Faa’iido aanay Jabuuti ka helin heshiiska DP World oo Somaliland ugu jirta – W/Q: Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleye).

Guud ahaan heshiisyada maalgashi ee laba dhinac ama wadan wada galaan caalamka waxay maraan dariiqyo sharciyeed oo isku mid ah, habba ku kala duwanaadaan qaababka loo qeybsanayo dhaqaalaha ka soo baxa, oo ku imanaya sida loo kala bixiyo marka hore dhaqaalaha lagu maalgelinayo, balse, waa mid ay ugu jirto danno u gaar ah daneeyaasha heshiiskaa, isla markaana mid walba ka dhex arkayaan.

Hadaan u soo noqdo mowduuca heshiiska maalgashi ee dhowaan shirkada DP World iyo xukuumada Somaliland ku wada galeen maalgashiga iyo casriyeynta dekeda Berbera inkastoo uu yahay mid maraya dariiqyada aynu soo sheegnay ee loo diyaariyo heshiisyada maalgashiga caalamiga,  haddana, xaqiiqadii, waxa jira faa’iidooyin badan heshiiskani u leeyahay Somaliland, marka la barbardhigo heshiiskii shirkada DP World hore ula gashay dalka Jabuuti ee lagu dhisayey dekeda Dooraale.

Sida ku cad daraasad Baanka Standard Chartered ee laga leeyahay dalka Ingiriisku ka diyaariyey heshiiskii maalgashi ee shirkada DP World iyo dawladda Jabuuti wada saxeexdeen ee ku saabsan dekeda Dooraale oo dhaqaale gaadhaya $263 milyan dollar lagu maalgeliyey, socona doona muddo soddon sannadood ah, oo faa’iidada u kala qeybsanayey dalka jabuuti 66.7% halka DP World qaadan doonto 33.3%, maadama dalka Jabuuti isagu soo amaahanayey dhaqaalaha ku baxaya mashruuca dhismaha dekeda Dooraale, laakiin, heshiiska DP World iyo Somaliland waxa masuuliyada keenitaanka dhaqaalaha maalgashigu saaran yahay shirkada DP World, sababtaa darteed waa khasab in marwalba ka qaataan saami badan qeybsiga dhaqaalaha iyo maamulka mudadda heshiisku soconayo, si la mid ah sababtii Jabuuti u qaadatay saamiga badan qeybsiga dhaqaalaha iyo maamulka dekedaba.

Haddaba, inkastoo nidaamka loo diyaariyey heshiiskii DP World la gashay dalka Jabuuti iyo ka imika dhexmaraya Somaliland  aanu jirin farqi u dhexeeya, marka laga reebo in dhinaca keenaya dhaqaalaha maalgashigu qaato saami badan qeybsiga dhaqaalaha iyo maamulka, ayaa dhinaca kale, faa’iidooyinka heshiiska DP World ugu jirta Somaliland een Jabuuti ka helin ayey ka mid yihiin:

