Faahfaahinta Dillalkii, Kufsigii Iyo Dambiyada Kale Ee Saddexdii Bilood ee u Dambeeyay ka dhacay gobolka SAAXIL

taliyahaBerbera (SLpost)- Taliyaha ciidanka Booliska ee Gobolka Saaxil Mursal Xaaji Warsame, ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu foosha xumaa ee saddexdii bilood ee ugu dambeeyay sannadkan 2016-ka ka dhacay Gobolka Saaxil, isla markaana wuxuu sheegay inay ciidamada boolisku gacanta ku soo dhigeen nin shalay  barqaddii tacshiirad rasaas ah isku waydaarsadeen  magaaladda Berbera gudaheeda  ilaalada askarta Badhasaabka Gobolka Saaxil.

Taliyuhu waxa uu sidaa ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayey magaalada Berbera, waxaanu yidhi,“Gobolkan waxa ka dhacay lix dil. Dadkii ka dambeeyay lixdii dilba gacanta ayaa lagu soo dhigay oo waxa la hor geeyay ha’yaddaha sharciga. Shan waa gar suge oo waxay sugayaan in kiiska la dhamaystiro oo jeelka ayey ku jiraan. Midna dil ayuu xukuman yahay, markaa intaasi waa arrimihii dilka.”

Taliyuhu wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Waxa kale oo ka dhacay kufsi. Gobolka Saaxil waxa lagu kufsaday inan todoba jir ah oo saddex nin wada kufsadeen.Runtii waxay aheyd dhacdo aad u yaab badan in saddex nin ay wada kufsadaan inan yar, markaa saddexdaa nin waa la xukumay. Inan kale oo sideed jira ah ayaa la kufsaday,iyadana gacanta ayaanu ku dhignay oo ninkii jeelka ayuu ku jiraa”.

Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu ka hadlay nin rasaas is weydaarsadeen ilaalada askarta badhasaabka Gobolka Saaxil waxaanuu yidhi, “Shalay waxa dhacday Badhasaabka, Badhasaab ku-xigeenka iyo saddex askari oo la socday waxay la kulmeen nin sitay baaskoolad oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Xasan Abokor, ka dib ninkaa iyo iskaafkii Badhasaabka ayaa rasaas is weydaarsaday. Waxa ninkaa gacanta ku soo dhigay isaga iyo gaadhigisii ciidanka kantaroolka galbeedka Berbera.”

SOMALILANDPOST.NET