Ergayga Denmark U Qaabilsan Mucaawinada Somaliland Iyo Somaliya Oo Madaxweyne Siilaanyo Hortiisa Kaga Digtay Inay Doorashooyinka Somaliland Mar Kale Dib U Dhacaan

Hargeysa(SLpost)-Ergayga dawladda Denmark u qaabilsan isu duwida mucaawinooyinka la siiyo Somaliland iyo Somaliya Ms. Kira Smith Sindbjerg, ayaa ka digtay dhaawaca ay Somaliland u gaysan karaan dib u dhaca doorashooyinka iyo tacadiyada xuquuqal insaanku.

Haweenaydani waxay hadalkan ka sheegtay shir uu Madaxweyne Siilaanyo ka qayb galay oo shalay ka furmay magaalada Hargeysa kaas oo ah shirka 8aad ee Isu duwida mucaawiyoonkna Somaliland, waxaanay khudbadeed oo uu goob-joog ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo in ka badan 10 wasiir, ku sheegtay in beesha caalamka ee Somaliland taageertaa ka walaacsantahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee dib ugu dhacay sannadka 2017. “Doorashooyinku kuma cusba Somaliland.” Ayay tidhi, iyadoo soo hadal qaaday degreetadii uu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkii hore ku cayimay wakhtiga ay doorashadu dhacayso oo ah 2017, bisha saddexaad, “Hase yeeshee dib u dhacyo kale oo ku yimaada [doorashada] waxay noqon doonaan kuwo aan cudur daar lahayn.” Ayay tidhi. Waxay sheegtay inay bulshada caalamka ee Somaliland taageerta u muuqdaan afar qodob oo ay muhiim tahay in aad looga shaqeeyo doorashada ka hor, kuwaas oo kala ah in laga shaqeeyo sidii loo diyaarin lahaa xeerka lagu dooranayo Baarlamaanka, in maadaama oo uu qalabkii diiwaangelintu soo gaadhay Hargeysa kuna jiro tijaabadii la filayo in diiwaangelinta la dhameeyo badhtamaha sannadka 2016, iyadoo ugu baaqday dawladda iyo xisbiyadu inay ilaaliyaan natiijada diiwaangelinta oo diyaar noqon doonta sagaal bilood ka hor doorashada. Qodobka saddexaad ee ay doonayso bulshada caalamku in wax laga qabto waxay ku sheegtay sidii haweenka si firfircoon looga qayb gelin lahaa arrimaha siyaasadda. Doorashada xubnaha golaha guurtida oo ku beegan sannadka 2018 sida uu distoorku jideeyay, ayay ku tilmaantay mid muhiim u ah geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, “Taas ayaa noqon doonta tiirka labaad ee dimuqraadiyadda Somaliland.” Ayay tidhi.

Waxay intaas raacisay inay mar walba muuqato cabsida dib u dhac doorashada ku yimaada ilaa ay dawladda, xisbiyada iyo guddiga doorashadu si wada jir ah u shaqeeyaan. Waxa kale oo ka hadashay arrimaha xuquuqal insaanka oo ay sheegtay inay muhiim  tahay in la ilaaliyo, iyadoo soo hadal qaaday xadhigii dhawr bilood ka hor loo gaystay difaacaha xuquuqal insaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac oo markii dambe la sii daayay.

Xigasho Geeska