Faahfaahinta Qarax Fejeciso ku abuuray Shacabka oo Caawa ka dhacay Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Qarax dhawaaqiisu fejeciso ku abuuray Shacabka magaalada Hargeysa isla markaana laga wada-maqlayey badi xaafadaha Caasimadda, ayaa abbaaro 12:03 habeenimo ee caawa ka dhacay agagaarka Guriga Shaqaalaha.

news1Qaraxan oo loo malaynayo in loo adeegsaday walxaha gacanta lagu farsameeyo, ayaa ka dhacay Meel biyo-mareen ah oo dhinaca ku haysa waddada laamiga ah ee daba-marta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, gaar ahaan halka ay ka bilaabanto waddada laamiga ahi ah oo dhinaca Woqooyi kaga beegan Xarunta hay’adda Shaqaalaha ee sii dhex-marta Guryaha la odha jiray Hindiya Laynka.

Inta badan Xaafadaha magaalada Hargeysa, ayaa si weyn looga maqlayey dayaanka uu sameeyey Qaraxan oo aan aan la aqoonsan waxa uu yahay, haseyeeshee ma jiro khasaare nafeed iyo wax burbur ah oo ka dhashay.

“Annaga oo hurudna, ayaanu mar kaliya ku kacnay qaraxa, carruurtiina way sastay, xataa jiingadda guriga ayaanu moodnay dabayli la tagtay qaylada awgeed. Markii bannaan aanu u soo baxnay, waxba maanu arag. Dabadeedna kurayda yar-yar ayaa tidhi laagta ayay wax ka qarxeen oo qaaca ayaanu arkaynay,” sidaa waxa khadka telefonka noogu sheegtay haweenay gurigeedu ka ag-dhow yahay goobta qaraxu ka dhacay.

Ciidamo boolis ah iyo kuwa birmad ah ee hawl-gallada deg-degga fuliya, ayaa isla markiiba goobta gaadhay, kuwaas oo markiiba bilaabay baadhitaan ay ku baadi-doonayaan waxa qarxay iyo cidda ka dambeysay haseyeeshee, ma jirto masuul ka soo baxay hawl-galka ciidamada.

Iyaga oo xilliga dhawaaqa qaraxa la maqlay ku beegnayd xilli saqdhexe ah oo dadka intooda badani seexday, haddana waxa la arkayey dad fara-badan oo hor u tuban xaafadaha magaalada, kuwaas oo ay fejeciso ku noqotay dhawaaqa Qaraxa ay maqleen oo wada-gaadhay inta badan magaalada.

Sarkaakiil ka tirsasn Ciidanka Ammaanka ayaa Codkahargeysa.com u sheegay in Qaraxa loo adeegsaday bambooyinka gacmaha laga tuuro, waxaanu sheegay inaanay cidi waxba ku noqon qaraxan.

Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo aanu la xidhiidhnay dhakhaatiirta heeganka habeenkii ku jira, ayaa noo xaqiijiyey inaan la keenin cid wax ka soo gaadheen qaraxaas.

 

SOMALILANDPOST.NET