Ethiopia: Tirada Dadka laga helay Cudurka COVID-19 oo Korodhay iyo 10 Kiis oo maanta la Xaqiijiyey

 

Addis Ababa (SLpost)- Tirada Dadka la xaqiijiyey inay qabaan Cudurka Covid-19 ee dalka Ethiopia, ayaa kor u dhaaftay 100 Qof, kaddib markii maanta la shaaciyey 10 qof oo  caabuqa Coronavirus laga helay.

Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka ee Ethiopia, Lia Tadesse, ayaa shaacisay in tirada guud ee ilaa immika la xaqiijiyey inay qabaan cudurka Covid-19 gudaha dalkaas tahay 105. Wasiirku waxa ay sheegtay in baadhitaano caafimaad oo lagu sameeyey 659 qof 24-kii saac ee u dambeeyey ay ka soo baxday 9 qof oo laga helay safmarka Coronavirus, taas oo tirada guud ka dhigaysa 105 qof.

Sida aanu ka soo xigannay Wargeyska Ethiopian Observer oo soo dheeganaya xogta ay  Wasiirka Caafimaadku shaacisay, Tobanka qof ee cudurka laga helay ayaa u dhashay dalka Ethiopia, marka reebo Hal qof oo u dhashay dalka Equatorial Guinea, waxaanay isugu jireen lix rag ah iyo Saddex Dumar ah. Warku waxa uu intaas ku daray in saddex ka mid ah dadkan oo laba dhalinyaro yihiin dhawaan laga soo mastaafuriyey dalka Jabuuti oo tirada dadka cudurka laga helay kor u dhaaftay 700 qof.

Sida ay barteeda Twitter ku shaacisay wasiirka Caafimaadka Ethiopia, Dadka cudurka laga helay, ayaa lagu xereeyey oo xaaladdooda caafimaad lagu baxnaaninayaa Jaamacadda magaalada Diridhaba oo loo beddelay goob lagu karantiimeeyo Dadka laga helo Caabuqa Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka Ethiopia

Marka laga reebo 9-ka qof ee maanta la shaaciyey, Jimcihii shalay waxa ay dowladda Ethiopia shaacisay Afar Qof oo Xannuunka laga helay, halka Khamiistii Dorraad la shaaciyey Toddobo qof oo ay ku jirto Gabadh yar oo 14 jir ah oo la sheegay inaanay dalka dibaddiisa uga bixin.

Ilaa immika lama hayo tirada rasmiga ah ee dadka Xannuunkani haleelay gudaha dalka Ethiopia sababo la xidhiidha baadhitaannada Caafimaad ee dowladdu samaysay oo aad uga yar marka loo eego Tirada guud ee shacabka dalkaas oo kor u dhaafaysa 100 Milyan oo Qof. Wasiirka Caafimaadka dalka Ethiopia ayaa shaacisay inay ilaa immika sameeyeen 6,890 baadhitaan dhammaan gobollada dalkaas, iyadoo dadka baadhitaanka caafimaad lagu sameeyey u badan yihiin Qurbejoog ka soo laabatay dalka dibaddiisa.

Khubarada Caafimaadka ayaa aaminsan in tirada dadka qaba Cudurka Covid-19 dalka Ethiopia ka badan tahay inta la ogyahay, iyagoo taas ku sababeeyey tirada shaybaadhada ee Xannuunkani yihiin Siddeed Mishiin. Haseyeeshee, sida ay shaacisay wasiirka Caafimaadka dalkaasi, waxa magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa iyo dhowr magaalo oo kale laga bilaabay olole Guri-guri loogu booqanayo si baadhitaan loogu sameeyo dadka looga shakisan yahay inuu xannuunku hayo.

Gudaha Dalka Ethiopia oo qofkii ugu horreeyey ee xannuunkani ku dhaco la xaqiijiyey 13-kii Bisha March ee sannadkan, waxa cudurka Covid-19 ugu geeriyooday 3 Qof, halka 16-qof oo kale ka caafimaadeen.

Dhinaca kale, waddanka Jabuuti ayaa Jimcihii shalay shaaciyey 141 qof oo laga helay cudurka Covid-19 taas oo tirada guud ee dadka laga helay caabuqa Coronavirus ka dhigaysa 732 qof, waxaanu noqonayaa waddanka ugu kiisaska badan Bariga qaaradda Afrika.

Dalalka Jabuuti iyo Ethiopia, ayaa labadooduba xuduud la leh Somaliland balse inkasta oo la xidhay xuduudka labadaas waddan, haddana waxa wali sii socda isu socodka badeecadaha uu ka mid yahay Qaadka oo dhinaca Ethiopia looga soo waarido Somaliland.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com