Eng Maxamed Xaashi oo Waraysi Dhinacyo badan taabanaya kaga hadlay Xaaladda Dalka, Xil-kaqaadistiisii, Dhismaha Xisbiyada, Madaxweyne Siilaanyo iyo Arrimo Kale

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa markii u horreysay ka hadlay bakheylnimo ay dadku ku xantaan iyo Aqoonta ay isku leeyihiin Madaxweyne Siilaanyo.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ka hadlay farqiga isbeddel ee u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda ee uu wakhtigan Wasiirka ka yahay Cabdicasii Maxamed Samaale, isaga oo dhinaca kalena soo sababeeyey ujeeddadii xilka looga qaaday.

Eng Cilmi oo caawa waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Telefishanka madaxa bannaan ee HCTV, waxa ugu horeyn wax laga weydiiyey Aqoonta Shakhsiyeed ee isaga ioy madaxweyne Siilaanyo iyo heerka ay gaadhsiisan tahay, waxaanu ku jawaabay, “waxaanu isbaranay wakhtigii jaamacadda ee aan aniguna England joogay, isaguna England joogay ayaanu isku Hotel ku jiray, markii danbana wuu naga guurayoo wuxuu u guuray guri dibadda ah, intii danbana jabhadda ayaanu ku wada jirray oo anigaa kaga horeeyey markii aanu SNM aasaasnay 1981-kii London ee isagu uu gudahu joogay. Wuxuu noogu yimid Ethiopia 1984-kii,” ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi Cilmi.

maxamed    xaashiMaxamed Xaashi oo la weydiiyey inay dadku u yaqaanaan inuu bakhayl yahay waxa uu ku jawaabay, “horta aan ku sheego’e waagii jabhadda SNM aanu ahaynm dhawr jeer ayaan maaliyadda qabtay, waxa ii iman jiray niman Cuqaal iyo Salaadiin ah oo odhan jiray waa nala soo caleemo saaray oo reerahayagii ayaa na caleemo saaraye lacag na sii, waxaan ku odhan jiray anigu lacag ma haysto mana lihi hanti, waxan aan hayana anigu ma lihi ee dadka iy halgankaa leh. Marka waxaan ku odhan jiray qoladii caleemaha idinku soo daadisay u taga ileen iyaga idin soo doortaye, wixii qabiilka iyo wixii qaranka ka dhexeeya way kala duwanyahiin. Imikana sidaasi ayuunbaan ku odhan jiray oo dhawr cisho markay yar war-wareegaan way iska tagaan. Kelmadda bakheylnimaduna waabay i anfacdayoo igumay soo dhici jirin, markay ii yimaaddaan ee ay i yidhaahdaan shiidaal na sii, waxaan ku odhan jiray shiidaalka anigu ma lihiye, dalkaa leh aniguna mushaharkaygu reerka iyo aniga ima dhaafo.”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo la weydiiyey markuu joogay wasaaradda maaliyadda iyo hadda oo uu joogo Cabdicasiis Samaale faraqa u dhexeeya, waxa uu yidhi, “Horta mid aan ku saxo oo aan kugu noqdo wakhtigii aan anigu wasaarada qabtay. Waaniga ku sheegay oo dawladda waxaa lagu lahaa seddex bilood mushaharkoodii, waxaynu ku jiray wakhti halis ah oo waanigii ku idhi dawladdi rayaale haddii ay laba bilood oo danbe sii hayn lahayd talada, dalku wuu burburi lahaa. Sannadkii aan joogay ee hore marka laga jaro mushaharkii iyo kharashkii, waxaanu kordhinay miisaaniyadda 70%, miisaaniyadeenu may dhaafayn 75 malyuun sannadkii, waxaanu gaadhsiinay 105 malyuun oo dollar weliba iyadoo aanu bixinay dayntii nalagu lahaa, ma jecli inaan is barbar dhigno wakhtigaa iyo imika, laakiin Cabdicasiis fursad ayuu helay, fursadaasina inuu sii wado ayey ahayd. Ogaalkay qorshahii aanu dhignay ee ahayd in mushaharka ciidamadda iyo shaqaalaha in la sii kordhiyo lama sii kordhin 60% sannadkii iyadoo lagu xisaabtamayo duruufta. Waxaa lagu jira cahdigii kombiyuutarka in la dhiso nidaam cashuured oo la geliyo kombiyuterka ayaan kula talin lahaa.”

Eng Maxamed Xaashi waxa uu ka hadlay Xil-ka-qaadistii lagu sameeyey oo uu sababeeyey, “Xilliga lagu soo beegay xilka qaadistaydu waxay ahayd xilligii ururada siyaasadda la xidhaayey ee ay iska gebo gebada ahayd marka waxay iska ahayd xilka qaadis la igala dagaalamayey inaanan urur siyaasadeed furan,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi, waxaanu intaas ku daray isaga oo madaxweyne Siilaanyo ka hadlaya, “Axmed weligiiba ma ahayn qof go’aan qaadashada iyo tallo dhex dhexaadinta ku wanaagsana haddana waa ta ka muuqata talladiisii, ayaan darrada ka muuqatana waxay tahay inuu kheyr-lawayaal danaystayaal ah isku wareejiyey oo talada ka qaadanayo kuwaasina god ayay kula dhaadhacayaan.”

Eng Xaashi waxa uu ka hadlay Xisbiyada dalka ka jira iyo Dhismaha ururradii siyaasadda ee dalka laga furay, waxaanu yidhi, “Seddexdan xisbi ee hadda jirana ka ugu fayoobi waa UCID oo Faysal Cali Waraabe mar mar gantaal soo turo oo mucaaridnimadu ka muuqato oo iyagana labadii nin ee hogaaminaayey ay dalka ka wada dhoofeen oo dibadda u shir shir tageen isla markaana aanay dan iyo dal midna war ka hayn.

Saaxiibkay Gaboose waxaanu is aragnay markii doorashada laga soo noqday wuuna iiga waramay wixii ku dhacay, imikana wuxuu gallay WADANI laakiin talladayda haddii uu maqlayo WADANI gal ma idhaahdeen kuna biirna ma idhaahdeen.

WADANI-na Ciro mucaarid iyo muxaafid mid uu yahay la kala garan maayo isagiiba sharci darro ku jooga oo xeer 48 dastuurkeenu wuxuu odhanaya waa in la kala saara danta siyaasadda iyo ta qarranka, halkii qarranka qaanuunkiisa iyo xeerarkiisa laga toosinaayey ayuu soo fadhiya isagana ugu horeeya oo jabinaya marka caqligaagu ma ku siinaya kaasa xisbi ah, KULMIYE-na isagu xisbiba maahe dee waadiga arkaya inay qabyaalad isku bahaysteen oo dantii ummadda qabyaalad iyo shakhsi doonaya inuu xil hello kaga indho beelay, marka si aad u eegto UCID ayaa loogu qaatay.”

SOMALILANDPOST.NET