Eng. Farxaan Axmed oo Si Adag uga Hadlay Hoggaaminta Madaxweyne Biixi, Guddiga Covid19 iyo Xaaladda Somaliland

 

Eng Farxaan Axmed Maxamuud oo hore uga tirsanaan jiray Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka, balse beryahan ah Siyaasi madax-bannaan, isla markaana deggan Degmada hennepin oo ka tirsan magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka, ayaa naqdiyey Khudbaddii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Abdi uu jeediyey 18-kii bishan May 2020 oo Isniintii toddobaadkii hore ahayd.

Sannadkan oo 18-ka May ku buuxday 29-guurada madaxa-bannaanida Somaliland, taasoo Madaxweynuhu Warbaahinta toos ugu mariyey Dadweynaha Reer Somaliland, isla markaana kaga hadlay qodobbo kala duwan oo door ah.

Hase-yeeshee, Eng. Farxaan oo aan waraysi khadka Whatsapka kula yeeshay, waxa kale oo uu ka hadlay Gaadiidka ay Dowladdu la wareegtay toddobaadyadii hakadka la geliyey Jaadka ee qaadka lagu qabtay, wada-jirka Bulshada, xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan, arrimaha adaaladda, qiimaha ay reer Somaliland u leedahay maalinta qarannimadu iyo waxyaabo uu sheegay in Xukuumadda talada haysan ka qaldanyihiin oo u baahan in la saxo iyo qodobbo kale.