Ethiopia: Gobolka Ismaamulka Oromada oo laga helay Kiisas Cusub oo CoronaVirus ah iyo Tirada oo sii Kordhaysa

Khariiradda Ismaamulka Oromada Ethiopia

 

Addis Ababa (SLpost)- Tirada dadka laga helay Caabuqa Coronavirus ee dalka Ethiopia, ayaa korodhay kaddib markii warbixin wasaaradda caafimaadka dalkaasi maanta soo saartay ku sheegtay in saddex qof oo kale laga helay cudurka Covid-19.

Khariiradda Ismaamulka Oromada Ethiopia

Sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Ethiopia, saddexda qof ayaa dhammaantood ah muwaadiniin u dhashay dalka Ethiopia kuwaas oo ku nool magaalada Adama ee gobolka Ismaamulka Oromada.

Saddexda Kiis ee maanta la shaaciyey, ayaa tirada guud ee dadka Caabuqan laga helay dalka Ethiopia ka dhigaysa 19 Qof inta la xaqiijiyey.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta FANA oo soo xiganaysa warbixinta wasaaradda caafimaadka, saddexda qof ayaa kala ah haweenay 28-jir ah oo intii u dhaxaysay 17-ka iyo 19-ka March socdaal ku tagtay dalalka Belgium iyo Cameroon. Labada qof ee kale Isku qoys ah ayaa kala ah wiil 14-jir ah iyo haweenay 48 jir ah oo ku nool magaalada Adama (Nazareth) ee caasimadda Ismaamulka Oromada, kuwaas oo la sheegay in labadooduba xidhiidh la leeyihiin haweenayda hore.

Wasaaradda Caafimaadka dalka Ethiopia, waxa kale oo ay sheegtay in hal qof oo ka mid ah 16-ka kiis ee hore loo shaaciyey uu ka soo kabanayo cudurka Covid-19.

Marka laga yimaaddo dalka Ethiopia guud ahaan, Ismaamulka Oromia, ayaa ah gobolka u badan ee xidhiidhka ganacsi la wadaaga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana laga soo waaridaa maandooriyaha Qaadka iyo Khudaarta kala duwan oo ka baxda gobolkaas.

Guud ahaan caalamka inta la xaqiijiyey, waxa caabuqa CoronaVirus laga helay 670,000 qof, halka tiro ka badan 31,000 qof u dhinteen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka.

Dalka Talyaaniga, ayaa ah waddanka ugu badan ee cudurkani faraha baas ku hayo iyadoo tirada dadka u dhintay lagu sheegay inta ka badan 10,000 qof, waxa kaalinta labaad ku jira dalka Spain oo tirada dhimashadu kor u dhaaftay 6,000 qof.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net
Hargeysa/Somaliland