Faahfaahinta Shir Lagaga Arrinsanayey Xanuunadda Ka Dilaaca Roobabka oo maanta ka Qabsoomay Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa(SLpost)- Shir Lagaga Arrin Sanayey Xanuunadda Ka Dilaaca Roobabka Iyo Abaaraha Oo Ay Isugu Yimaadeen Wasaaradaha Caafimaadka, Madaxtooyada, Maaliyada, Biyaha, Warfaafinta iyo Taliyaha Ciidanka Booliska  Oo Ka Qabsoomay madaxtooyada jamhuuriyadda Somaliland ayaa ujeedadiisu ahayd sidii looga hortegi lahaa loona kaantarooli lahaa Xanuunadda ka dilaaca abaaraha iyo wakhti roobaadka.

099A4995Kulankan oo ay ka soo qayb galeen bahda wasaarada caafimaadka oo uu hoggaaminayey wasiir Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-toosiye) ayaa iyagu waxay ka war bixiyeen halka ay wax marayaan iyo sida ay xaaladu tahay marka laga hadlo burco iyo shuban biyoodka, waxaanay soo bandhigeen daraasad muujinaysa halka uu marayo iyo sida looga hortegi karo, iyagoo meesha ka saaray in aanu xanuunku ahayn sida ay warbaahintu wax u qorayso ama dadka ugu soo gudbinayso balse sidan uu ka sahlan yahay gacantana ay ku hayaan sidii looga hortegi lahaa ee aanu ku faafin goobo kale.

Waxa sidoo kale kulankan ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada, MdMaxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka wasaaradda maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirka warfaafinta, Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta, Sheekh Khalil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Waxbarashada, Md Cabdilaahi Ibraahim Habane, wasiiru-dawlaha qorshaynta qaranka, md Cismaan Xasan Aw Cali, Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Saleebaan Cali Hayste (Ramaax) Agaasimaha guud ee wasaaradda Khayraadka Biyaha, Md Cabdirisaaq Jaamac Nuur, Agaasimaha Caafimaadka, md Saleebaan Jaamac Dirir, Dr Shiine oo isagu ah khamiir ka tirsan wasaaradda Caafimaadka iyo Dr Muuse Xasan oo isagu ah dhakhtar ku xeel dheer xanuunadaas aynu soo sheegnay.

Ugu danbayntiina waxay masuuliyiintaasi u soo jeediyeen shacbiga Somaliland inay dhawraan nadaafada oo ay ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara xaalad caafimaad daro, haday tahay biyaha iyo nadaafada deegaankaba, dadkana aan la khal-khal gelin ee laga warsugo hay’adaha ku shaqada leh arrimahaasi oo ay joojiyaan dadka faafinaya warar aanay hubin dadkana cabis gelinaya, haseyeeshe mar walba lagu xidhnaado oo laga warsugo cida ku shaqada leh arrimahaa sida wasaaradda caafimaadka.