Faahfaahinta Socdaal ay dalka Ku joogaan Wefti ballaadhan oo Dawladda Itoobiya Ka Socda oo Shir Berri Uga Furmayo Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah Md, Faysal Cali sh. Maxamed ayaa maanta ka warbixiyey ujeedada socdaalka wafti balaadhan oo ka socda wadanka itoobiya oo Hargaysa kaga qayb galaya kulan ay la yeelanayaan masuuliyiinta hay’adaha dawliga ah qaarkood.

Md Faysal Cali Sheikh waxa uu sheegay in maalmahan u danbeeyey ay dalka joogeen wafti balaadhan oo ka socda wadanka itoobiya kuwaas oo ka qayb galaya Shir maalinta berri ah ka furmi doona huteel  Ambasadoor, kaasi oo daba socda shir dabayaaqadii bishii Novembar magaalada Dirir-dhabe  ay masuuliyiin labada dal ka kala socday kaga wada-hadleen iskaashiga labada dal.

FAYSAL CALI SHEEKHWefdigan ka socday dalka Itoobiya oo ka kooban 12-xubnood oo ka kala socda wasaaradaha Arimaha dibadda, Ganacsiga, Maaliyadda, Gaadiidka, Waddooyinka,waxbarashada, biyaha, Hay’adda arimaha dekadaha  ee dalka itoobiya iyo masuuliyiin ka socda Kililka Shanaad ee Itoobiya.

Dhinaca Somaliland-na waxa shirkaasi uga qayb geli doona ,masuuliyiin ka kala socda,Wasaaradaha Howlaha-guud, waxbarashada, maaliyadda, Dekedda Berbera  iyo Baanka Somaliland.

Agaasimihu waxa uu sheegay in shirkan lagu sii ambaqaadayo qodobadii ka soo baxay shirkii hore ee magaalada Diri-dhaba oo ku  wajahnaa dhinacyada Nabadgelyada, Isu socodka Ganacsiga iyo kor-u-qaadka dhaqaalaha labada waddan,  iyo sidii ay dawladda itoobiya  ay wax ugala soo degi lahayd Dekedda berbera, Iyada oo qayb ka mid ah wefdiga itoobiya  oo ka soo degay magaalada Berbera ay soo  mareen dekedda, iyaga oo u dhaba galay hanaanka ay u shaqayso dekeddu.

Shirkan ayaa waxa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah, iyada oo go’aamada ka soo baxa ay  kulan danbe  madaxda labada dal  ku saxeexi doonaan.

SOMALILANDPOST.NET