Elatariya Oo Dhexdhexaadin Ay Gadar Gashay Awgeed Jabuuti Maxaabiis U Soo Daysay

Xukumadda Eritrea ayaa sii deysay afar maxbuus oo u dhashay dalka Djibouti, ka dib dadaallo dhex dhexaadin oo ay dowladda Qadar ka dhex bilowday labada wadan.

Al-Thani iyo wafdi uu hogaaminayay oo ay maxbuustan la socdeen ayaa waxaa Djibouti ku soo dhaweeyay, Wasiirka Arrimaha dibadda ee Djibouti, Mahmoud Ali Youssouf,wasiirka difaaca ee Djibouti, Hassan Dharar Hufane, iyo Safiirka u fadhiya Qadar Djibouti,  Jassim bin Jaber.Dayuurad ay leedahay Qadar ayaa  Afartan maxbuus ee u dhashay dalka Djibouti, oo xabsiga Eriteria ku jiray muddo sideed sanadood ah geeysay Magaalada Djibouti Jimcihii shalay, waxaana wehliyay, wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar, Mohamed bin Abdul Rahman Al Thani.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay dadaalka Qadar, waxaana uu ku tilmaamay sii deynta maxaabiista mid bog cusub u fureysa caadiyeynta xiriirka labada wadan.

Sanadkii 2008dii ayaa muran dhinaca soohdinta ah oo ka dhex oogmay Eriteria iyo Djibouti waxa uu horseeday dagaal dhex maray labada dal oo muddo sadex maalmood ah socday.

Boqolaal ciidamo nabad ilaalin ah oo Qadar ka socday ayaa la geeyay xadka labada dal. Sanadkii 2010kiina labada wadan waxey heshiis nabadeed ku kala saxiixdeen magaalada Dowxa ee dalka Qadar.

VOA