Ergayga Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliya Oo Golaha Amaanka Uga Warbixiyay Dib Dhaca Doorashada

Post (SL) Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa Golaha Ammaanka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasada Soomaaliya iyo dib u dhacii ku yimid doorashooyinkii la filayay in bisha soo socota dhacaan.

keating_somalia-un

Danjire Micheal Keating ayaa ugu horeyn ka hadlay sababaha dib u dhigay doorashooyinkii la filayay bishan iyo bisha soo socota inay dhacana, isagoo muujiyay caqabado dhowr ah oo wali hor-taagan hanaanka doorashada

 

“Dib u dhacii ugu dambeeyay waxaa uu keenay dhowr arrin oo cabsi leh, aan magacaabo labo arrin tan koowaad waa in hanaanka doorashada siyaasad lagu afduubo, tan kale dib u dhacan waxaa uu qeyb ka yahay dib u dhacyo horay u dhacay iyo kuwa wadada ku soo jira, suurta galnimada in hanaanka doorashada la afduubo waa mid aad u sareysa”ayuu yidhi Danjire Keating.

 

Danjire Keating ayaa sheegay in dib u dhacan cusub aanu keenin fursad lagu marin habaabiyo hanaanka doorashada, ama siyaasiyiinta qaswadayaasha ay carqaldeeyana sida uu yidhi.

 

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in doorashada 2016 si cadaalad oo hufan loo xaqiijiyo, isla markaana ay tahay doorashadan mid xiiso leh ah.

 

Sidoo kale waxaa uu qiray inay jiraan caqabado sharciga ku aadan, maadaama dowladda hada jirta waqtigeeda dhamaaday, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo sida dastuurka dhigayo waqtigiisa ugu ekaa 10 September.

 

Mr Keating ayaa intaa ku daray in diyaar garowga intooda badan la dhameeyay, isla markaana dhowaan ay bilaaban doonaan diiwaan gelinta 14-kun oo ergo iyo musharaxiinta u taagan Xildhibaanada oo boqolaal gaaraya.

 

Doorashada Madaxweynaha ayaa dhici doonta 30-ka bisha November,  halka doorashada Guddoonka labada aqal ay

 

 

Somalilandpost.ent