La-taliyaha Madaxweynaha ee Gobollada Bari oo ka hadlay Muhiimadda uu Qaranka u leeyahay Heshiiska DP World iyo Horumarinta Dekedda Berbera (Daawo Muuqaal)

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Madaxweynaha ee Gobollada Bari Eng Cabdinasir Garaad Abshir ayaa ka hadlay Muhiimadda uu Qaranka u leeyahay Heshiiska DP World iyo Horumarinta Dekedda Berbera.

sawirEng Cabdinasir Garaad Abshir Garaad Saalax oo hadal waano, talo iyo bogaadin isugu jiray ka jeeday Kulan ay Salaadiinta, Cuqaashada iyo wax-garadka gobolka Maroodijeex ku taageereen Heshiiska ay xukuumadda Somaliland kula gashay shirkadda DP WORLD maalgelinta iyo ballaadhinta dekedda Berbera, waxa uu iftiimiyey muhiimadda ay fursadda maalgeshi u leedahay horumarka iyo dhaqaalaha dalka, waxaanu Eng Cabdinaasir guusha Maalgeshigan ku ammaanay wasiirrada Madaxtooyada, Maaliyadda, Arrimaha Dibadda iyo Qorsheynta.

Waxa uu Eng Abdinasir si gaar ah ugu bogaadiyey Golaha Wakiillada Somaliland meel-marinta heshiiska xukuumaddu la gashay shirkadda DP World.