Faahfaahinta Dedaallo ay Gudo-jiraan Guddi Is-xil-qaantay oo Waan-waan ka dhex-bilowday Xukuumadda iyo Xisbiga WADDANI

 

Hargeysa (SLpost)- Guddi is-xil gaantay oo isugu jira Siyaasiyiin, Ganacsato, Aqoonyahan iyo Abwaanno, ayaa bilaabay waan-waan ay ku dhex-dhexaadinayaan Xukuumadda iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo khilaaf siyaasadeed la xidhiidha arrimaha doorashooyinku u dhexeeyo.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa shalay ilaa maanta magaalooyinka dalka ka waday isu-soo-baxyo la xidhiidha khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka, iyadoo xisbiga Waddani ka biyo-diiday Xubno ku jira Guddiga cusub ee Doorashooyinka oo dhawaan la ansixiyey, kuwaas oo xisbigu la xidhiidhinayo inay ka tirsan yihiin Xisbul-xaakimka Kulmiye.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa faahfaahin ka bixiyey dedaallo ay ku jiraan Xubno iskood isu xilqaamay oo waan-waan ka dhex bilaabay xukuumadda iyo Xisbiga Waddani, kuwaas oo ay ku jiraan siyaasiyiinta ku bahowday Madasha Wada-tashiga.

Haddaba muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo faahfaahinaya halka ay marayso dhex-dhexaadinta laga dhex-bilaabay xukuumadda iyo Waddani.