Ethiopian Airlines oo Dib u bilowdday Duulimaayadeeda Hargeysa iyo Doorka Xukuumadda Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa maanta soo cago-dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Egal ee magaalada Hargeysa, kaddib markii ay hakisay duullimaad ay maalintii Khamiistii ku iman lahayd magaalada Hargeysa.

Diyaaradda Ethiopian Airlines iyo diyaarado kale oo soo fadhiisan jiray gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ayaan Khamiistii Dorraad soo caga-dhigan garoonka Hargeysa, iyadoo dowladda Soomaaliya sheegatay inay diyaaraduhu fuliyeen amar ay shaaciyeen todobaadkii hore, kaas oo salka ku haya ka-hortagga caabuqa Koronafayras.

Haseyeeshee, Ethiopian Airlines, ayaa hore u shaacisay inay joojisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay waddamo ay ku jirto Soomaaliya, balse ay sii wadi doonto duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Guddiga heer Qaran ee ka-hortagga Caabuqa CoronaVirus ayaa go’aamo ay soo saareen todobaadkii hore waxa ay ku shaaciyeen inay joojiyeen duullimaadyada diyaaradaha ka imanaya dalalka adduunka ee laga soo wariyey kiisaska Caabuqa Corona kuwaas oo ay ka mid yihiin Kenya, Soomaaliya, Italy, Iran, China iyo qaar kale.

Dalka Ethiopia oo laga soo wariyey Kiisaska KoronaFayras, ayaan ku jirin waddamada ay xukuumadda Somaliland xanibaadda saartay duulimaadyadooda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa xilligan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas la sheegay inuu kulamo kula qaatay masuulyiinta dowladda Ethiopia iyo maamulka Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines oo uu kala hadlay hakadka ku yimi duulimaadyada diyaaradaha.

Diyaaradda Ethiopian Airlines, ayaa maalin kasta laba duulimaad ku timaadda Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, iyadoo gelinkii hore ee maanta ay soo caga-dhigatay diyaaraddu, halka gelinka dambe ee maantana la filayo inay soo cago-dhigato diyaarad kale oo sidda rakaab.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net