Faa’iiddad Ololaha Waxa Ka badan Khasaaraha Uu Gaadhsiinayo Dhaqanka Suuban Ee Diinta Iyo Dhaqaalaha Bulshadda-W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Aniga oo aan marnaba jeclayn in aan ku dhex milmo siyaasadda xisbiyadda ee reeraha ku dhisan, isla markaana aan hal mar la iga maqlayn in xisbi hebel la taageero ama la doorto, weliba waxa taas dheer wakhtiyadda doorashadda oo xammaasada iyo kacsanaanta xisbiyadu iska sarayso, in haddana wixii wanaag iyo horumar iila muuqda, bulshadda inta wanaaga iyo horumarka dalka iyo dadkaba jecelina ila arkayaan in aan wax ka tilmaamo.

Haddii aan hoos ugu soo daadego qormadan aan u bixiyey “Faa’iidada ololaha waxa ka badan khasaaraha uu gaadhsiinayo Dhaqanka suuban ee Diinta iyo Dhaqaalaha Bulshadda”, sida aynu wada ognahay waxa maalintii sabtida ahayd ee 21-oktobar-2017 si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan gobollada iyo magaalooyinka Somaliland ololihii doorashada madaxweynaha mustaqbalka dhaw ee Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland, sida guddida doorashooyinka Qaranka ee maamulka doorashooyinka gacanta ku hayaa waxay sheegeen in ololaha u muddeeyeen 21 beri oo 7 beri oo kasta uu leeyahay xisbi ka mid ah xisbiyadda saddexda ah ee ka qayb gelaaya doorashada.

Ololaha doorashadu waa baaq ay soo bandhigaan xisbiyadu si ay ugu helaan taageero iyo cuddud ay ku hantiyi karaan madaxtinimadda dalka, hoggaamiyeyaasha xisbiyada gaar ahaan musharixiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu ay usoo bandhigaan bulshadaas iyo taageerayashaas isasoo urursaday habka ay dalka u maamulayaan iyo horumarka ay gaadhsiinayaan.

Inta badan Ololaha doorashooyinka waxa 90% ka qayb qaata bulshado u badan dhallinyaro iskugu jirta Rag iyo Dumar, waxaana sida la ogyahay ku yar bulshada inta odayaasha ah, sidoo kale dhallinyarta raga iyo dumarka ah waxa kale oo ku jira oo ah kuwa ugu badan inta aan waxbarasho ama shaqo ay ku mashquulaan aan haysan ee bulshada ka midka ah.

Ololahu inta uu socodo waxa maalin kasta awoodiisa iyo cuddudiisa taageero ee uu dalka ku dhex haysto soo bandhiga xisbi gaar ah oo ka mid ah xisbiyadaas saddexda ah, cuddudaas waxay xisbiyadu ku bixyaan lacag iyo hanti badan sida gaadiidka ololaha oo aad u badan, calamadda iyo astaamaha musharixiinta ama xisbiyadda oo aad u badan, cod baahiyayaal aad u badan iyo lacag badan oo lagu bixiyo hudheelada iyo goobaha la iskugu soo baxayo.

Haddii aan laba qodob u kala qaado qormadan, aan marka  hore ka hadlo faa’iidada ololuhu u leeyahay Xisbiyada iyo Bulshada labadaba, qodobka labaadna waxaan kaga hadli doonaa faa’iido darrida uu ololuhu u leeyahay Bulshada gaar ahaan Dhaqanka iyo Dhaqaalaha.

