkii 1958 inuu mideeyo dalalka Masar iyo Suuriya. Midowgaas ma raagin oo waxa uu burburay 1961 markii Suuriya ka baxday si lama filaan ah, sidaasna waxaa ku fashilmay Aragtidii Carabweyn ee bilowga ahayd.

Sidaas oo kale, waxaa Geeska Afrika ka soo shaac-baxday Aragtidii Somaliweyn. Aragtidaas xoogeedu waxay bilaamatay badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Dunida (1939-1945). Halgamadii xornimadoonka ee dadyowgii Somalida ee ku noolaa Geeska Afrika oo ay kala hoggaaminayeen Ururkii SNL iyo SUP ee Somaliland, iyo Ururkii SYL ee Somalia waxay hilowga himaladoodu iyo riyaaqooda wadaninimo ahayd in la xoreeyo, mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed si loo helo dawladweyn oo Somaliyeed oo ka dhalata Geeska Afrika. Somaliland ayaa waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee Somaliyeed oo xorooba isla markaana hirgesha figradda Somaliweyn. Markii Somaliland ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska Bishii June 26dii, 1960 waxay markiiba la midowday Somalia oo ka xorowday dawladdii Talyaaniga bishii July 1dii, 1960. Nasiib-darrose waxaa dhacday laba arrimood oo burburiyay himiladii Somaliweyn sidii Carabweyn ay u burburtay. Waa midda kowaade, Dalka Jabuuti ayaa markii uu xornimada qaatay 1977 diiday inuu ku soo biiro Somaliweyn isla markaana noqday dawlad madaxbanaan kadib markuu arkay in Somalia ka duudsiday Somaliland qaybtii ay ku lahayd midowgii dhexmaray. Waa midda labaade, Somaliland oo ka noqotay midowgii ay la lahayd Somalia 1991 ka dib markii Somalia kula kacday Somaliland dulmi iyo tacadiyo ka baxsan Islaamnimada iyo Somalinimada mudadii uu jiray midowgu (1960-1990). Waxaa lagu maahmahaa, “Dambas aadan ku guban dabkiisa kama baydhid”. Somaliland waa ku gubatay midowgii waana ka noqotay. Somaliland iyo Somalia ma ahayn labadii dal ee midowgoodu burburo. Waxaa sidaas oo kale burburay Midowgii Masar iyo Suuriya sannadkii 1961, Midowgii Sofiyatka sannadkii 1989 iyo Midowgii Fedaraaalka Yugoslavia sannadkii 1995,

Maanta dadyowga Somalidu waxay u kala fadhiyaan 5tii meelood ee gumaysigu u qaybiyay sida dalal badan. Somaliland, Jabuuti, iyo Somalia waa xor. Somali Galbeed iyo Somali Waqooyi Bari waxay kala raacsanyihiin Itoobiya iyo Kenya. Saddexda xorta ah ma muuqato inay midoobi. Labada la haysto ma muuqato goor ay xoroobi, haddii ay xoroobaanna ma muuqato inay aaminsanyihiin figradda Somaliweyn. Sababta ay Somaliweyn u fashilantay waxa weeye Somalida oo si fool xun sida Carabta u aaminsan QABYAALADDA IYO XUKUN-JECEL taas oo kala weyn islaamnimada iyo wadaninimada. Somalidu waxay isku dishaan iskuna xasuuqdaa magac qabiil taas oo ka baxsan Diinta Islaamka oo caddaynaysa in qofka lagu dilikaro oo qudha marka uu qof kale u dilo kas si loo ilaasho maslaxadda bulshada. Sidaas awgeed Somalidu way kala aamin-ka-baxday. Kala aamin-ka-baxaas  ayaa noqday maanta wedka figradda Somaliweyn.

