Ex-Wasiir Samsam Cabdi Aadan: “Macquul Maaha $80 Milyan oo Dayn ah”

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo xilka wasaaraddaas xilligii ay talada dalka wareejisay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa wax aan caqli-gal ahayn oo aan la qaadan karin ku tilmaantay in lacag gaadhaysa $80 Milyan oo deyn wareejisay xukuumaddii ay ka tirsanayd.

 

Guddoomiyaha Guddiga Daba-galka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilllada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo maanta guddigoodu kulan la qaateen Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in wasiirku u sheegay in xukuumadda Madaxweyne Biixi la il-daran tahay Deyn dhan $80Milyan oo ay ku wareejisay xukuumaddii Axmed Siilaanyo.

 

Haddaba Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadoo ku sugan dalka Imaaraadka Khadka telefoonka ugu warrantay Telefishanka HCTV, ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaantay Deynta la sheegay inay wareejiyeen.

 

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO FAAHFAAHINTA WARKAN