Eng Cabdinasir Garaad Abshir Saalax oo Isbar-bardhig ku sameeyey Prof Cali Khaliif iyo Dr Saleebaan Xagla-toosiye

Waxa uu Ina Garaad Abshir Shacabka deegaannada gobollada Sool iyo Buuhoodle ugu baaqay inaanay taageerin shakhsiyaad Dano-gaar ah ku fushanaya Mustaqbalka iyo Aayaha Ubadkooda oo Cali Khaliif ka mid yahay

London (SLpost)- Eng. Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah Aqoonyahanka Somaliland ee deegaan u dhashay gobolka Buuhoodle oo wakhtigan ku sugan waddanka Ingiriiska, ayaa si qoto-dheer uga hadlay shakhsiyadda Prof Cali Khaliif Galeydh iyo tacaddiyada dib-u-dhaca horumarka bulshada oo uu hortaagan yahay ka mid tahay uu ku hayo shacabka gobollada Sool iyo Buuhoodle ee Somaliland.

Garaad CabdinaasirAqoonyahan Eng Cabdinaasir Abshir Saalax oo Madax ka ah Urur ay leeyihiin Qurbejooga Soomaalida ee ku dhaqan Yurub oo xaruntiisu tahay magaalada London, waxa uu isbar-bar dhig ku sameeyey waxqabadyada shakhsi ahaan iyaga oo aan siyaasadda ku dhex-jiran ay Prof Cali Khaliif iyo Dr Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo ah Wasiirka Caafimaadka Somaliland u qabteen bulshada ku dhaqan gobollada Buuhoodle iyo Sool. Eng Cabdinaasir waxa uu sheegay in shakhsiyaad dano-gaar ah wata oo Cali Khaliif ka mid yahay ay muddo hortaagan yahay horumarka iyo adeegyada bulshada ee laga hirgelin lahaa gobolladaas.

Aqoonyahan Cabdinaasir oo uu dhalay Garaadka magaca weyn ku leh gobollada Somaliland, gaar ahaan Buuhoodle, waxa uu arrintan kaga hadlay qoraal xambaarsan baaq, qaylo-dhaan iyo baraarujin uu ugu diray shacabka ku dhaqan gobolladaas, waxa uu xusay in Dr Saleebaan Ciise Xagla-toosiye, wasiirka Caafimaadka Somaliland, uu waxtar ballaadhan ka geystay deegaannada gobolka Buuhoodle isaga oo aan wax siyaasad ah ku shaqo lahayn, taasina ay dadweynaha u muujinaysa shakhsiga danta gaarka ah ka horumarinaya rabitaanka iyo baahiyaha bulshada ku dhaqan deegaanka uu ka dhashay.

Qoraalka uu Cabdinaasir arrimahan kaga hadlay oo nuqul ka mid ah khadka E-mailka lagu soo gaadhsiiyey Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaan marka hore halkan ka salaamaya madaxda Dhaqanka SomaliLand, Garaadada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha iyo Shacbiga reer Somaliland.

Kadib markaan arkey baahida dadka reer SSC iyo siday u hor kacayaan dad dan gaara ah wata, dadkaas oo xataa hadaanu dib u noqono 23 sanadood ee tegey horumarkii ay gaadhi lahaayen hortaagnaa. Qof markuu maskaxdiisu xor tahay ayuu dadka kalena wax la qaybsadaa. Haddaan tusaale u soo qaato Mudan Saleeban Xaglatoosiye intuuna siyaasadda soo gelin rugta caafimaadka ugu weyn isagaa shacabka reer Buuhoodle u dhisay.

Sidoo kale haddaanu Isbarbar dhigno Prof Cali Khalif Galaydh iska dhaaf inuu dadka wax u dhiso intay dhisteen Duminteedii buu ku jiraa.

Tusaale kooban haddaan ku soo qaato dowladii Soomaaliya ee Madaxweyne Cabdiqaasin Salad Xasan wuxuu eedda dusha kaga tuuray oo uu lahaa Prof Ali Khalif Galaydh baa curyaamiyey dawladaas. maanta curyaamintaas siyaasadeysan, waxay Mr Ali Khalif Galaydh la maraysaa inuu Maamuladii, dawlada Xamar inuu buuq Xasaasi ah ku afuufo. Prof Ali Khalif Galaydh waxaanu ognahay si uu isagu kaligii isku soo sharaxo inuu kala diray “G11” uu ku jiray (Prof Cali Ciise Cabdi ) oo ah nin aad u qiimo badan Hadeerna Aniga & Rag Aqoon yahan oo ka soo jeeda degaamada SSC wada hadel noo socdo. Ururkan Aqoonyahanka isku tegay ee reer SSC oo aanu Samaynay kadib markaanu aragnay baahida dadku u qabaan in lag qabto “Hadimooyinkaas dadka wada” waxaanu u bixinay ururka (Badbaado Qaran).

Waxaan anigoo madaxdii dhaqanka ka mida ah Dadka reer SSC ee dad faro ku tiris ah Afduubka ugu haystaan “websites” uu

BUSINESS LICENCE uu “Ali Khalif Galaydh”ka bixiyo, in dadka La’ marin habaabiyo taas waxaan leenahay waa in dadku ka foojignaadan maanlaawayaasha aan Dadkaas reer SSC arxan u Hayn oo iLaa (Xamer to Hargeysa) inta u dhaxeysa dadkii degi jiray Siyaasad Looga horkeenay raggaas uu horboodaayo Mr Ali K G Dadkii SSC jiif iyo Joogba iyagaa u diiday.

Dadku wax uu ahaa 1960 Somaliland & Koonfur. hadeerna Arrintu Waa taas.

Waxaa xusid mudan inaanu idiin soo gudbino shirar aad muhiimah oo aanu kaqayb galnay oo aad ka daawateen TV.waa shirarkan,

1) Africa Business-Global-Conference-London.

2) Secure Cities-Homeland-Conference-London.

3) Uk’S Premier Security conference & Exhibition.

4) Securing ASIA & AFRICA Summit.

5) The Nehru Centre- High Commission of India(AIBF Summit).

Shirarkaasi oo aanu kaqayb galnay waxay dhaleen oo soo socda 3 shir oo waaweyn oo London ka dhicidoona oo nalagu casuumay. Madaxda Somaliland ahina iman doonan oo heer qaran,” Sidaas ayuu Eng Cabdinaasir Garaad Abshir ku soo gunaanaday qoraalkiisa.

Somalilandpost.net

London, UK