Dadyowga Dalalka Somalida ee xorta ah awood uma laha inay xorreeyaan labada gobol ee Somaliyeed ee ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya balse niyad ahaan iyo maadi ahaan ayay u taageerikaraan. Waxaa xorraynkara oo qudha Somalida u dhalatay gobolladaas sida ay isku xorreeyeen dadka Koonfurta Sudan. Markii Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia ee ka koobnayd Somaliland iyo Somalia ay ku duushay Itoobiya sannadkii 1977 si ay u xorrayso Somali Galbeed waatii adduunku ku kacay kuna khasbay inay ka baxdo xuduudda Itoobiya kuna noqoto xuduudeeda, dagaalkaas oo dhaqaale iyo ciidanba lagu burburay.

DHibaatada Figradda Somaliweyn Ku Hayso Somalida Xorta Ah

Dawladdii Rayidka ahayd ee Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia kuna midoobeen Reer Waqooyiga iyo Reer Koonfurta, jirtayna mudada 9 sano ahayd (1960-1969) waxay ahayd mid ay lahaayeen labadii ummadood ee midoobay 1960 inkasta oo Reer Waqooyiga laga duudsiyay sedweyn oo ay ku lahaayeen dawladnimadaas. Madaxdii xilligaas waxay ka ilaaliyeen dawladnimada inay noqoto mid loo loogo 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) ee aan wada lahayn si looga hortago fawdo ka dhalata dal iyo dawladnimo aan la kala lahayn.

Markii Siyaad Barre Afgembiga Milatari ku qabsaday Jamhuuriyaddi Somalia sannadkii 1969 waxa uu dawladnimadii ka dhaxaysay Reer Waqooyiga iyo Reer Koonfuta ka dhigay mid aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed. Waxaa uu u gacan-haadshay dadkii beeshiisa guud ka tirsanaa ee deganaa Gobolka Somaliyeed ee Itoobiya iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya. Waxaa uu ka dhigay Gole Sare, baarlaman, wasiirro, guddoomiyayaal gobollo, janano, taliyayaal ciidan iwm. Dadkii gobolladaas ka yimid ee qabsaday dawladnimadii Jahuuriyaddii Somalia waxay dadkii dalka u dhashay kula kaceen cadaadis siyaasadeed waxayna si weyn uga qaybgaleen dilkii, xasuuqii, iyo burburkii loo geystay dadkii iyo dadkii Jamhuuriyaddii ay martida ku ahaayeen. Qaxootigii ayaa noqday wadani, wadanigiina waxaa uu noqday qaxooti. Anigoo ahaa muwaadin u dhashay Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia waxaa15 sano madaxa iiga joogay niman madax laga dhigay oo ka yimid Somali Galbeed. Waxaa la iga reebay dadkii aanu isku wakhtiga ahayn iyadoo la iigu eedaynayo wax lagu magacaabijiray “Kacaan-diid”, taas oo runtii ahayd ka soo horjeed xukun qabiil. Waxa uu ahaa xilli daran oo qabyaaladdu ka xoog-roonaatay oo legaday wadaninimadii iyo qaranimadii Jamhuuriyaddii Somalia oo loo loogay loona shidheeyay Somaliweyn aan wax wada lahayn. Ninka Reer Masar ah ee gala Jordan ama dal kale oo Carbeed marnaba u suurtoobimayso inuu ka qabto jago wasiir, jago taliye ciidan ama mas’uuliyad kale.

