Hargeysa (SLpost)- Ergada Somaliland u metelaysay shirka wada-hadallada fashilmay ee Soomaaliya oo todobaadkan bilowgiisii ka furmi lahaa dalka Turkiga, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana soo-dhawayn balaadhan oo dareen wadaniyadeed ku lammaan yahay loogu qaabbiley garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.
Shirka wada-hadallada oo Sabtidii ka furmi lahaa dalka Turkiga, ayaa lagu kala kacay, kaddib markii Ergada Soomaaliya lagu soo daray xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, taas oo sababtay inay ka diideen ergadii wada-hadallada u metalaysay Somaliland.
Waftigan waxa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ku qaabbilay Dadweyne aad u tiro badan oo isugu jiray Salaadiin, Boqoro, Cuqaal, Xubno Kamida Golaha Wasiirada, Golayaasha Baarlamanka, Guurtida, Deegaanka, iyo Dhalinyaro aad u badan kuwaas oo sitay Calamaan iyo Boodhadh ay ku qaran yihiin hal ku dhigyo ay ku muujiynaayeen cushuurtooda wadannimo.
Waftiga ayaa markii danbe loo soo galbiyey dhanka Madaxtooyada JSL, intii ay ku soo jireen jidadka caasimadana waxa salaan sharaf ciidan ay ka qaateen ciidamada kala duwan ee dalka Somaliland, waxaanay socod lug ah ku marayeen wadooyinka caasimada inta ugu mashquulka badan weftigu iyada oo ay hareero socdaan kumanaan shacbiga Somaliland ka mid ah, iyagoo waftiguna dadkaasi gacan tag u fidiyey.