Eng Ismaaciil Yare oo Ku Dooday in Digniinaha Reer Galbeedku ka bixiyeen Ammaanka Somaliland ay ku Lugleeyihiin Khubaro Muwaadiniin ah

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha urur siyaasadeedka DALSAN Eng Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), ayaa ku dooday in Digniinta Ammaanka Somaliland ay ka Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ay lug ku leeyihiin khubaro dhanka ammaanka ah oo ku sugan Somaliland.

Ismaaciil-yare oo maanta ka hadlayey munaasibad ururkiisu kula midoobay Xisbiga Kulmiye, waxa uu tafaasiil ka bixiyey khibradda uu u leeyahay dhinaca ammaanka iyo xidhiidhadii ay lahaan jireen Sirdoonka dalalka kale, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay sirdoon ka yeelato Saraakiisha Ammaanka ee Shaqada ka fadhiya iyo Wasiirradii hore u soo maray Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ismaaciil yare (1)Eng Ismaaciil-yare oo mar ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland xukuumaddii madaxweyne Rayaale , waxa uu yidhi, “Waan la yaabay waxa keenay in mar kaliya Maraykanka iyo ingiriisku yidhaahdaan dadkayagu ha soo baxaan, way nala shaqeyn jireen anaga oo ka Xamar ka soo baxa ee Al-shabaab ah ilaa uu ka soo gaadhayo Bali-dhiig iyagaanu la xidhiidhi jirnay (reer galbeedka). waxaan xasuustaa midbay sheegeen markii uu gaadhigii uu la socday uu kaga wareegay gaadhi kale oo Taxi ah, halkiibaa lagu qabtay isaga iyo miinooyinkiisiiba, markaa markii hore waxaan is lahaa ma xukuumadda ayaa ka gaabisay intay u sheegeen wax khatar ku ah amaanka oo ay tilmaamo ka bixiyeen, xaasha…oo waakii Wasiirku ka jawaabay, Al-shabaabna haddii dagaal badani kaga dhacay koonfur waa suurto-gal inay halkan firxad ku yimaadaan, waxaana laga yaabaa inay imika laba ama saddex joogaan, ma qabbo in xukuumaddu dhaafayso haddii ay sheegeen in nabadgalyada dhib ku haysa, laakiin may sheegin.

Markaa anigu haddii aan in badan nabadgalyada ka soo shaqeynayey kama madhna cid aqoon u leh nabadgalyada kana soo shaqeyn jirtay shaki igagama jiro inay warbixintan lug ku leeyihiin, mar walbana inaga ayaa lugta isjarna, markaa xukuumaddu waa inay sirdoon ka yeelataa kuwa shaqada ka fadhiya iyo kuwii hore sirdoonka uga shaqeyn jiray, Wasiirka daakhiliguna sirdoonkuu ka mid yahee markuu shaqada ka fadhiyo waa in xukuumaddu cid ka yeelataa, markaa waxaan u jeedaa waxani waa wax inaga inaga tagay.”

SOMALILANDPOST.NET