Ergada Somaliland u Metalaya Wada-hadallada oo maanta gaadhay Dalka Turkiga iyo Rejada shirka oo Berri Furmaya (DAAWO SAWIRRO)

Istanbul (SLpost)- Weftiga Ergada Somaliland u metelaysa wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya, ayaa maanta gaadhay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaddib markii ay saaka amba-baxeen magaalada Djibouti oo shalay ku gaadheen diyaarad ay ka raaceen garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Weftiga oo shalay ka amba-baxay ka duulay Hargeysa, xalayna u hoyda magaalada Jabuuti oo ay maanta gelinkii hore ka raaceen diyaarad khaas ah oo dawladda Turkigu u soo dirtay, ayaa ka kooban toban xubnood oo saddex ka mid ahi aanay ka tirsanayn Guddiga rasmiga ah ee wada-hadallada, balse arrimo farsamo oo shirkan weheliya awgeed loogu daray wada-hadallada,

ergada (3)Sida uu boggiisa Facebook ku baahiyey wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi, weftiga ayaa maanta gaadhay dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbul, isaga oo sheegay in isaga iyo Wasiirka Hawlaha Guud oo aan ku jirin Guddiga wada-hadallada, ay ka mid yihiin weftiga Somaliland oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaannno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka.

Qoraalka Wasiir Maxamuud Xaashi ku baahiyey Bartiisa Facebook, ayaa u dhignaa sidan:- “ALLE Mahadii xalay ayaanu gaadhnay magaalada Istaanbul ee waddanka Turkiga, Anaga oo ah waftigii Dawladda Somaliland ugu qayb galayey wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, si wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyey.

ergada (1)Xubnaha waftiga Somaliland ee wadahalada, waxa waxa la socda xubno kale oo aan guddida ku jirin, laakin ka qayb gali doona wadahadalada arrinta maamulka hawada, xubnaas oo kale ah, aniga oo wasiirka Duulista ah, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, iyo Agaasimaha Duulista Eng. Saciid Mahdi Ileeye (Saqiiro).

Wadahadalada oo maalina barri furmaya, waxaanu ka rajnaynaa inay ka soo baxdo Najiito wanaagsan, Waxana naga go’an inaanu xaqiijino hanka iyo himalada Umadda reer Somaliland ee aanu masuul ka nahay, marna suuro gal maaha inay ka soo baxaan wax waxyeeli kara Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.”

ergada (2)Ergada Rasmi ah ee Guddiga Somaliland u metalaya wada-hadallada Soomaaliya ayaa kooban todoba Xubnood, ayaa kala ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida Siciid jaamac Cali, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo ka tirsan Golaha Guurtida.

ergada (4)