  1. Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha dekeda Dooraale oo gaadhaya $263 milyan dollar waxa soo amaahatay dawlada Jabuuti, oo todoba baan iyo shirkado caalami ah bixiyeen, laakiin, dhaqaalaha maalgashiga dekeda Berbera gebi ahaanba waxa xilqaaday bixintiisa shirkada DP World, taasoo culays weyn iyo caqabad weyn ka furatay xukuumada iyo shacabka Somaliland, hadii la odhan lahaa soo amaahda.
  2. Heshiiska maalgashiga DP World iyo Somaliland shaqo abuur iyo korodh dakhli ayey ka heli doonaan kumanaan  muwaadiniinta reer Somaliland ah dhaqangalka heshiiskan casriyeynta iyo balaadhinta dekeda Berbera iyo adeegyada ka dhalan doona bilowgan heshiiska, hadday tahay wakiilada maraakiibta, shirkado gaadiidka xamuulka, iyo adeegyo kale, si ka duwan Jabuuti oo dad gaadhay kun qof ka heleen shaqo abuur, maadama Somaliland tahay dal ka balaadhan kana dad badan Jabuuti.
  3. Heshiiska DP World iyo Somaliland waxay shacabka Somaliland ka heli doonaan fursad lagu maalgashado kheyraadka dabiiciga ee dalkooda Ilaahay ku mannaystay ee dhinacyada kala duwan leh, hadday tahay beeraha, Macdanaha, shidaalka, xoolaha, cimiladda cadceeda, oo aanay ka helin dalka Jabuuti maadama aanu lahayn kheyraad sida Somaliland ah, sida xilliganba uu socdo heshiisyo kala duwan oo wadamada Somaliland iyo dalka Imaaraadka carabta wada saxeexan doonaan, kana mid yahay maalgashi ay ku samaystaan dhul beereed deegaanada dalka ah oo midhaha ka soo baxa a qaadan doonaan, halka deegaano kalena intay beeraan midhaha ka soo baxa xukuumada Somaliland iyo shaabkeedu yeelan doonaan, taasoo marwalba shacabka Somaliland ka heli doonaan fursado shaqo iyo koboc dhaqaale, taasina waxay sahli doontaa inuu kordho dhaqaalaha dalka iyo dadka Somaliland.
  4. Heshiiska DP World iyo Somaliland ee maalgashiga Dekeda Berbera faa’iidooyinka shacabku ka helayaan wax ka mid ah in dakhliga dalkooda gelayaan 5 milyan iyo saamiga dhaqaalaha ka soo baxa adeegyada dekedu qabato, dhaqaalaha oo aad uga badan inta xilligan bil walba dekedeenu soo saarto, waxa sidoo kkale la kordhaya kharashkii cashuuraadka badeecadaha ee kastamka Berbera qaadi jiray, taasoo fursadahaa aanay ka helin Jabuuti, maadama ay hore u ahaayeen dal dekedahiisa la maalgeliyey.
  5. Heshiiska DP World iyo xukuumada Somaliland waxay ugu jirta faa’iido shacabka Somaliland, maadama uu yahay kalsooni caalamku siiyey amaanka iyo nabadgelyada ka jirta dalka iyo sida xukuumada Somaliland iyo shacabkeedu u hanteen xudoodahooda, waxaanu heshiiskani noqday mid indhaha caalamka u soo jeediyey maalgashedayaasha caalamka in wadanka Somaliland yahay mid qaangaadhay oon looga werwer hanti kastoo lagu maalgashado inay lunto   taasoo aanay ka helin Jabuuti, maadama hore u hayteen.
  6. Heshiiska DP World iyo xukuumada Somaliland waxuu bilow wanaagsan u yahay dariiqii maalgashi ee Somaliland helo, taasoo ah ujeedada koowaad iyo fursad dahabi ah oo shacabka Somaliland raadinayeen tan iyo mudadii dib loola soo noqday madaxbanaanida Somaliland, waxaanu albaabka u furayaa inay ku deydaan maalgashedayaasha caalamka oo xilliganba u bilaabmay ifafaalahoodu, taasoo aanay ka helin Jabuuti, maadama ay ahaayeen dal hore u heli jiray.

Inkastoo sunnaha aduunyada ay tahay in wax kastoo la bilaabo laga filan inuu dhamaystir noqdo, maadama taasi khilaafsan tahay sunnaha abuurka aduunyada, ilayn waa sida ilmaha dhashay, inuu gaashaanqaad ku dhasho, ay tahay waxaan la arkayn, ama la filan karine, haatan heshiiska DP World iyo xukuumada Somaliland ee casriyeynta iyo balaadhinta dekeda Berbera in kastoo ay jiraan shaqsiyaad dhaliil u jeedinaya, waxaan odhan lahaa, hirgelinta heshiiskani waa mid dalka iyo dadka Somaliland ugu jirto faa’iido iyo fursado aynu dhaqaalaha caalamka helitaankiisa kaga qeyb noqon karno, dadka dhaliilayana waxaan odhan lahaa, haddaydaan danno shaqsiyeed ama  sababo kale ku diidanayn, ma arko waxaad ula mabda’ noqotaan dadka ama dawladaha jaararka qaarkood ee sida weyn uga soo horjeeda hirgelinta heshiiskan, una maray daqiiqyo kala duwan dibin-daabyeyntiisa, oo xitaa qoraalo ay ku diidan yihiin u gudbiyey shirkada DP World, laakiin ku hungoobay.

Odhaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Waxii rag u kaco, Rabbina aqbalo, waa Rumoobaan” haatan shacabka Somaliland iyo xukuumadoodu waa u diyaar inay ka midho-dhaliyaan qorshahooda higelinta heshiiskan casriyeynta iyo balaadhinta dekeda Berbera iyo kuwo kaloo hore iyo dambaysaba loogu horumarinayo kheyraadka dalka, uguna abaalcelin doonaan  cid kastoo kala qeybqaadatay taageero shaqsiyaad iyo wadannada jaarka qaarkoodba, marka ay gaadhaan goosashada midhahii dedaalkooda iyo wakhtiganba, ee waxaan ugu nasteexayn lahaa luwa weli baala-deymoonaya ama  xisbiyada qaranka inta aan mowqifkooda heshiiskan caddeyn in   bulshada Somaliland ee codkooda ay doonayaan, ama la deegaan yihiin u  diyaargaroobeen soo dhoweynta iyo difaacida maalgashi dalkooda lagu sameeyo, hadaad ka horimanaysaan idinkaa u xor ah fikirkiina, ogaase Libaax nin gannay iyo nin galladay kala og, shacabkuna waa sidaa.