Faa’iidada Ololahu u leeyahay Xisbiyadda Iyo Bulshada taageerayasha u ah:

Faa’iidadda Xisbiyadda uu u leeyahay:

  1. Ololaha marka laga hadlaayo wuxuu faa’iido buuxda u leeyahay xisbiga qabanaaya iyo musharaxiintiisa u tartamaaya madaxtinmada Dalka.
  2. Ololuhu waa goob ay musharixiintu ku hantiyaan cuddud iyo taageerayaal aad u badan, oo ay cod ka heli karaan maalinta doorashada.
  3. Ololuhu wuxuu xisbiyada u yahay goob ay ku gudbiyaan fikradaha iyo talooyinka ay kaga duwan yihiin musharaxiinta kale ee doorashada la tartamaaya.
  4. Ololaha waxay xisbiyaddu ka dhigtaan dhoola tus ay u muujiyaan xisbiyada kale iyo taageerayaashooda, waana goobta keliya ee ay iskugu faanaan xisbiyadu.
  5. Ololuhu waxa uu xisbigu uga faa’iidaystaa in uu tageerayshiisa u faanno isla markaana waa goob uu musharuxu ku dhaliilo xisbiyada kale ee la tartamaaya.

 

Faa’iidadda uu Bulshada u leeyahay:

  1. Ololuhu waa goob ay taageerayasha xisbigu kusoo bandhigaan taageeradooda ay la garab taagan yihiin xisbigaas iyo musharixiintiisa doorashadda.
  2. Ololuhu waa goob ay bulshadu gaar ahaan taageerayaasha xisbigaasi ku helaan fikradaha ay aaminsanyihiin musharaxiinta xisbiga ay taageerayaan iyo wax ay kaga duwan yihiin musharaxiintu kuwa xisbiyada kale u tartamaaya.
  3. Qayb ka mid ah bulshada ololaha xisbiyada ka qayb gashaa waxay ka helaan lacag, taas oo musharaxiinta ama xisbiguba ku bixiyo sidii ay goobtaas u iman lahaayeen.

Haddii aan qodobadaas dhawrka ah ku dhaafo faa’iidada ololuhu u leeyahay Xisbiyada iyo Bulshada taageeraysa labadaba, bal aan eego dhanka kale faa’iido darrida uu ololuhu ku hayo Dhaqanka Iyo Dhaqaalaha, taas oo aan sheegay in faa’iido darrida Dhaqan dhaqaale ee ololuhu uu ka badan yahay inta uu doono faa’iidada ay Xisbiyada iyo taageerayaashu ka helayaan.

 

Faa’iido darrida Ololaha  ku leeyahay Dhaqanka suuban ee Diinta iyo Dhaqaalaha soo kobcaaya ee Bulshadda.

Faa’iiddo darrida Dhaqanka suuban iyo Diinta

  1. Ololuhu waa goob ay isku dhex galaan dhallinyaro aad u badan oo iskugu jira Rag iyo Dumar, taas oo aan diinta islaamka iyo dhaqanka suubani ogoleyn weliba si adag u xaaraantimeeyeen.
  2. Ololuhu waxa uu bulshada ka dhex dhaliyaa khilaaf iyo isku dhacyo ka yimaada taageeryaasha xisbiyadda, taas oo keeni karta in bulshadu isku nacdo.
  3. Ololuhu waxa uu beryihii u dambeeyey ka dhashay arrimo inta badan wax laga weydiiyo culimadda diinta inoo xambaarsan oo ah “Sheekh meherku ma qabanayaa”, taas oo ah in Dhallinyarta labka iyo dhediga iskugu jirta ay ka dhex dhacaan falal aad u xun xun oo sino ah, taas oo aakhirka ku keenaysa in bulshada ay ku dhex dhashaan carruur aan aabo lahayn.
  4. Dhallinyartu waxay xalaashadaan heesaha, taas oo diintu inaga mamnuucday.
  5. Ololuhu wuxuu dhallinyarta iyo taageeryasha bulshada ka mid ah ku keenaa Dhimasho iyo dhaawac culus kadib marka baabuurka ay daaqaddaha ka laad-laadaan iyo basaska buux dhaafshay ay galaan shil kedis ah.
  6. Ololuhu waxa uu bulshada ka lumiyaa wakhti aad u badan.
  7. Ololuhu wuxuu daal iyo diif ku reebaa qofka ka qayb qaadanaaya, taas oo marka dambe ee habeenkii ama wakhti kadib uu ka cawdo meel badan oo jidhkiisa ka mid ah oo ay ku dheceen jug aanu ogeyn wakhtigii ay soo gaadheen.
  8. Buuqa Ololuhu wuxuu dhib ku hayaa, bulshada inteeda kale ee aan ka qayb qaadanahayn, waxay tageerayashu wadooyinka ka xidhaan gaadiidkii mari lahaa, waxay khalkhal iyo sahwi ku keenaan masaajidada ay ag marayaan, ama xafiisyadoodu ka ag dhaw yihiin.
  9. Ubadka uurka galay iyaga oo aan sharci ahayn oo keliya ayaa ka badan faa’iido kasta oo uu leeyahay Ololuhu, taas oo ceeb iyo cadho Eebbe lugu kasbaddo.