Somalia (Koonfurta) waxaa maanta ka dhacaya waxyaabo la yaab leh. Kismaayo waa magaalo madaxda Jubbada Hoose ee Somalia oo ah dal xor ah. Waxaa la xaqiijinayaa in hogaamiyaha iyo milliishiyada Kismaayo qabsaday ee ka soo horjeeda dawladda Somalia ay ka soo jeedaan Somalida Kilinka 5aad ee Itoobiya iyo Waqooyi Bari Keenya. Waxaa kale oo jirta in baarlamaanka iyo wasiirada Somalia ay ka kala socdaan 5ta Somaliyeed laguna magacaabo Fadaraalka Somaliweyn. Dadka xukuumadda Somalia la dabajooga markasta mooshinka lagu ridayo ee Somalia ka degila’dahay sida xukuumadda Talyaaniga waa xubno baarlamaan iyo wasiirro ka soo kala jeeda Kilinka Shanaad ee Itoobiya, Waqooyi Bariga Keenya, iyo Somaliland, mooshinadaas oo ku salaysan qabyaalad ama laaluush-raadin. Jagooyinka dawladda iyo Xubnaha baarlamaanka ee lagu magaacabo Fadaraaalka oo ku salaysan Somaliyweyn waa kuwo laga duudsiyay dadka Somalia (Koonfurta) oo xaq u leh inay iyagu maamushaan dalkooda, dadkooda, badooda, iyo hawadooda. Dhawaan waxay Beesha weyn ee Xawaadle ee degta Gobolka Hiiraan sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay dawladda Somalia oo aanay ku lahayn wax muuqda oo ay filaysay sababta oo ah waxaa saamigeedii loo loogay Somaliweyn aanay waxba kala dhaxayn, waxaana dhibaatadaas la qaba beelo kale oo badan oo u dhashay Somalia. Maanta kuwa Somaliweyn aan jirin u qaylinaya waxaa u badan Somalida ka tirsan Itoobiya iyo Kenya waayo waxay ku mameen hantida iyo xukunka Somalida Xorta ah laga soo bilaabo xukunkii Siyaad Barre. Sidaas waxaa ku cad in Somaliweyn noqotay maanta siyaasad la isku dul-noolaado, siyaasad kuwa aan xorta ahayn ku soo gabbadaan magaca Somaliweyn si ay u soo galaan Somalida xorta ah oo ay u dulmiyaan kana jeestaan inay xorraystaan dhulkooda.

Nabadgelyo la’aanta maanta Somalia (Koonfurta) ka jirta waxaa u sabab ah hugun Somaliweyn aan jirin oo u diidan in dadka Somalia gacantooda ku maamushaan dawladnimadooda soona ceshaan nabadgelyadooda. Somalia waxaa leh dadka Somalia waxaana ku waajib ah madaxdeeda, siyaasiyiinteeda, madaxdeeda dhaqanka, iyo indheer-garadkeeda Somalia inay ka baxaan hugunka aan jirin ee Somaliweyn oo gacanta ku dhigaan aayaha ummadooda iyo dalkooda iskana eryaan kuwa ku soo galay dalkooda magaca Somaliweyn oo isku taxay jagooyin aanay xaq u lahayn isla markaana guranaya maalkooda si ay daaro uga dhistaan gobollada ay ka soo jeedaan. Haddii ummadda Somalia aaminsantahay in Hugunka Fadaraalka Somaliweyn ee Mqudisho ka jira uu u keenayo Somaliland waa wax aan marnaba dhacayn waana ku gef ummadda Somaliland in dalkeeda oo ay xukunto ku tuurto fawdada ka jirta Somalia. Dulmiga iyo tacadiyada Somalia u geysatay Somaliland xilligii midowga ka sokow, waxaa kale oo Somailand aanay marnaba ula midoobayn Somalia waa dawladda fawdada ah ee aan la kala lahayn kuna salaysan Somaliweyn aan jirin maanta lana garanayn inay rumoobi iyo in kale. Nabadgelyada iyo horumarka maanta ka jira Somaliland iyo Jabuuti waxaa sabab ah dawladnimada oo ku jirta gacanta dadka iska leh oo ka ilaaliya Somaliweyn aan jirin. Dadbaa aaminsan in haddii qofku diido magaca Somaliweyn uu ka baxayo Somalinimada. Somaliweyn Diin maaha balse waa aragti aan maanta jirin laakiin Somalinimo waa jinsi jira oo ka dhaxeeya 5ta Somaliyeed oo astaan u ah inuu dawladahooda dhexmaro xidhiidh walaaltinimo iyo sokeeye. Waa Billaahi Towfiiq.

Waxaa Qoray: Ibrahim Hassan Gagale

Email: ibrahim_hg@yahoo.com

Taariikh: June 6, 2013.