England-eey Xaal Qaado

[A]nagoo ah dhalinyaro reer Somaliland ah waxaanu halkan ka iftiiminaynaa arimaha ku saabsan dhaqan guurka ku dhaca qaar ka mid ah wiilasha dhalinyarada ah ee qurbajooga ah oo loo haystay in isbedelka dhaqan ee ku dhacay uu ka yimid nolosha iyo duruufaha wadamada Qurbaha ay kala kulmeen, balse arinku aanu sidaa ahayn ee halka sarartu ka qundhuntay ay tahay dhalinyaradaa oo tobaneeyadii sano ee u dambaysay  ka tegay xeryaha qaxootiga ee Kenya iyo Itoobiya ay khalad ka fahmeen isbedelka ay ku degdegeen ee dhinacyada badan ah, kaasoo xitaa mararka qaarkood sababa inay luqadoodii hooyo ka tagaan iyagoo dalkoodii hooyo ku sugan.

 Anagu dhalinyaro ahaan Arintan waxaanu  ku baraarugnay markii aanu ogaanay in dadkii reer Somaliland ee muddo Nus qarni ka badan ka hor ku noolaa England ay ahaayeen welina yihiin dadka ugu dhow dhaqanka iyo xushmadda isla markaana hogaan lagu daydo u ahaa welina u ah umaddan reer Somaliland.

Waxaa la yaab nagu noqotay markii dhowaan aanu wargayska Geeska Afrika eek a soo baxa caasimadda Somaliland ka daalacanay warbixin koobnayd oo uu Gudoomiyahii hore ee golaha wakiilada Somaliland Ambassador Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) dib ugu milicsaday waqtigii ay is barten Madaxweyne Siilaanyo taasoo uu qormadiisa ku iftiimiyey inay ahayd badhtamihii qarnigii labaatanaad ee ina dhaafay sanadkii 1950-kii, xiligaa oo aanay dadka reer Somaliland u joogin ama ugu badnayn England sida ay maanta ku yihiin, hadana haba yaraatee keli joognimadoodii qurbaha ee xiligaas iyo weliba iyagoo arday yaryar ahaa kamay bedelin dhaqankoodii iyo xushmadoodii iyaga iyo intii kale ee xiligaa la joogtayba.

Hadaba hadaanu nahay dhalinyarada Somaliland ee gudaha degan anagoo ixtiraamayna kaalinta ay dhaqaalaha wadankan kaga jiraan dhalinyarada Qurbajooga ah, hadana waxaanu intooda dhaqan guurku saameeyey leenahay dhibaatadu England iyo arlada aad joogtaan ma aha ee is daba qabta, waxana aanu leenahay England-eey Xaal qaado.