FAALLO: Dhakhaatiirta Iran maxaa ka khuseeya Dekedda Berbera iyo Beeraha Somaliland?

Waxa caasimada Hargeysa soo gaadhay 22kii bishan dhakhaatiir ka kooban toban xubnood oo u dhashay dalka Iran, gadhwadeena u ahaayeen shirkad ganacsi oo dalka ka hawl-gasha. Waxaana la sheegay inay  wax ka qaban doonaan caafimaadka iyo beeraha, waxaanay soo kormeereen dekeda Berbera.

Haddaba, imaatinkii kooxdan dhakhaatiirta ayaa isagoo ka hadlaya masuul ka tirsan shirkadda suurto-galisay imaanshahooda, waxuu sheegay, in laba nin oo sahan ah hore u yimaadeen Somaliland oo markii ay indha-indheeyeen, kuna qanceen nabadgelyada dalka soo direen kooxdan. Waxaanay wax ka qaban doonaan caafimaadka iyo xaga beeraha. “Hawshani waxay ku timi markii Soomaaliya loo qeyliyey in la caawiyo ayaan hadaan nahay (Shirkadda), maadaama aan Soomaaliya ka mid nahay sidii qeybteena loo heli lahaa ayaan ka hawlgalay. Waanan ku soo guulaysanay inaan qeybteeni soo helo. Dalka way degi doonaan, dhamaan deegaamada dalka ayey soo arkayaan. Wasiirada Caafimaadka iyo beeraha waanu la kulanay, aadna way noo soo dhoweeyeen,” ayuu yidhi masuulka shirkadda u hadlay

Dhakhtar magaciisa ku sheegay Mansoor al Nasir, oo u hadlay ayaa sheegay, Inay yihiin koox dhakhaatiir reer Iran ah, “Dhamaan waxaan ka soconaa Imaan Khumayni relief Foundation. Waan u mahadnaqayaa Ismaaciil, kaalmadii u ka geystay imaatinkayaga Somaliland, waxaan ka kooban nahay dhakhaatiir takhasus ah iyo kalkaaliyeyaal, dawooyina waan sidnaa. Somaliland waa dal fiican, waan booqday dekeda Berbera, waxaad leedahiin bad wanaagsan. Sababtaan u nimi waa inaan caawino walaalahayaga Soomaalida, sidaa ayaan halkan u nimi.”

Ninbaa laga hayey xaajaba la’ yaab lehe, bal aan qodo xabaalaha,

  • Isweydiinta koowaad waxay tahay, muhiimada shirkadan ganacsi ee Star Group ka leedahay keenitaanka dhakhaatiirtan, mise sida ay xaqiijiyeen, waxay nimankani inoo haystaan inaan qeyb ka nahay Soomaaliya, sidaana ku joogaan? Mise hadaf qarsoon ayey la fulinayaan?
  • Maxaa keenay in niman dhakhaatiir caafimaad lagu sheegay uga hadlaan arrimaha beeraha,  dalkoo dhana u soo mari doonaan?
  • Sida uu sheegay ninka u hadlay kooxdan dhakhaatiirta ah maxaa ka khuseeya booqashada dekeda Berbera iyo ka hadalka bada wanaagsan ee Somaliland leedahay?
  • Ma jiraa xidhiidh ka dhexeeya imaatinka kooxdan ujeedada dahsoon ee Iran iyo samaysanka ururo diimeed dhowaanahan ku dhawaaqayey inay doorashooyinka ka qeybgeli doonaan, isla markaana shuruucdeena doorashooyinku ogolayn?

Dalka Iran oo siyaasadahiisa caawimadu inta badan dabada ku hayso faafinta mabda’ooga shiicada, hadaanay hadafkooda imaatinku dhinacaa ku waajahnayn, ama hoosta ka abaabulayn samaysanka ururo diimeed lagu kala dhantaalo xasiloonidii dalkan, ama sida dadka qaarkood sheegayaan u socon gurashada macdanta Yuraaniyam oo dalkeena lagu sheego, waxa loo baahan yahay masuuliyiinta xukuumada ee ay khusayso inay faahfaahin buuxda ka bixiyaan ujeeddada imaatinka kooxdan reer Iran.

Ugu danbayn, waxaan bulshada reer Somaliland kula talin lahaa in fiiro gaar ah loo yeesho ujeedooyinka aan caddeyn ee kooxdan dhakhaatiirta reer Iran, hay’adaha ay kusayso ee xukuumaduna fiiro gaar ah u yeeshaan sidii ujeedada dhabta ah ee kooxdan u ogaan lahaayeen, si talaabada ku haboon looga qaato.

Maxamuud Cali

Hargeysa, Somaliland