Faa’iiddo darrida Dhaqaalaha Kobcaaya Ee Dalka.

  1. Ololaha waxa lugu bixiyaa lacag malaayiin ah, taas oo muddo yar gudaheed ku baaba’da ama ku dhammaata iyada oo aan la arkayn wax muuqda oo lugu qabtay.
  2. Ololuhu waxa uu yareeyaa adeegyadii wax iibsiga iyo wax iibinta ee suuqyadda.
  3. Ololuhu waxa uu dhaqaalaha waddanka ka dhigaa mid aad hoos ugu dhaca, waxaana gebi ahaanba joogsadda mashaariicda waaweyn ee maalgashiga Dalka.
  4. Ololuhu waxa uu dhaliyaa burbur ku yimaada gaadiidka dadweynaha iyo kaabayaasha dhaqaale ee waddanka sida wadooyinka.
  5. Goobaha ganacsigu waxay maalmaha qaar u xidhmaan buuqa iyo isdhex yaaca bulshada ka qayb gelaysa ololaha xisbigaas ama musharaxaas kuwaas oo hal saacad oo ay xidhmaan kuwaaya dhaqaale badan oo soo geli lahaa.
  6. Waxa xidhma isku socodka bulshada caadiga ah ee aan ka qayb gelayn ololaha, taasoo ku keenta wakhti badan oo ay ka lumiyaan iyo isku socod la’aan.
  7. Ololuhu waxa uu khalkhal gelin karaa nabadgelyada isaga oo dhalin kara rabshado iyo iska hor imaad taageerayaasha iyo ciidanka nabad gelayadda.
  8. Ololuhu waxa uu khalkhal ku ridaa dadka salaadaha ku tukanaaya masaajidadda, taas oo ah arin aad u adag dhanka diinta, sidoo kale waxa uu xidhaa ganacsiga yaryar ee wadooyinka ay dadka danyarta ahi la fadhiyaan.

 

 

 

Afeef: “Qormadan in aan ka hadlaa waxay igu dhalatay kedib markii aan wax badan usoo joogay dhacdooyinka ololayaasha ee doorashooyinka dalkeena, sidoo kale markii aan la tashaday dad badan oo waxgarad iyo aqoonba leh.”

Soo jeedin: Qof  kasta oo qormada ama mid la mid ah sii faafiyaa sida aan ku niyad sanahay waxa uu ka helayaa khayr iyo xasanaad badan oo aakhiro iyo adduunyoba ah, adiguna akhriste fadlan u gudbi bulshada kale si aynu uga qayb qaadano badbaadinta diinteena, bulshadeena iyo dalkeena horumarkiisa”.

Mahadsanid

Wa-bilaahi Tawfiiq

Saxafi /Qoraa Madax banaan.

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail: Xamse18@gmail.com

Www.facebook.com/wiyeeer

Www.wiyeeryare.blogspot.com

Hargeysa/Somaliland