Erdogan Oo Dhoolla Tus Xirfaddiisa Kubadda Cagta Ka Sameeyey Garoon Casri Ah Oo Uu Dalkiisa Ka Furayey

Ankara (SLpost))- Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa soo bandhigay, xirfaddiisa kubadda cagta mar uu horraantii toddobaadkan xadhiga ka jarayey garoon kubadeed casriya ah oo uu yeelan doono naadiga kubadda cagta ee Besiktas oo ka dhisan dalka Turkiga.

ordigan1

Garoonku waxa uu ku yaalla magaalada Istanbul waxa aanu noqonayaa garoonkii ugu horreeyey ee ah nooca afka qalaad lagu yidhaahdo Smart Stadium oo ah garoon ku shaqaynaya Tiknoolajiyad casri ah.

Madaxweyne Erdogan oo ay wehelinayaan raysalwasaarihiisa Axmed Daa’uud Oglo, madaxweynihii hore ee Turkiga Cabdallah Gul iyo tiro masuuliyiinta dawladda ka mid ah ayaa soo galay garoonkan kubadda cagta oo uu xadhiga ka jarayey, kadib cabbaar ayaa ay ku dhex ciyaareen kubad ay astaan uga dhigayeen furitaanka garoonka.

Garoonkan oo qaadaya 41 kun oo taageerayaal ah ayaa leh, nidaam cod baahineed farsamo casriya oo aad u sarraysa ku rakiban iyo 787 kamaradaha ilaalada ah, waxa kale oo uu leeyahay nidaam Tiknoolajiyad ah oo awood u leh in uu garto wejiyada dadka. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Al-Jazeera ayaa sheegaya in garoonkani uu ku shaqaynayo adeegga helidda Internet ka ee WiFi oo bilaa lacag u ah dhammaan dadka gudihiisa ku jira, kaabadaha taageerayaashu dusha sare ayaa ay ka dedan yihiin xilliga qaboobahana dugsi badan ayaa ay keenayaan, waxa uu leeyahay qayb maaweelada loogu talogalay, barxad damaashaadka iyo u dabbaal-degga guulaha loo diyaariyey, iyo barxad baabuurta la dhiganayo oo qaadi karta illaa 600 oo gaadhi, 147 qol, 81 kuraasta dadka naafada ah loogu talogalay ah iyo 81 kursi oo ay ku fadhiisanayaan dadka naafada ah dadka wadaa, sida uu madaxweyne Rajab Dayib Erdogan sheegayna waxaa dhismaha garoonkan ku baxay lacag ka badan 100 Milyan oo doolar.

Ugu dambayntii gebogebadii munaasabadda furitaanka garoonka ayaa guddoomiyaha naadiga Besiktas waxa uu madaxweyne Erdogan guddoonsiiyey wargeys taariikh aad u horreysay soo baxay oo bogga hore uu kaga sawirnaa sawirka Erdogan xilligii uu kubadda cagta ciyaari jiray.

Xigasho Geeska