Erdogan Iyo Obama Oo Afgambigii Turkiga Ka Dib Kulmay

Hanju (SL.Post) Iyadoo dalka Shiinaha uu maanta ka furmay shirka dalalka la isku yidhaahdo G20, ayaa Madaxweynaha Maraykanka Barrack Obama iyo Madaxweynaha Turkiga Raccep Erdogan ay halkaa ku kulmeen.

201694636085684531102629erdogan_obama_paris_meeting_950x633_afp_nocredit

 

Obama ayaa ballan qaaday in dawladiisu ku dadaali doonto sidii sharciga loo hor keeni lahaa dadkii soo maleegay afgambigii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay Turkiga, iyadoo Turkiga ayaa hore u sheegay in dadkii soo maleegay qaarkood ay kunool yihiin Maraykanka.

 

 

Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaalada colaada ka socota Suuriya oo ah dal jaar la ah Turkiga, Maraykanka iyo Turkiguna ku lug leeyihiin dagaalada halkaa ka socda.

 

 

Masuuliyiinta dalalka xagga dhaqaalaha iyo warshadaha ku horumaray ee caalamka ee la isku yidhaahdo G20 ayaa ku shiraya dalka Shiinaha.

 

 

Guud ahaan, hoggaamiyeyaasha dalalka G20 ayaa ku shirsan magaalada Hanju ee dalkaasi Shiinaha,iyagoo  ka wada hadlaya dhaqaalaha caalamka iyo halka uu haatan marayo.

 

 

Ban Ki Moon, Xoghayaha guud ee QM waxa uu ka digay in dhaqaalaha caalamka ee haatan kobociisu guud ahaan yahay gaabis ay arintaasi u daran tahay dalalka soo koraya.

 

 

Somalilandpost.net